Waxa ku qornaa warqad digniin ah oo ay Iran dirtay iyo Maraykanka oo "duqaymo xaddidan" ku hanjabay

Xigashada Sawirka, Reuters
Warqad ay u dirtay Xoghayaha Guud ee United Nations, Antonio Guterres, ayaa Iran ku digtay in ay ka jawaabi doonto weerar kasta oo "milatari" oo ay la kulanto, iyadoo ku adkaysatay in dhammaan saldhigyada, xarumaha iyo hantida ay leeyihiin "quwadda cadowga ah" ee ku sugan gobolka loo tixgelin doono bartilmaameedyo sharci ah haddii iska horimaad dhaco.
Dhambaalka Iran ayaa lagu sheegay in Iran aysan doonayn dagaal, isla markaana aysan bilaabi doonin, balse waxay adkaysay xaqeeda ah inay is-difaacdo.
Ergada Iran ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in hadallada Madaxweyne Donald Trump ay muujinayaan khatar dhab ah oo weerar ah.
Khamiistii madaxwyenaha Maraykanka Donald Trump ayaa waqti kooban oo dhan shan iyo toban maalmood u qabtay Iiran si ay heshiis ugu gaarto barnaamijkeeda Nukliyeerka, isagoo sheegay in haddii kale ay dhici doonaan "waxyaabo aad u xun"
Iyadoo ay sii socoto is uruursiga milatariga ee Mareykanka ee gobolka, Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa ka digay in dalkiisa, oo ah xulafo Mareykan ah, uu si xoog leh uga jawaabi doono Tehran haddii ay weerarto.
Maraykanka iyo Iran ayaa dib u bilaabay wadaxaajoodkooda dadban, oo ay dhexdhexaadinaysay Cuman, 6-dii Febraayo. Waxay yeesheen wareeg labaad oo ka dhacay Geneva Talaadadii, ka dibna waxay ku dhawaaqeen inay qorsheynayaan inay wadaxaajoodyada sii wadaan.
"Duqayn milatari oo xadidan"
Wargayska Maraykanka ee the Wall Street Journal ayaa sheegay inuu ka fiirsanayo suurtogalnimada fulinta "weerar milatari oo xadidan" oo ka dhan ah Iran si cadaadis loogu saaro inay aqbasho shuruudihiisa ku saabsan heshiiska nukliyeerka.
Wargeyska ayaa sheegay in weerarka suurtogalka ah uu bartilmaameedsan doono tiro xaddidan oo saldhigyo militari ama goobaha dowladda ah, iyadoo ay jirto suurtogalnimada in weeraro sii kordha ay dhacaan haddii Tehran diido inay u hoggaansanto, taasoo keeni karta olole ballaaran oo ay ku jiraan xarumaha nidaamka Iran, islamarkaana ujeeddadiisu noqon karto in la afgambiyo nidaamka Iran.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Wargeyska ayaa xusay in Madaxweyne Donald Trump uusan weli gaarin go'aan kama dambeys ah oo ku saabsan fulinta weerar kasta, balse uu ka fiirsanayo xulashooyin u dhexeeya olole waqti-gaaban ah iyo mid ballaaran oo bartilmaameedsanaya xarumaha militari iyo kuwa dowladda ee Iran.
The Wall Street Journal ayaa ka soo xigatay mas'uuliyiin Mareykan ah oo sheegay in weerar kasta oo Maraykanku fuliyo uu Iran ku qasbi karo inay ka jawaabto, taasoo kordhinaysa khatarta dagaal ballaaran oo ka dhaca Bariga Dhexe isla markaana khatar ku keeni karta xulafada Washington ee gobolka.
Dhinaca kale, dadaallada diblomaasiyadeed ayaa sii socda, iyadoo mas'uuliyiin sare oo Mareykan ah ay toddobaadkan la kulmeen xubnaha u dhigooda Iran si loogu wada xaajoodo joojinta barnaamijka nukliyeerka Iran iyo soo rogid xaddidaad ku saabsan gantaallada balistikada ah.
Wargeyska ayaa sharaxay in suurtagalnimada kororka militari ay imanayso iyadoo la xoojinayo joogitaanka ciidamada Maraykanka ee gobolka, taasoo ka mid ah dejinta diyaarado dagaal oo casri ah, diyaarado amarka iyo kontoroolka, iyo markab labaad oo diyaaradeed oo leh awood weerar iyo awoodaha elektaroonigga.
