Maxaa laga filayaa kulanka Golaha Ammaanka uu maanta yeelanayo ee Soomaaliya ay qaybta ka tahay

Xigashada Sawirka, Reuters
Magaalada New York oo ah fadhiga Qaramada Midoobay waxaa xiili dambe maanta oo isniin ah lagu wadaa inay kulan deg dega ku yeeshaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay kaas oo ay dalbatay dowladda Federalka ee Soomaaliya lagana hadli doono aqoonsiga Israel ee Somaliland.
Soomaaliya oo xilligan xubin ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa tallaabada Israel ku tilmaamtay mid aan marna la aqbali karin "gef iyo gardarro ku ah dhammaan qawaaniinta caalamka, heshiisyada iyo shuruucda ay dunidu ku dhaqanto' sida uu khudbad uu u jeediyey labada Gole ee Baarlamaanka Soomaliya ku sheegay y madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Shan iyo tobbanka xubnood ee Golaha Ammaanka ee kulan leh maanta waxaa sidoo kale ka mid ah dalal si cad u taageeray Soomaaliya cambaareeyeyna tallaabada Isreal ay ku aqoonsatay Jamhuuriyada Iskeed madaxbanaannida ugu dhawaaqday ee Somaliland, kuwaas oo ay mid yihiin Pakistan iyo Algeria.
Soomaaliya iyo Isreal ayey dhexmari doontaa dooda ajandaha shirkaasi.
Danjiraha Israel u fadhiya Qaramada Midoobay Danny Danon, ayaa sabtidii sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa X in "Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay wuxuu isugu iman doonaa Isniinta fadhi degdeg ah kaddib aqoonsiga ay Israa'iil siisay Jamhuuriyadda Somaliland,"
Wuxuu intaas raaciyey Danjire Danny Danon "Ma ka baqan doonno doodaha siyaasadeed,"
Sida dad badan oo la socda xaaladdaha ay qabaan Maraykanka ayaan caddeyn mowqifkiisa tallaabada Israel ay ku aqoonsatay Somaliland basle Maraykanku waa taageere weyn oo Israel ah.
Shiinaha o oleh codka diidmada qayaxan kana mida xubnaha Golaha Ammaanka ayaa la filayaa inuu taageero siiyo Soomaaliya isagoo cambaareeyey tallaabada Israel ay qaaday jimcihii
Maxaa laga fili karaa kulanka?

Xigashada Sawirka, SOCIAL
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sida uu BBC-da u sheegay Axmed Ciise Cawad, oo ah falanqeeye arrimaha Soomaaliya saddex qodob ayaa laga fili karaa inay ka soo baxaan kulanka deg degaa ee Golaha Ammaanku maanta ka leeyahay aqoonsiga Israel ee Somaliland
Danjire Cawad wuxuu tilmaamay in markasta ay Soomaaliya difaacanayso midnimadeedad iyo madaxbannanideeda basle tallaabooyinka ay ku xirnaan doonoon xubnaha Golaha ee arrinta ka arrinsanaya.
''Waxa ugu fiican ee soo bixi kara waa in Israel la cambaareeyo oo ah tan Soomaaliya ugu fiican mana filayo taas inay dhacayso. Waxa ku xiga ee fiican waxay noqonaysaa in dalalka hadla oo dhan taageeraan midnimada Soomaaliya iyo Qaranimadeeda oo wax weyn ah haddii Maraykanku meesha sidaas ka yiraahdo.
"Waxaa nasiib darro noqonaysa haddi shirka aan u yeeranay dalalka qaarkood ay taageeraan oo ay muujiyan rabitaan inay difaacaan go'aanka Israel macnaheedu waxa weeyaan aqoonsiga Israel samaysaa ka suurtagal ah taasi waxay noqonaysaa kulan aynu ku khasaarnay" ayuu BBC-da u sheegay
Danijre Cawad, wuxuu sheegay inkastoo Maraykanka hadda an la saadalin karin wax ka yimaada hadda ay noqonayso in laga yaabo inay taageeraan Qaranimada Soomaaliya.
Ra'iisul Wasaaraha Isreal Benjamin Netenyahu ayaa jimcihii ku dhawaaqay in dalkiisu si rasmi ah dal ugu aqoonsaday Soomaliland taas oo ay Muqdisho si adag ugu hortimid.
Inta badan dalalka Carabta, kuwa Islaamka iyo ururada ay ka mid tahay Soomaaliya sida Midowga Afrika ayaa ka horymid tallaabada Isreal iyadoo wali dowladda Soomaaliya ay wado dadaalo diblomaasi ah oo ay arrintaas kaga hortagayso.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay meel mariyey qaraar ay ku diideen tallaabada Israel ay ku aqoonsatay Somaliland.













