TOOS, Netanyahu ayaa ka digay in Israel ay sii wadi doonto duqaymaha ay ku hayso Xisbullah
Israa'iil ayaa horay u sheegtay in xabbad joojinta aysan ku jirin Lubnaan balse Iran ayaa sheegtay in weerarada joogtada ah ay la mid tahay "xadgudub weyn" oo lagu sameeyay heshiiska.
Israa'iil ayaa soo saartay amar ay ku daadgurayn ah qaybo ka mid ah Beirut
Israa’iil ayaa amartay in la daad-guro dadka ku nool dhowr xaafadood oo ku yaalla koonfurta oo ka tirsan caasimadda Lebanon, Beirut, iyadoo ay sheegtay inay qorsheyneyso weerarro dheeraad ah oo ka dhan ah “kaabayaasha militari ee Hezbollah”.
Afhayeenka militariga Israa'iil, Avichay Adraee, ayaa u sheegay dadka deegaanka in Israa’iil “aysan damacsaneyn inay waxyeello gaarsiiso… sidaa darteed, iyada oo laga eegayo badbaadadiina, waa inaad si degdeg ah loo daad-gureeyo”.
Iiraan oo sheegtay in aysan aqbali doonin in la xaddido barnaamijkeeda kobcinta uranium-ka
Madaxa hay’adda tamarta nukliyeerka ee Iran, Mohammad Eslami, ayaa sheegay in Tehran aysan aqbali doonin wax xaddidaad ah oo lagu soo rogo barnaamijkeeda kobcinta uranium-ka — taas oo ah dalab muhiim u ah yoolalka dagaal ee Mareykanka iyo Israel.
Eslami wuxuu sheegay in shuruudo noocaas ah ay yihiin “rabitaanno kaliya oo aysan xaqiiqo noqon doonin”.
Dhanka kale, wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Iran, Saeed Khatibzadeh, ayaa sheegay in weerarrada Israel ku qaaday Hezbollah ee ka socda Lebanon ay jebinayaan xabbad-joojinta — wuxuuna sheegay in United States ay tahay inay go’aansato inay rabto nabad ama dagaal.
Pakistan oo rejo wanaagsan ka muujisay wahadalaad Iran yo Mareykanka
Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock
Qoraalka sawirka, Ammaanka aagga cas ee Islamabad ayaa aad loo adkeeyay ka hor inta aan la qorsheynin booqashada wafdiyada Mareykanka iyo Iran
Diyaargarow xooggan ayaa ka socda Islamabad, halkaas oo la filayo in lagu qabto wadahadallada. Maanta iyo berri waa fasax maxalli ah, taasoo sababtay in iskuullo iyo xafiisyo la xiro.
Waddooyinka ku hareeraysan aagga loo yaqaan Red Zone — oo ay ku yaalliin dhismayaal dowladeed iyo safaarado — ayaa sidoo kale la xiray.
Xabbad-joojinta ay dhexdhexaadisay Pakistan ayaa marar badan lagu tilmaamay “mid jilicsan”, waxaana durba soo muuqday dul-duleelo, gaar ahaan weerarrada Israel ku haysoLebanon.
Qoraal uu ku shaaciyay heshiiska, Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, ayaa sheegay in labada dhinac iyo xulafadooda ay ku heshiiyeen “xabbad-joojin degdeg ah meel kasta, oo ay ku jirto Lubnaan”. Si kastaba, Israa’iil iyo aqalka Cad ayaa sheegay in Lubnaan aysan ka mid ahayn heshiiska.
Arrimaha ka dhacaya Lubnaan ayaa si cad walaac ugu ah Pakistan — wasiirka arrimaha dibadda iyo ra’iisul wasaarahaba way muujiyeen. Shalay, Sharif wuxuu ku baaqay in la is xakameeyo si fursad loo siiyo dadaallada diblomaasiyadeed.
Pakistan waxay rajaynaysaa in inkastoo ay jirto farqi weyn oo u dhexeeya mowqifyada Mareykanka iyo Iran, haddana haddii ay ku kulmaan Islamabad ay isu soo dhawaan karaan.
Madaxweynaha Iran ayaa ka digay in wali ay keebka qoriga farta ku hayaan
Xigashada Sawirka, Iran's Presidential website/WANA (West Asia News Agency)/Handout via REUTERS
Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian, ayaa ku tilmaamay weerarrada Israel ku hayso Lebanon “xadgudub cad” oo ka dhan ah heshiiska xabbad-joojinta, wuxuuna sheegay inay tahay “calaamad khatar ah” oo muujinaysa in aan si dhab ah la isugu heellayn karin heshiisyo suurtagal ah.
Hadalladan ayaa yimid maalin kadib markii militariga Israa’iil ay sheegeen inay ku qaadeen Lubnaan in ka badan 100 weerar oo cirka ah. Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa dhankiisa sheegay in Israa’iil ay sii wadi doonto weerarrada ka dhanka ah Hezbollah “meel kasta oo loo baahdo”.
Qoraal uu ku daabacay barta X, Pezeshkian wuxuu ku sheegay in sii socoshada weerarradu ay ka dhigi doonaan wadaxaajoodyada “macno la’aan”, wuxuuna ka digay in gacmaha Iran ay “ku sii jiri doonaan keebka qoriga”.
Dhanka kale, afhayeenka baarlamaanka Iran, Mohammad-Bagher Ghalibaf, ayaa ka digay in “jebinta xabbad-joojintu ay leedahay cawaaqib cad iyo jawaabo adag”.
