Sacuudiga oo soo saaray amar la xiriira Ramadaanka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maxkamadda Sare ee Sacuudi Carabiya ayaa ugu baaqday dhammaan Muslimiinta ku nool guud ahaan Boqortooyada inay u kuur-galaan aragtida bisha Ramadaan fiidnimada Talaadada maanta ah, oo ku beegan 29-ka Shacbaan, 1447 Hijriyada una dhiganta 17-ka Febraayo, 2026.
Tani waxay ku timid bayaan ay soo saartay Maxkamadda Sare, kaas oo u qornaa sidatan:
"Maxkamadda Sare waxay codsanaysaa in qof kasta oo arka bisha, ha ahaato ishooda caadiga ah ama qalabka wax lagu arko (telescope), inuu ku wargeliyo maxkamadda ugu dhow, uuna diiwaan geliyo marag-furkiisa, ama uu la xiriiro xarunta ugu dhow si looga caawiyo sidii uu ku gaari lahaa maxkamadda ugu dhow.
"Maxkamadda Sare waxay rajaynaysaa in dadka awoodda u leh inay arkaan bisha ay fiiro gaar ah u yeeshaan arrintan, kuna biiraan guddiyada loo dhisay ujeeddadan ee ka jira gobolladooda, iyagoo raadinaya ajar iyo abaal-marin, maaddaama ay tani tahay iskaashi dhanka wanaagga iyo dhowrsanaanta ah, faa'iidona u leh dhammaan muslimiinta."
Sidee ayaa maalinta ugu horreysa ee Soonka looga go'aansadaa Soomaaliya?

Xigashada Sawirka, SNTV
Maalinta ugu horreysa ee soonka bisha barakeysan ee Ramadaan waxay noqon kartaa Arbaco, February 18 ama Khamiis, February 19, waxayna ku xiran tahay hadba aragtida bisha.
Dalalka caalamka ayaa qaarkood raaca Sacuudiga halka qaarna ay iyagu leeyihiin guddi raadiya bilashada bisha.
Jadwalka Ramadaanka ayaa ku socda calender-ka Islaamiga ah, oo qaba inay bishu ku bilato aragtida. Sacuudiga iyo dalal kale oo Muslimiin ah ama Muslimiin u badan yihiin ayaa ku tiirsan dadka raadiya bilashada bisha.
Soomaaliya waxaa bilashada bisha Ramadaanka ku dhawaaqda Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Soomaaliya.
Guddi ka tirsan wasaaradda ayaa ku dhawaaqa iyagoo mararka qaarna dhaariya qof bisha arkay, hase yeeshee mararka qaar waa lagu kala qeybsamaa oo Soomaaliya hal maalin lama wada soomo, maamullada kala duwan ee ka jira dartood.
Shir jaraa'id oo ay qabteen guddiga culimada ee ka tirsan wasaaradda diinta ayaa ugu baaqay dadka inay raadiyaan bisha, qofkii arkana uu soo sheego, iyagoo ka digay in laga been sheego aragtideeda.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sidee bisha loo raadiyaa?
Si bisha loo arko, waa inay noqotaa qorrax-dhaca kadib. Tan ayaa suurto-gelineysa in cirku mugdi noqdo si loo arko xarriiqa qalinka ah ee yar ee bisha cusub.
Kadib markay cadceeddu dhacdo habeenka caawa ah, oo Shacbaanna yahay 29, dadka bisha baadi-gooba ayaa wajaha galbeedka si ay u arkaan bisha cusub.
Haddii bisha la arko, Ramadan ayaa curta, maalinta koowaadna waxay noqoneysaa 18ka Febraayo. Haddii kalena Shacbaan ayaa la dhammeystiri doonaa 30ka, maalinta koowaad ee Ramadan waxay sidaas ku noqon doontaa berri February 19.
Gudaha Sacuudiga, marqaati-furka dadka bisha arkay ayaa la diwaan-geliyaa, Maxmakadda Sare ayaana soo saarta go'aanka ku aaddan maalinta uu Ramadan bilaabanayo.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dalalka uu soonkooda dheeraan doono
Soonka bisha Ramadaan waa mid ka mid ah shanta tiir ee Islaamka, waana mid waajib ku ah dhammaan Muslimiinta adduunka, haddii ay buuxiyaan shuruudaha soonka.
Ramadaanta waxaa la soomaa 29 ama 30 maalmood, laga bilaabo waaberiga ilaa qorrax-dhaca.
Si kastaba ha ahaatee, waqtiga soonku wuu kala duwanaanayaa, taasoo keenta in saacadaha soonka ay ku kala geddisnaadaan dalal badan oo caalamka ah.
Xilliga xagaaga, dalalka waqooyiga sida Yurub waxay leeyihiin maalmo aad u dhaadheer ka hor waaberiga, halka dalal ka mid ah Afrika ay la kulmaan kuleyl aad u daran xilliga xagaaga, taasoo ka dhigaysa xilliyadooda soonka kuwo ka duwan dalalka kale.
Magaalooyinka leh waqtiyada soon ee ugu dheer waxaa ka mid ah:
Tromsø – Norway: qiyaastii 20 ilaa 22 saacadood
Reykjavík – Iceland: qiyaastii 20 ilaa 21 saacadood
Murmansk – Russia: ku dhowaad 20 saacadood
Stockholm – Sweden: qiyaastii 18 ilaa 19 saacadood

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maxaa keeni kara inaan bisha la arkin 29ka Shacbaan?
Waxaa jira dhowr sababood oo keeni kara in aan bisha la arkin fiidka 29ka Shacbaan, waxaana ka mid ah:
- Marka qorraxda dhiciddeeda iyo bisha ay isku soo eegaan
- Marka aysan 10 daqiiqo u dhaxeynin qorrax-dhaca iyo curashada bisha
- Marka bishu ay dhex mareyso dhulka iyo qorraxda dhexdooda
- Marka ay bishu soo baxdo kahor qorrax-dhaca
- Cimilada oo xun awgeed
















