Wadahadalkii Maraykanka iyo Iran ee Nukleerka oo haatan ku soo dhamaaday Geneva

Xigashada Sawirka, Reuters
- Author, Peter Bowes
- Role, North America correspondent
- Author, Chris Graham
- Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo
Waxaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland lagu soo gabagabeeyay wareegii labaad ee wadahadal u dhaxeeyay Iran iyo Mareykanka, kaasi oo looga gol lahaa in lagu xaliyo khilaafkooda ku aadan barnaamijka Nukliyeerka ee Tehran.
Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku saabsan natiijada dooda dadban, kaasoo daba socday hanjabaado milateri oo soo noqnoqday oo ka dhan ah Iran, taas oo ka dhalatay xasuuqii lagu dilay dad badan gudaha dalkaas kuwaa dhigayay dibad baxyo looga soo horjeeday dowladda, iyo sidoo kale dhaqdhaqaaqyada Nukliyeerka.
Isagoo saxafiyiinta kula hadlayay hawada Air Force One ka hor wadahadaladii ugu dambeeyay, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in Iran ay dooneyso inay heshiis la gasho.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Tehran, ayaa dhanka kale sheegtay in ay aaminsan tahay in mawqifka Mareykanka ee arrinta Nukliyeerka uu u dhaqaaqay "mid xaqiiqo ah".
Iran ayaa sheegtay in kulanka Talaadada oo ay dhexdhexaadinayso Cumaan, diiradda lagu saari doono barnaamijkeeda Nukliyeerka iyo ka qaadista cunaqabataynta dhaqaale ee uu Maraykanku saaray.
Washington ayaa horay u muujisay inay doonayso inay sidoo kale ka wadahadlaan arrimo kale, sida horumarinta gantaallada Iran.
Isagoo u qaabeeyay wadahadallada inay yihiin "kuwa aad muhiim u ah", Trump wuxuu sheegay inuu "si dadban" uga qayb qaadan doono, wuxuuna soo jeediyay in Tehran ay ku dhiirri-galisay markan inay gorgortan gasho.
"Uma maleynayo inay doonayaan cawaaqibka ka dhalan kara heshiis la'aanta," ayuu yiri Trump, isagoo intaa ku daray in Iran ay ogaatay cawaaqibka mowqif adag oo wadahadal ah xagaagii hore markii Maraykanku uu duqeeyay xarumaha Nukliyeerka ee Iran.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Heshiis ayaan la galilahayn intii aan u diri lahayn B-2-yada si ay u baabi'iyaan awoodooda nukliyeerka. Waana inaan u dirno B-2-yada," ayuu yiri madaxweynaha Mareykanka, isaga oo tixraacaya bambooyinka qarsoodiga ah ee fuliyay weeraradii Iran.
Hanjabaadda Trump ayaa ku soo beegantay iyadoo todobaadyadii la soo dhaafay ay isku uruursanayeen ciidamada Mareykanku Bariga Dhexe.
BBC Verify ayaa hadda xaqiijisay goobta uu ku sugan yahay markabka USS Abraham Lincoln oo u dhow Iran iyadoo la adeegsanayo sawirka dayax-gacmeedka.
Mareykanka ayaa sidoo kale la sheegay inuu bariga dhexe u diray markabka USS Gerald R Ford, oo ah markabka dagaal ee ugu weyn caalamka, kaasoo soo gaari kara gobolka saddexda todobaad ee soo socda.
Isagoo hadlayay Talaadadii, hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa ka jawaabay hanjabaada Trump ee ah in tilaabo militari uu qaadayo isagoo yiri: "Waxa ka khatar badan markabka diyaaradaha xambaaraha waa hubka isla isaga u diri kara gunta hoose ee badda.
"Waxa uu sheegay in ciidamada Maraykanku ay yihiin ciidamada ugu xoogga badan caalamka, 'ciidanka ugu xoogga badan adduunka' waxaa laga yaabaa in mararka qaarkood ay soo gaarto dharbaaxo uusan dib uga soo kaban karin."
Khamenei ayaa sidoo kale ku eedeeyay Mareykanka in ay isku dayayaan in ay go'aan ka gaaraan natiijada wada xaajoodka waxa uuna sheegay in taasi ay noqon doonto "wax qaldan oo nacasnimo ah in la sameeyo".

Xigashada Sawirka, Reuters
Iran ayaa ka jawaabtay ciidamada Maraykanka ee gobolka ku soo ururay iyada oo muujisay awooddeeda gaarka ah. Maalintii Isniinta Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC) ayaa dhoolatus badeed ka bilaabay marin biyoodka Hormuz, oo ku yaala gacanka u dhaxeeya Cumaan iyo Iran.
Marin biyoodka ayaa loo arkaa marin biyood caalami ah oo muhiim ah iyo marinka dhoofinta saliidda ee ka imaanaya wadamada Khaliijka Carabta.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa Isniintii sheegay in heshiis lala gaaro Tehran ay noqon doonto "mid aad u adag".
"Waxay ila tahay inay halkan ka jirto fursad diblumaasiyad ahaan heshiis lagu gaari karo...laakin ma rabo inaan sidoo kale meesha ka saaro," Rubio ayuu yiri mar uu booqasho ku joogay Hungary. "Waxay noqon doontaa mid adag."
Wadahadalladii ugu horreeyay ee aan toos ahayn ee Iran iyo Mareykanka ayaa horaantii sanadkan ka dhacay dalka Cumaan, kaasoo Araqchi uu ku tilmaamay "bilaw wanaagsan".
Warbixin dheeri ah waxaa soo diray Ghoncheh Habibiazad, BBC Persian













