Jaamacadda Carabta oo sheegtay in aqoonsiga Israa'iil ee Somaliland ujeedadiisu tahay "in la barakiciyo Falastiiniyiinta"

Golaha Midowga Dowladaha Carabta ee heerka wakiillada joogtada ah ayaa cambaareeyay aqoonsiga Israa'iil ee 'Somaliland' sida dal madax-bannaan oo ka madax-bannaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo tallaabada Israa’iil lagu tilmaamay 'danaysi siyaasadeed, amni iyo dhaqaale oo si adag loo diiday.'

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

Golaha Midowga Dowladaha Carabta ee heerka wakiillada joogtada ah ayaa cambaareeyay aqoonsiga Israa'iil ee 'Somaliland' sida dal madax-bannaan oo ka madax-bannaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo tallaabada Israa'iil lagu tilmaamay 'danaysi siyaasadeed, amni iyo dhaqaale oo si adag loo diiday.'

War-saxaafadeed kasoo baxay kadib kulan degdeg ah oo maanta ka dhacay xarunta Ururka Jaamacadda Carabta ee Qaahira, Golaha ayaa adkeeyey inaanay jirin wax sharciyad ah oo ay leedahay tallaabadan iyo diidmada buuxda ee tallaabo kasta oo ka dhalan karta aqoonsigan, kaas oo, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, loogu talagalay in lagu fududeeyo qorshayaasha barakac khasab ah ee dadka Falastiiniyiinta ama si loo oggolaado dekedaha woqooyiga Soomaaliya in ay halkaas saldhigyo militari Israeli ka dhistaan.

Goluhu sidoo kale wuxuu diiday isku day kasta oo lagu aqoonsanayo gooni u goosashada waxa loogu yeero "Somaliland" mowqifka adag ee Carabta ee ku saabsan in gobollodaas loo arko "qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya", iyadoo lagu saleynayo dastuurada Ururka Carabta, Qaramada Midoobay, iyo dastuurada dhammaan ururada Soomaaliya xubinta ka tahay, sida ku cad bayaan.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in goluhu wuxuu u arkay aqoonsiga Israa'iil ee dhulka mid aan sharci ahayn, isagoo ku sifeeyay " in ay qayb ka tahay isku dayada Israa'iil, oo ah qabsasha awoodeed oo sharci darra ah, inay Khalkhal gelineyso xasilloonida nabadda iyo ammaanka caalamiga ah, iyo in ay weerar ku tahay ammaanka qarameed ee dalalka Carabta, taas oo u baahan tallaabooyin sharci, dhaqaale, siyaasad iyo diblomaasiyadeed oo ka dhan ah"

Goluhu sidoo kale wuxuu tixgeliyey tallaabooyinka Israa'iil inay yihiin "isku day daran oo lagu doonayo in lagu beddelo khariidada juqraafi siyaasadeed ee Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas ee xeebaha Soomaaliya" wuxuuna ugu baaqay beesha caalamka in ay tallaabooyinkan u arkaan mid "khatar" ku ah nabadda iyo ammaanka gobolka iyo kan caalamiga ah, iyo sidoo kale xorriyadda maraakiibta iyo ganacsiga caalamiga ah.

Goluhu wuxuu ku celiyey diidmadiisa cad ee isticmaalka dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ama qayb ka mid ah, waxa uu ugu yeeray "ciidan dibadda ah, iyo sida meel laga fuliyo falal cadowtinimo ama sirdoon oo lagu beegsanayo dalalka kale".

Ururka Jaamaccda Carabta ayaa ugu baaqay dhammaan Dawladaha iyo ururrada caalamiga ah iyo kuwa goboleed in ay ka fogaadaan wax xiriir rasmi ah ama aan rasmi ahayn oo ay la yeeshaan maamulka Gobollada Waqooyi-Galbeed ee Soomaaliya iyada taas oo ka baxsan beey yiraahdeen qaab-dhismeedka madaxbannaanida Soomaaliya, isagoo dhanka kalena adkeeyay in "wax kasta oo xadgudub ah oo lagu sameeyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay tahay fal cadownimo oo ka dhan ah Dowladda Soomaaliya iyo Dalalka Carabta iyo Afrika, waxayna ka dhigan tahay beey yiraahdeen ku xadgudubka shuruucda caalamiga ah, isla markaana kuwa falka geysta ay si buuxda mas'uul uga yihiin."

