Israa'iil 'waxay isu diyaarisay inay si xoog ah uga jawaabto' haddii Iran soo weerarto - wasiirka gaashaandhigga

Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock
Wasiirka Gaashaandhigga ee Israel, Israel Katz, ayaa sheegay in howlgalkooda ka socda Lebanon uu “jab xoogan u geystay XezbUllah, taasoo ka dhigtay kooxda inay la yaabto oo ay jahawareerto xaddiga faragelinta iyo baaxadda dhaawaca.”
Wasiirku wuxuu intaas ku daray in militariga Israel uu “diyaar u yahay inuu si xooggan uga jawaabo haddii Iran soo weerarto Israa’iil.”
Mas’uuliyiinta Iran ayaa sheegay in weerarrada Israa’iil ee Lubnaan ay yihiin jebin heshiiska xabbad-joojinta.
Madaxweynaha Iran ayaa dhankiisa wuxuu ka digay in Iran“wali ay farta ku hayso keybka qorigga.”
Katz wuxuu sheegay in in ka badan 200 qof, oo uu ku tilmaamay “argagixiso,” ay ku dhinteen Arbacadii Lubnaan, taasoo tirada guud ee dadka ku dhintay howlgalkan ka dhigtay in ka badan 1,400.
Hore, wasaaradda caafimaadka ee Lebanon ayaa sheegtay in 203 qof ay ku dhinteen weerarrada Israa’iil Arbacadii, mas’uuliyaduhuna waxay sheegeen in in ka badan 1,700 qof la dilay tan iyo markii Israa’iil bilowday howlgalka ugu dambeyay ee Lubnaan bishii hore.










