Ramadan: Maxay tahay sababta aan ugu afurno timirta?

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, Kate Bowie
- Role, Global health
- Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo
Malaayiin Muslimiin ah oo ku kala nool dunida ayaa marka qorraxdu dhacdo Ramadaankan – waxay ku afurin doonaan timir.
Inta lagu jiro bishan oo ah bil soon, cibaado iyo is-qiimayn, Muslimiinta caafimaadka qabaa waxay ka fogaan doonaan cunnada iyo cabitaanka laga bilaabo qorrax soo bax ilaa qorrax dhaca, iyagoo gudanaya mid ka mid ah shanta tiir ee Islaamka.
Timirta ayaa lagu taliyaa in lagu afuro sida uu sunnayn jiray Nebi Muxamed (NNKH), waxaana dhowr jeer lagu xusay Qur'aanka Kariimka ah.
Si kastaba ha ahaatee, marka laga soo tago dhinaca diinta, timirtu waxay sidoo kale leedahay faa'iidooyin caafimaad oo ka dhigaya cunno ku habboon qof kasta oo sooman.
Cuntooyinka nafaqada leh
Qaab-dhismeedka nafaqeed ee timirta ayaa ka dhigaya cunno ku habboon in la cuno marka aad muddo dheer soomaneyd.
"Markaad afurto, jidhkaagu wuxuu isku dayayaa inuu sameeyo gulukoos, maadaama ay tahay tamarta uu u baahan yaha," ayay tidhi Shehnaz Bashir, oo ah nafaqeeye diiwaangashan oo ku sugan UK isla markaana soonta Ramadaanka.
Heerarka sonkoreed ee ku jira timirta ayaa ka caawiya in sonkorta dhiiggu si degdeg ah kor ugu kacdo marka loo eego cuntooyin kale, kuwaas oo ay jidhku waqti dheer ku qaadato inuu dheefshiido.
"Timirtu waa mid gaar ah sababtoo ah waxay leedahay sonkor fudud, laakiin sidoo kale waxa ay ka kooban tahay kaarbohaydraytyo adag," ayay Bashir ku dartay.
Taasi waxay ka dhigan tahay in timirtu si tartiib ah u sii dayso tamar maalintii oo dhan – taasoo ku habboon marka aan wax la cunin muddo dheer. Sidoo kale waxay hodan ku yihiin fiitamiinnada B6, A iyo K iyo birta (iron), taas oo ka caawisa jidhka inuu helo nafaqooyinka uu u baahan yahay muddo gaaban gudaheed.
Biyo badan cab
Inkasta oo ay tahay midho la qallajiyey, timirtu waxay sidoo kale ka caawin kartaa jidhka inuu qoyaan helo.
"Dad badan ayaa afurka ku bilaaba timir iyo biyo wada jir ah, taasoo aad ugu fiican tamarta iyo qoyaanka jidhka," ayay tiri Bashir.
"Badanaa looma baahna in la qaato macdano ama elektaroolaytyo dheeraad ah intaas ka dib," ayay intaas ku dartay.

Xigashada Sawirka, Shehnaz Bashir
Cunidda cunto badan
Dad qaarkood miisaan ayay lumiyaan inta lagu jiro Ramadaanka – balse soonku sidoo kale wuxuu sababi karaa in miisaan kugu kordho haddii si xad-dhaaf ah wax loo cuno xilliga fiidkii ee afurka.
Dhaqan ahaan, Muslimiintu waxay cunaan tiro timir ah oo ah tiro kala dhiman, kadibna si degdeg ah u tukadaan salaadda maqribka, ka hor inta aysan dib ugu laaban cunista cuntada afurka.
Marka jirku bilaabo inuu burburiyo timirta oo leh maaddooyin faybar leh, rabitaanka in si xad-dhaaf ah wax loo cuno wuu yaraadaa.
"Waxay jirka siisaa fursad uu ku ogaado inuu helay cunto, isla markaana habka dheefshiidku uu bilaabmay," ayay tidhi Bashir.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dheefshiid
Calool-istaagga iyo dibbiradu waa dhibaatooyin caadi ah oo ku dhaca dadka sooman. Tani waxay sabab u tahay in cunista iyo cabista maalintii oo dhan ay caadiyan kiciso dhaqdhaqaaqa mindhicirrada, arrintaas oo yaraata marka la soomo ama aan waxba la cunin muddo dheer.
Timirtu waa il wanaagsan oo laga helo faybar, taas oo ka caawisa saxaradu inay si fudud ugu gudubto mindhicirrada.
Hay'adda Caafimaadka Qaranka ee UK (NHS) waxay ku talisaa in la cuno 30 garaam oo fibar ah maalintii.
"Mararka qaar inta lagu jiro Ramadaanka… waxaa laga yaabaa inaan jeclaano kaarbohaydraytyo fudud, balse haddii aan horay u qorsheynay oo u diyaarinay cuntooyinkeena, waxaan hubin karnaa in faybar ku jiro cuntooyinkeenna," ayay tidhi Bashir.
Ku darista lawska iyo sisinta, cuntadaada waxay noqon kartaa hab fudud oo kale oo lagu kordhiyo qaadashada faybarka.
Ka warran haddii aanan jeclayn timirta?
Ka baxsan Ramadaanka, soonka goos-gooska ah ee loo sameeyo sababo caafimaad, halkii ay ka ahaan lahaayeen sababo diini ah, ayaa noqday mid si weyn loo jecel yahay.
"Waxay habkani la mid yahay habka aan u soonno Ramadaanka," ayay tidhi Bashir.
Haddii aadan jeclayn timirta, waxaa jira boqolaal nooc oo kala duwan, sidaas darteed isku day noocyada kale.
"Dhammaantood waxay leeyihiin qaab iyo dhadhan kala duwan – qaar waa timir dhexdhexaad ah oo la calaalin karo, qaar aad bay u jilicsan yihiin, qaarna qolofkoodu ayaa dhumuc weyn leh, halka qaar kalena uu yahay khafiif," ayay Bashir sheegtay.
Haddii taasi shaqayn waydo, waxaad ku shiidan kartaa noc kale oo khudaar ah, si aad cabbitaan fiican uga samaysato.
"Isku dar timir iyo caano, ama xataa laws, kadibna isku shiid si aad sidaas ugu cabto," ayay tidhi.
"Runtii waa cuntooyin fiican oo ka caawinaya jidhka inuu helo faa'iidooyin badan oo kala duwan."