Wakiilka joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Ururka Jaamaacadda Carabta, Cali Cabdi Awaare, ayaa ku tilmaamay ku dhawaaqista Israel ee aqoonsiga Somaliland ay u aqoonsatay dal madax-bannaan inay tahay tallaabo weerar iyo daandaansi ah, taasoo ah buu yiri xadgudub cad oo aan horay loo arag oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah, qaraarada Qaramada Midoobay, iyo Dastuurka Ururka Dowladaha Carabta iyo Midowga Afrika.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Cali Cabdi Awaare wuxuu sheegay in tallaabadan ay tahay "tijaabo muuqata oo ku aadan doonista bulshada caalamka iyo kuwa iska indha-tiraya nidaamka caalamiga ah ee ku saleysan ixtiraamka madax-bannaanida dawladaha".

Wakiilka Soomaaliya wuxuu u arkaa tallaabada Israa'iil "mid aan waxba tarayn, aan waxtar lahayn, isla markaana aan bedeli doonin xaqiiqada aan laga murmi karin ee ah in gobolloda Waqooyi-Galbeed ee loo yaqaan Somaliland ay yihiin qayb ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana midnimada qaran ee Soomaaliya aysan ahayn mid laga gorgortomo ama la burburin karo."

Waxa uu intaas ku daray in tallaabada ugu danbeeysa ee Israa'iil uu ujeedkiisu yahay "in lagu taageero qeyb gooni u goosad ah oo Soomaaliya ka jirta", isagoo ku dadaalaya in uuu ku gaaro waxa uu ku tilmaamay "bara kicinta xoogga ah ee dadka Falastiiniyiinta ah laga barakicinayo dhulkooda", isagoo adkayay in Jamhuuriyadda Soomaaliya aysan qeyb ka noqon doonin "wax kasta oo looga barakicinayo Falastiiniyiinta dhulkooda".

Soomaaliya uma aragto tallaabadan "kaliya weerar kale oo Israel ah oo ka dhan ah dal kale oo Carab ah, balse waxay u aragtaa weerar toos ah oo waxyeello u geysanaya amniga qaran ee Carabta guud ahaan iyo amniga maraakiibta ee Badda Cas," ayuu yiri.

Soomaaliya waxay ku baaqday dalalka Carabta inay si adag uga soo horjeestaan waxa ay ku tilmaantay 'faragelinnada joogtada ah ee Israa'iil' ee ka dhanka ah dalalka Carabta, iyo in ay ka shaqeeyaan 'sameynta siyaasado dhab ah oo looga hortago soo noqnoqoshada iyo sii socoshada arimahan.'

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inuu qabto kulan degdeg ah oo ku saabsan tallaabada Israa'iil maalinta isniintaa ee birri.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay aya ala filahyaa inuu qabto kulan degdeg ah oo ku saabsan tallaabada Israa'iil maalinat biri ah.

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

Qoraalka sawirka, tiro dad ah oo iskugu soo baxay magaalada Hargeysa, iyaga oo sita calanka Somaliland kadib markii Israel u aqoonsatay sidii dal madaxbannaan

Diidmada dalalka Carabta iyo Islaamka

Wasiirrada arrimaha dibadda ee Masar, Aljeeriya, Comoros, Jabuuti, Gambiya, Iiraan, Ciraaq, Urdun, Kuwayt, Liibiya, Maldives, Naayjeeriya, Cumaan, Pakistan, Falastiin, Qatar, Sacuudi Carabiya, Soomaaliya, Suudaan, Turkiga, Yemen iyo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa si cad ayaa u diiday bayaankii Israa'iil ee 26-ka Disembar ee ku saabsan aqoonsiga Soomaaliland.

Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen Sabtidii, wasiirradu waxay ku cambaareeyeen aqoonsiga in uu ku yahay xadgudub muuqda xeerarka sharciga caalamiga ah iyo Dastuurka Qaramada Midoobay, kaas oo xaqiijinaya ilaalinta madax-bannaanida, iyo midnimada dhuleed ee dalalka.

Dhanka kale Midowga Afrika ayaa Jimcihii ku dhawaaqay diidmadooda buuxda ee aqoonsiga madax-bannaanida "Somaliland".