Trump oo digniin soo saaray iyo Netanyahu oo ka hadlay xabad-joojinta

Xigashada Sawirka, Getty Images
Weerarada u dhexeeya Israa'iil iyo Lubnaan ayaa sii socday habeennimadii xalay.
Dhanka kale, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaana dhaleeceeyay sida Iiraan u maareysay marin biyoodka Hormuz. Waa kan warbixin kooban oo ku saabsan waxyaabihii ugu dambeeyay ee dhacay.
- Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku eedeeyay Iiraan inay "shaqo aad u liidata qabanayso" iyadoo u oggolaanaysa shidaalku inuu maro marin biyoodka Hormuz, isagoo qoray: “taasi ma aha heshiiskii aan gaarnay"
- Trump waxaa kale oo uu yiri: "Waxaa jira warar sheegaya in Iiraan ay lacago ka qaadayso maraakiibta mara marin biyoodka Hormuz", wuxuuna ka digay in tani ay "haatan ka wanaagsan tahay in la joojiyo"
- Raysal Wasaaraha UK, Keir Starmer, ayaa sidoo kale ka hadlaywalwalkiisa sii kordhaya, isagoo la hadlay Trump, kaas oo xafiiska Downing Street u uku sheegay in hogaamiyeyaashu ay ka wada hadleen baahida loo qabo "qorshe wax ku ool ah oo marakiibta lagu marinayo" marin biyoodka Hormuz.
- Iyadoo xabad joojintii u dhaxaysay Iiraan iyo Mareykanka ay sii socoto balse hubanti la'aan jirto, waxaa jira warar ka imanaya Kuwait oo sheegaya, in goob ay ku sugnaayeen ilaalada qaranka ay weerareen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka.
- Xabad joojin ayaan weli lagu heshiin inay ka dhaqan gasho Lubnaan, halkaas oo militariga Israa'iil ay weli ku howlan yihiin qabsashada qayb weyn oo ka mid ah koonfurta, mas'uuliyiinta maxalliga ahna waxay sheegayaan in in ka badan 300 oo qof ay ku dhinteen in ka badan 1,000 kalena ay ku dhaawacmeen duqeymo xooggan oo Arbacadii dhacay - duqeymo cusub oo dhex maray Israa'iil iyo Hezbollah ayaa xalay sidoo kale dhacay.
- Raysal wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu, ayaa shalay sheegay "in aysan jirin wax xabad joojin ah oo ka jirta Lubnaan", saacado ka dib markii uu sheegay in dowladdiisu ay wadahadallo toos ah la bilaabi doonto dowladda Lubnaan.
Sidoo kae akhri:












