Muxuu salka ku hayaa dagaalka Baladweyne, maxayse yihiin ragga ku dagaalamaya?

Xigashada Sawirka, Facebook
Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa ka dhacay dagaal u dhexeeya ciidamo kala taabacsan Hirshabeelle iyo ciidamo taabacsan koox la magac baxday Hiiraan State oo ku sugan gudaha Baladweyne.
Dagaalkaan oo bilawday xalay ayaana istaagay maanta barqonimadii isagoo ka bilowday goobo ay dhawaan banneeyeen ciidamada Jabuuti ee ka tirsan hawgalka ATMIS.
Dagaalka ayaa la sheegay in uu ka bilowday guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin oo muddo loo diidanaa in uu kasoo dego garoonka magaalada Beledweyne tan iyo markii la magacaabay, kaas oo markii dambe dhulka soo maray isaga oo doonayay 'in uu xoog ku tago xarunta gobolka', sida ay noo sheegeen dad goobjoogayaal ah.
Xarunta gobolka ayaa la sheegay in xilligaas ay ku sugnaayeen ciidamo taabacsan 'Hiiran State', halkaas uu kala kulmay iska caabin.
Dagaalka ayaa ka dhacay aagga xerada Lamagalaay oo ay ku taallo xarunta gobolka, waxa ayna rasaastu socotay muddo saacado ah.

Xigashada Sawirka, TWITTER
Odayaasha magaalada oo soo kala dhex galay labada dhinac ayaa keentay in ciidamadii uu guddoomiyaha gobolka Hiiraan watay ee ka socday Hirshabeelle ay isaga baxaan magaalada Beledweyne.
Gacan ku haynta magaalada ayaa si buuxda waxaa hadda u haya ciidamada taabacsan Hiiraan State.
Tirada rasmiga ah ee ku dhimatay dagaalkan lama oga waxaase la sheegay in ay ku dhinteen 5 qof, ku dhawaad 10 kalena ay ku dhaawacmeen.
Iyadoo lagu jiro bil Ramadaan dadkuna soomanyahiin ayuu dagaalkani ka dhacay magaalada waxuuna burbur soo gaadhsiisay guryaha iyo goobaha ganacsiga.
Korontada magaalada ayaa qaybo kamid ah go’oday. Dagaalkan ayaana saameeyay ganacsigii iyo isu socodkii dadweynaha ee magaalada sida ay noo xaqiijiyiin dadyoow magaalada gudaheeda ku sugan oo aan la xidhiidhnay.

Waa ayo Hiiraan State?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Hiiraan State ayaa intii muddo ahba ahayd magac ay isticmaalayeen saraakiil iyo siyaasiyiin deegaanka ah oo aad u saluugsanaa nidaamka madaxweynaha Dawladgoboleedka Hirshabeelle, ee madaxweynaha ka yahay Cali Guud-laawe.
Saluugaas ayaa salka ku hayay inta badan awood qaybsiga maamul ee ka jira gobolka Hirshabelle.
Laba ka mid ah siyaasiyiintii aadka ugu ololeeyay magacaan ayaa waxaa ay kala yihiin Janaraal Xuud iyo Cali Jeyte, oo ah gudoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan.
Balse labadooduba waxaa ay markii dambe aqbaleen waanwaan ay sameysay dawladda federaalka Soomaaliya.
Bishii Oktoober 2023 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud, ayaa u magacaabay Cali Jeyte Cismaan in uu noqdo u qaabilsanaha madaxweynaha ee arrimaha Ciidamada Difaaca Dadweynaha ee Macawiisleyda, xilkaas oo uu Cali aqbalay ayuu sheegay haddana in uu san ka tanaasulin qadiyadda Hiiraan State.
Labo qof ayaa hadda kala sheegata in ay yahiin madaxweynaha Hiiraan State, Cabdiqaadir Xuseen Coloow (Xiirane) oo qurbaha kasoo noqday iyo Cabdullaahi Cabdiraxmaan Aadan (Ganey) oo labaduba ay isku beelyahiin ayaa haddeer labaduba sheegtaan xilka madaxweynenimo ee Hiiraan State.
Dagaalkaan hadda dhacay ayaase la sheegay in qayb ka ahaan ciidamada taabacsan Hiiraan State oo labadaan nin ee madaxweynenimada sheeganaya ay hoggaaminayaan.
Xidhiidho kala duwan oo aan la samaynay ayaanse noqon mid midho dhal ah iyadoo xaaladda magaalada Beledweyne xilligaan oo bil soon lagu jiro ay ciidamo is dul joogaan.
Dadka shacabka ah ayaa walwal ka qaba waxa xaalku ku dambeyn doono, iyaga oo marar badan goobjoog ka noqday dagaal laba safle ah oo ka dul dhacay, xilli aysan u diyaar garoobin.













