'Musiibo' ku soo socota Soomaaliya oo ay ka digtay WFP

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Soomaaliya ayaa ku jirta xaalad macaluul aad u cakiran oo saameyn weyn ku leh malaayiin qof, sida ay sheegtay World Food Programme (WFP). Laba xilli-roobaad oo gu' iyo dayr ahaa ayaan la helin roobkii la filayey, colaado iyo amni-darro baahsan ayaa weli taagan, waxaana kumannaan qof ay ka barakaceen guryahooda iyagoo raadinaya hoy, cunto iyo adeegyo aasaasi ah. Arrimahan oo dhan ayaa xaaladda bani'aadannimo ee Soomaaliya gaadhsiiyey ilaa heer halis ah.

Ross Smith, Agaasimaha Qorsheynta Degdegga iyo Ka Jawaabista WFP, oo maanta ka hadlay shir jaraa'id oo ka dhacay Geneva, ayaa sheegay in gargaarka cuntada iyo nafaqada ee WFP uu halis ugu jiro in uu istaago toddobaadyo gudahood haddii aan la helin maalgelin degdeg ah. "Dunidu waa inay u jeedsataa malaayiinka haween, rag iyo carruur nugul ee ku dhibaataysan Soomaaliya. Nasiib darro, tani ma aha markii ugu horreysay ee aan xaaladdan wajahno," ayuu yidhi Smith.

Bishii Nofeembar, Dowladda Soomaaliya waxay ku dhawaaqday xaalad degdeg ah oo abaar taagan ah, taasoo ka dhalatay biyo-yaraan ba'an, khasaaraha ku yimi dalaggii, xoolihii oo ay saamaysay, iyo barakac ballaadhan.

Xaalad la mid ah ayaa sidoo kale ka jirtay Soomaaliya, sanndkii 2022, markaas oo macaluul si dirqi ah looga baaqsaday kaddib taageero caalami ah oo ballaadhan oo xilligaa soo gaadhay.

WFP waxay muujisay in xogaha hadda la helay ay muujinayaan in xaaladdu ay sii xumaatay. "Qiyaastii rubuc ka mid ah dadka dalka ku nool – 4.4 milyan – ayaa wajahaya heerar macaluul ama ka sii daran (IPC3+)," ayuu Smith sheegay.

Arrintaan waxaa ku jira ku dhawaad hal milyan oo qof oo ay haween, rag iyo carruur ka mid yihiin, kuwaas oo la daalaa dhacaya gaajo daran. Dhanka kale, ku dhawaad laba milyan oo carruur ah ayaa la ildaran nafaqo-xumo daran, oo ay ku jiraan in ka badan 400,000 carruur oo qaba nafaqo-xumo daran oo halis ah.

Sidoo kale, ku dhawaad dad milyan badhkii ah ayaa barakacay shantii bilood ee la soo dhaafay, taas oo muujinaysa sida xaaladdu u tahay mid daran.

.

Xigashada Sawirka, AFP

Smith ayaa sheegay in warbixin faahfaahsan oo ku saabsan ammaanka cuntada iyo nafaqada (IPC) la daabici doono toddobaadada soo socda, isla markaana uu filayo in xaaladdu sii xumaato

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

WFP ayaa ah nolol badbaadiye u ah malaayiin qof oo Soomaaliyeed, waxaana ay tahay hay'adda ugu weyn ee gargaarka bani'aadannimo ka fulisa gudaha dalka Soomaaliya.

Laakiin hadda, waxay awood u leeyihiin in ay gaadhaan kaliya hal qof oo ka mid ah toddobada qof ee baahan. Dhaqaale yari ayaana ku qasabtay hay'adda in ay hoos u dhigto gargaarkii muhiimka ahaa ee ay bixin jirtey; 2025, gargaarkii cuntada iyo nafaqada ayaa la dhimay in ka badan kala badh sababo la xiriira maalgelin yari soo waajahaday.

Maanta, WFP waxay ka caawisaa kaliya 640,000 qof oo ka mid ah 4.4 milyan qof oo wajahaya gaajo daran, taasoo hoos u dhac weyn ku ah taageeradii ay bixisay sanadkii hore oo gaadhay 2.2 milyan qof.

Xitaa bixinta lacagaha degdegga ah ee dadka qaar ayaa hoos u dhacday sababo la xidhiidha kheyraad yari, halka lacag-bixinta ay tahay ikhtiyaarka keliya ee gargaar, meelaha ay suurtagal tahay in suuqa uu shaqeeyo laakiin laga heli waayo adeeg toos ah oo dadkaas loogu gargaari karo.

WFP ayaa sidoo kale hoos u dhigtay gaarsiinta gargaarka meelo ka mid ah Soomaaliya, iyada oo hadda ka hawlgalaysa 42 degmo oo keliya, halkii ay hore uga shaqeyn jirtay 64 degmo.

Smith ayaa ku adkeeyay in kor u qaadista jawaabta WFP ay tahay mid lama huraan ah si loo daboolo baahiyaha degdegga ah ee cuntada iyo nafaqada, loogana hortago macaluul, loona dhiso adkaysi ku aaddan bulshooyinkan, si ay ula qabsadaan dhacdooyinka cunto xumada iyo amni-darrada ah, xilli ay sii kordhayaan dhibaatooyinka amnio o ay raacaan saamayn daran oo ka dhalatay isbeddelka cimillada ee Gobolka.

WFP ayaa hore u bixin jirtey lacago degdeg ah oo suuqyada gudaha ah dadka baahani kaga iibsna jireen cuntada, iyada oo kaashanaysa nidaamyada dowladda si loo daboolo baahiyaha degdegga ah ee ku dhawaad 380,000 qof.

Hay'adda ayaana ku boorrisay bulshada caalamka inay si degdeg ah u taageeraan si looga hortago musiibo la saadaalin karo.

Smith wuxuu ku soo gabagabeeyay: "Waa inaan ka hortagnaa gaajada daran, gaar ahaan haweenka iyo carruurta. Waxaan diyaar u nahay inaan gaadhsiinno gargaar, balse waxaan u baahanahay taageero degdeg ah si aan u badbaadino malaayiin qof."