Maxay yihiin labada qodob ee uu isku casilay Cismaan Dubbe?

Osman Dubbe

Xigashada Sawirka, Osman Dubbe

Senator Cismaan Dubbe oo ka tirsanaa Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in uu iska casilay xilkaas.

Waraysi gaar ah oo uu suuyay BBC-da ayaa sheegay in sidoo kale uu ka tanaasulay qadiyadda midnimada Soomaaliya oo uu ka mid ahaa siyaasiyiinta u ololeeya.

Senator hore Dubbe waxa uu sheegay in seddexdii sano ee ugu danbeeysay in uu Baarlamanks gudihiiss ka sheegayey in sida wax ku socdaan laga daayo.

Waxa uu ku eedeeyay in wax walba la qaatay sida xukunkii , xurmadii dhaqaalihii, deeqihii waxbarashada, tababarradii iyo metalaadii, Somaliland ay meel ku go'doonsantahay.

Sababaha uu isku casilay ayuu sheegay "inuu ku qanacay in wixii uu ka shaqeeynayey dadkii uu ku metelayey aanay dan u ahayn"

anigu waxa aan ahaa qof aamisanaa wixii uu ka shaqeynayey laakin waxa aan gaaray laba go'aan

"Midnimiaddu dadkeygii dhibaato ayeey ku tahay wax dadkeyga lagu dhibaateeynayo kamasii shaqeyn karo"

Senatar Dubbe waxa uu sheegay in dhibaatooyinkaas uu isku dayey in uu wax ka qabto, mar in uu xalliyo, mar in uu wacdiyo, laakin intaba markii ay soo dhaafto, waxa aad gaareeysaa buu yiri barako ma laha.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Qoddobka labaad waxa uu sheegay Senator Dubbe in wadahadal lagu xalliyo arinka, wadahadalkaas oo uu sheegay in laba midkood uu kasoo baxayo, in midnimo lagu heshiiyo oo laga wadahadlo dastuur iyo nidaam iyo maxaynu kuwada noolaanaa, iyo in sidii Sudan iyo South Sudan lagu heshiiyio in laba qaran la kala noqdo.

Senator Dubbe waxa uu sheegay in isagu uu xoogga saarayey wadahadalka wadahadalkiina uu Meesha ka baxay " Somaliland waddo kale ayeey qaaday oo dalal gaar ah in ay aqoonsi ka raadsato si gooni gooni ah, markaa xamar hadda boos kuma laha maadaama ay waddadii wadahadlka ay ka baxday "waxa aan arkay wadddadii aan is lahaa xalka ha lagu gaaro in ay dhammaatay" ayu yiri senator Dubbe oo sheegay in uu ka xishooday "in waxa aan ka shaqeynayo oo aan dadkeygii dan u ahayn in aan iska fadhiyo".

Mar la weeydiiyay senator Dubbe in aqoonsiga ay Somalilan ka heshay Israel ay soo dedejisay iscasilaadiida ayuu sheegay " in wadadadii hadalaka ay soo xirantahay oo waddo cusub la sameeyay" taas o dheeraan karto ama soo gaaban karto laakin wadadii ahayd Xamar ayaa aqoonsigu idinkaga xiran yahay in ay xirantay .

Senator Dubbe wax uu sheegay in marka ay xaalduhu is beddelaan in aad ku qasnatahay in aad is beddesho.

"Adeerkey Ibraahim Meygaag Samatar isagoo ahaa wasiirka ugu aqoonta badan wasiiradda ahaana wasiirka Dhaqaalaha ayuu habeen ka dhaqaaqay dabadeena inta uu shaar iyo surwaal tuuta ah xirtay ayuu miyiga qabtay markii uu dagaalka dhameeyay waa kii jaamacadda Japan Hormuudka ka noqday" ayuu yiri seantor Dubbe oo intaas ku daray in "Siilaanyo isagoo Wasiirka Ganaacsiga ah oo guriga ugu weyn xamar ku leh uu ka dhaqaaqay oo geed hoostiis seexday, Ismaaciil Cali Abuukar isagoo ka tirsan shanta golaha sare , xisbigana ku xigeen ak ah ayuu xabsi doortay".

" anigu Hidda sidaheygu (DNA) waxa ay kasoo jeedaa niman ana qaladka qaadan"

Senator Dubbe waxaa uu sheegay in maantay Somaliland ay dhisantahay oo ay barwaaqeysantahay oo ay nooshahay , "sabab aan gumeysi iyo neacyb iyo collaad aan dadkeyga ugu qaado ma laha , rag baa qori qaaday oo dagaal galay" ayuu yiri senator Dubbe .

Mar la weeydiiyay Senator Dubbe in waqtigii senatrnimada oo gabaabsi ah iyo xaaladahan cusub ee kasoo cusboonaaday Somaliland in uu doonayo in uu is waafajiyo waxa uu kaga jawaabay, doorasho ma dhaceyso ka hor sanadka 2027, markaa waxa laga yabaaa in aan ka mid noqon lahaa dowladda cusub ee lagu dhawaaqi doono January , "markaa wax walba aniga oo haysta ayaan ka dhaqaaqayaa"

Dubbe mar la weeydiiyay maadaama uu is casilay, qaddiyaddii uu muddada dheer u ololeeynayeyna uu ka tanasulay halka uu u socdo iyo in uu Somaliland ku laabanayo, waxana uu yiri " oo hadde xagaan qaban lahaa Somaliland waa gurigeyga"

Senator Dubbe waxa uu sheegay in Somaliland ay halgan cusub galayan markaa halgankaas wixii aan ku kordhin karo ayaan ku kordhinayaa buu yiri isagoo intaas ku daray in uu macallin yahay oo dhanka waxbarashada uu leexan doono.

Senator Dubbe waxa uu sheegay in hal fursad ay u furantahay dowladda Soomaaliya, laakin uu ka baqayo in fursaddaas ay lumiyaan , waddadaas ayuu ku sheegay in Xasan Sheekh ay tahay in uu aqbalo in Somaliland aanay soo noqoneyn " wadadaas ay qaadday, shan , toban, maalinba cid uun baa aqoonsan doonto" ayuu yiri Senator Dubbe oo intaas ku daray in si aan Soomaalidu usii kala dhiman in waddaddi Cumar Al-bashiir uu Jubba ugasoo degay isagoo aqoonsan South Sudan in uu kagasoo dego, dabadeedna lagu sharfo oo uu yiraa waa in idin aqoonsaday laba dal oo deris ah ayaan nahay.

Dubbe miyuu soo gabagabeeyay waayihiisii nololeed ee Muqdisho

Cismaan Dubbe mar la weeydiiyay maadaamaa uu Muqdisho ku noolaa mudddo dheer dhalinyaraniamdiisii, waayihiisii danbana uu ku nool sida uu arko in waayihiisa xamar iyo xaafaddii Kaasabal-ballaare uu sidaasi kusoo gabagabeynayo, waxana uu kaga jawaabay " Duruufuhu waxa ay keeneen in Soomaaliya kala tagto wixii ay ku kala tagtayna tala xumo ayey ahayd maantayna tii mid kasii daran oo bilaa awood ah ayaa timid" ayuu yiri senator Dubbe oo intaas ku daray in uu doonayo Soomaali laba dowladood ah oo derisa ah oo dadkoodu mideysanyihiinn oo walaala ah oo iskaashaada.

Mar uu ka hadlayey sida uu arko aqoonsiga ay Somaliland ka heshay Israel waxa u kaga jawaabay dadkan aad baa loo dhibaateeyay , dhaliyaro dabaaldegeysay habeen hore oo calamadii dowladaha sidatay waxa ay ku tusineysaa heerka ay dadku gaareen. "qofka jidkani halka uu la maraba waa uu la marayaa" ayuu yiri isagoo intaas ku daray in Israel ay tahay dal ka mid ah kuwa dunida ugu waaweyn xagga tiknoolajiyada , hubka dhaqaalaha , cilmi barista.

Senator Dubbe mar la weeydiiyay caqabadaha iyo fursadaha ay ka faa'idi karto Somaliland aqoonsigan Israel waxa uu kaga jawaabay in ay weli bilow tahay " Wadamadda waddanba waddan buu ku tiirsanyahy , waxa u gu weyn waa in Somaliland hesho cid u dooddo qaddiyadeeda maadaama la doonayo in la kibir jabiyo oo la burburiyo, cid yac tiraa oo ka celiso in ay hesho waa weyn" ayuu yuri Senator Dubbe.

Haddii ay jiraa dalal kale oo ay suurta gal tahay in ay Israel soo raacaan in ay aqoonsadaan Somaliland sida uu arko mar la weeydiiyay Senator Dubbe waxa uu yiri, "in tani aanay bilaash ku imaan ee ay ku timid daddaal ay sameeysay xukuumadda Cabdiraxmaan Cirro markaa haddii ay dadaalka sii waddo waxa aan is leeyahay jidku ma dheeraan doono.