Deeq bixiye isqariyey oo ku deeqay dahab lagu qiimeeyey malaayiin doollar si wax looga qabto biyaha magaalada

.

Xigashada Sawirka, Osaka City Waterworks Bureau

Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Magaalo ku taalla Japan ayaa heshay deeq aad u badan, taasoo gacan ka gaysanaysa sidii loo dayactiri lahaa hanaanka biyaha ee magaalada. Deeqda ayaa ah 21 kiilo oo ah dhagxan dahab ah.

Dhagxantan dahabka ah oo lagu qiimeeyey 560 milyan oo Yen oo u dhiganta $3.6 ayaa bishii Nofember ee aan soo dhaafnay waxaa bixiyey qof muxsin ah oo jeclaystay in aan magaciisa la sheegin, sida laga soo xigtay duqa magaalada Osaka Hideyuki Yokohama oo ka hadlay shir jaraa'id Khamiistii.

Osaka oo ah magaalo ay ku nool yihiin ku dhawaad 3 malyan oo qof, waa magaalada ganacsiga ugu weyn ee ku taalla gobolka Kansai, waana magaalada 3aad ee dalka.

Sida magaalooyinka kale ee Japan, hanaanka biyaha iyo bullaacadaha ee Osaka ayaa sii gaboobaya, taasoo ah arrin xagga bedqabka ah oo laga welwelo.

Osaka waxa ay diiwaangelisay in ka badan 90 xaaladood oo tuubooyin biyo ah oo daadsan wadooyinkeeda hoostooda sanadkii 2024, sida uu qabo xafiiska biyaha ee magaalada.

"Wax ka qabashada dhuumaha biyaha ee gaboobay waxay u baahan tahay maalgalin aad u weyn. Markaa wax aan mahadnaq ahayn ma hayo," Yokoyama ayaa u sheegay suxufiyiinta Khamiistii, isaga oo ka jawaabaya su'aal ku saabsan deeqda dahabka ah ee weyn.

Yokoyama waxa uu sheegay in lacagtaasi ay ahayd mid "la yaab leh" oo "uusan hayn hadal uu ku sifeeyo".

Deeq bixiyaha is qariyey ayaa hore u siiyay 500,000 yen lacag caddaan ah oo loogu talagalay shaqada biyaha ee degmada, sida uu sheegay maayarka.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Xafiiska biyaha ee magaalada ayaa bayaan uu soo saaray Khamiistii ku sheegay in ay ka mahadcelinayaan deeqda dahabka ah, ayna ka faa'iidaysan doonaan, oo ay ka mid tahay wax ka qabashada sii xumaanaya tuubooyinka biyaha.

In ka badan 20% tuubooyinka biyaha ee Japan waxay dhaafeen adeegooda sharciga ah ee 40 sano, sida ay sheegtay warbaahinta maxalliga ah.

Godadka iska dillaaca ayaa sidoo kale caan ka noqday magaalooyinka Japan, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah ay leeyihiin kaabayaasha dhuumaha bulaacada ee gaboobay.

Sanadkii la soo dhaafay, god weyn oo ku yaalay degmada Saitama ayaa liqay shirka hore ee gaari xamuul ah, kaas oo uu ku dhintay darawalkii. Godka biyo-mareenka ayaa la rumeysan yahay inuu ka dhashay dhuumaha bulaacadaha oo go'ay.

Dhacdadaas ayaa ku kaliftay mas'uuliyiinta Japan inay kordhiyaan dadaallada lagu beddelayo tuubooyinka daxalaystay ee dalka oo dhan. Laakiin arrimaha miisaaniyada ayaa hakiyay horumarka shaqooyinka cusboonaysiinta tuubooyinka.