Wargeysku wuxuu sharraxay in kororka milatari ee suurtagalka ah uu yimid iyadoo la xoojinayo joogitaanka ciidamada Mareykanka ee gobolka, oo ay ku jiraan keenista diyaaradaha dagaalka ee horumarsan, marakiibta diyaaraha qaada iyo markab labaad oo diyaaradeed qaada oo ku qalabaysan awoodo weerar oo elektaroonik ah.
"Tallaabo dheeraad ah"

Xigashada Sawirka, Reuters
Iyadoo Iiraan ay Arbacadii shaaca ka qaaday inay diyaarinayso qaab-dhismeed qabyo ah si ay u horumariso wadahadalladan, Mareykanka ayaa sii waday "codkiisa digniinta," isagoo sheegay inay jiraan "sababo dhowr ah" oo lagu weerarayo Tehran.
Intii lagu guda jiray shirkii ugu horreeyay ee "Golaha Nabadda" ee ka dhacay Washington, Trump wuxuu sheegay in "sanadaha soo socda la xaqiijiyay inaysan fududayn in heshiis la gaaro Iiraan. Waa inaan gaarnaa heshiis la gaari karo, haddii kale waxyaabo xun ayaa dhici doona."
Wuxuu intaas ku daray, "Waxaa laga yaabaa inaan tallaabo hore u qaadno, ama laga yaabee inaan tallaabo kale qaadno, ama laga yaabee inaan heshiis gaarno. Waxaad u badan tahay inaad ogaan doonto tobanka maalmood ee soo socda."
Markii dambe, Trump ayaa wariyeyaasha kula hadlay diyaaradda Air Force One isagoo ka hadlayay waqtiga kama dambaysta ah ee Iran haystao oo sheegay i "10 ilaa 15 maalmood".
Dhankiisa Raysal Wasaaraha Isreal Benjamin Netanyahu ayaa cusbooneysiiyay digniintiisa ku aaddan jawaab xooggan oo Israa'iil ay bixin doonto haddii ay weerarto.
"Haddii Ayatollah uu khalad sameeyo oo ay na soo weeraraan, waxay heli doonaan jawaab aysan xitaa qiyaasi karin," ayuu ku yiri khudbad uu telefishinka ka jeediyay intii lagu jiray munaasabad militari.
Iyadoo Washington geysay gobolka maraakiib dagaal oo ay ku jiraan kuwa diyaaradaha qaada meel boqolaal kilimeter u jirta Iran ayaa kuwaas oo qaarkood ay u nugul yihiin weerar rogaal celis ah oo Iiraan ay soo qaaddo.
Ciidamada Jarmalka ayaa ku dhawaaqay inay "si ku meel gaar ah" u rareen tiro ka mid ah shaqaalahooda ku sugan Erbil oo ku taal waqooyiga Ciraaq sababo la xiriira "xiisadaha sii kordhaya ee Bariga Dhexe," ayuu yiri afhayeenka Wasaaradda Difaaca Jarmalka Khamiistii.
Sidoo kale khamiistii, Ra'iisul Wasaaraha Poland Donald Tusk ayaa ugu baaqay muwaadiniintiisa Khamiistii inay si degdeg ah uga baxaan Iiraan.
Iyadoo xiisaddan jirto, madaxtooyada Ruushka ayaa Khamiistii ugu baaqday dhammaan dhinacyada inay "isku xiraan oo ay taxaddaraan, isla markaana ay mudnaanta siiyaan siyaabaha siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed ee lagu xallinayo dhibaatooyinka."
Khamiistii Paris waxay sidoo kale ku boorrisay Washington iyo Tehran inay mudnaanta siiyaan wadahadallada, iyagoo ku nuuxnuuxsaday in waddada diblomaasiyadeed ay tahay "habka kaliya ee si joogto ah looga hortagi karo Iiraan inay hesho hub nukliyeer ah."
Qiimaha saliidda ayaa kor u kacay iyadoo xiisaddan ay jirto ilaa heer aan la arkin bilo gudahood. Saliidda West Texas Intermediate ayaa kor u kacday 1.9 boqolkiiba Khamiistii ilaa $66.43 foosto, halka saliidda Brent ay kor u kacday $71.66, iyadoo laga walaacsan yahay in wadahadalladu aysan ka hortagi karin muran cusub oo khatar gelinaya saadka.