Ghalibaf wuxuu sidoo kale sheegay in Lebanon ay tahay “qayb aan laga maarmi karin oo ka mid ah xabbad-joojinta”, isla markaana aysan jirin “meel loogu laabto ama lagu inkiri karo”.
Wuxuu ugu dambayn ku baaqay: “Dabka si degdeg ah ha loo demiyo.”
Trump:"Nato nama garab istaagin markii aan u baahanahay,"
Madaxweyne Donald Trump ayaa markii ugu horreysay wax ku qoray bartiisa Truth Social tan iyo kulankii uu maanta Aqalka Cad kula yeeshay madaxa NATO, Mark Rutte.
Wuxuu yiri:“NATO nama garab istaagin markii aan u baahnayn, mana joogi doonaan garabkeena haddii aan mar kale u baahanno. Xusuusta Greenland, jasiiraddaas weyn ee sida xun loo maamulo!!!”
Trump wuxuu u muuqdaa inuu tixraacayo qorshihiisii hore ee ahaa in Maraykanku la wareego Greenland, taas oo ay si weyn uga soo horjeesteen xulafada Maraykanka ee NATO.
Dhanka kale, Rutte ayaa hore u sheegay waraysi uu siiyay CNN in kulankoodu uu ahaa mid furan oo toos ah, isla markaana uu “si buuxda” u aaminsan yahay in dunidu ka ammaan badan tahay kadib weerarradii ay Mareykanka iyo Israel ku qaadeen Iran.
Netanyahu ayaa ka digay in Israa’iil ay sii wadi doonto duqeymaha ay ku hayso Hezbollah ‘meel kasta oo loo baahdo’
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Benjamin Netanyahu
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in Israa’iil ay sii wadi doonto weerarrada ka dhanka ah Hezbollah “meel kasta oo loo baahdo”, kadib heshiis xabbad-joojin ah oo u dhexeeya Maraykanka iyo Israa’iil.
Israa’iil ayaa hore u sheegtay in xabbad-joojintaasi aysan khusayn Lebanon, hase yeeshee Iran ayaa sheegtay in weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ku hayso Lubnaan ay yihiin “xadgudub culus” oo ka dhan ah heshiiska.
Wuxuu intaas ku daray: “Waxaan sii wadi doonnaa weerarrada aan ku hayno Hezbollah meel kasta oo loo baahdo, ilaa aan dib u soo celinno amniga buuxa ee dadka deggan waqooyiga.”
Hadalladiisan ayaa yimid kadib markii militariga Israel ee (IDF) ay ku dhawaaqeen dilka Cali Yuusuf Xarshi, oo ahaa xoghayaha islamarka abti u ah xoghayaha guud ee Hezbollah, Naim Qassem.
Safiirka Iran oo tirtiray qoraalkii ku saabsanaa wadahadalada Maraykanka iyo Iran ee Pakistan
Danjiraha Iran ee Pakistan ayaa tirtiray qoraal uu ku daabacay barta X, kaas oo uu ku sheegay in wafdi ka socda Iran uu maanta u socdo Islamabad si ay u bilaabaan wadahadallo ay la yeeshaan Maraykanka.
Wadahadalladan ayaa loo qorsheeyay in la qabto Sabtida, iyadoo ay la kulmi doonaan Madaxweyne-ku-xigeenka Maraykanka, JD Vance.
Qoraalkaas, Reza Amiri Moghadam wuxuu ku sheegay in wadahadalladu ay ku salaysnaan doonaan “10 qodob oo ay soo jeedisay Iran”. Sida aan hore u soo sheegnay, Maraykanka iyo Iran waxay qabaan aragtiyo kala duwan oo ku saabsan waxa ay dhab ahaantii qodobadaasi yihiin.
Danjiruhu ma uusan sharxin sababta uu u tirtiray qoraalkaas.
War deg deg ah, Degdeg: Iiraan oo shaacisay tirade guud ee uga dhintay dagaalka
Madaxa hay'adda dawooyinka iyo seyniska ee Iiraan ayaa
warbaahinta dowladda u sheegtay, in in ka badan 3,000 oo qof lagu dilay guud
ahaan Iiraan intii uu socday dagaalkii billowday Febraayo 28-keedii.
Wuxuu intaas ku daray in 40% dadka dhintay ay u baahan
yihiin baaritaanno si loo aqoonsado ka hor inta aan loo gudbin qoysaskooda.
Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan ayaa ku warameysa in tirada dhimashada ee ka dhalatay duqeymihii shalay ee Israa'iil ay ka geysatay Lubnaan ay gaartay in ka badan 200, iyadoo 1,000 ay ku dhaawacmeem weerarkaas.
Fitamiinnada ayaa mararka qaar la iska indhatiraa, laakiin waxay kaalin ka qaataan la dagaallanka gabowga marka loo eego noocyada kala duwan ee kareemada ee la marsado ee ka hortaga da'da. Hase yeeshee, cilmi-baaristan ayaa waxay muujinaysaa in fitamiinnada ay qayb muhiim ah ka yihiin hoos u dhigista geeddi-socodka gabowga.
Iyadoo kareemada laga yaabo inay hoos u dhigaan muuqaalka gabowga ee meelaha la mariyo, haddana si caadi ah ulama dagaallami karaan gabowga ku dhacaya gudaha jirkaaga. Fiitamiinnadu, waxay ka shaqeeyaan gudaha jirka, taasoo keenta in caafimaadka gudahana uu wanaagsanaado.
Si kastaba ha ahaatee, dhammaan fiitamiinnada ma wada simana marka ay timaado ka hortagga da'da. Fiitamiinnada qaar ayaa aad ugu awood badan la-dagaallanka saamaynta da'da marka loo eego kuwa kale.
War deg deg ah, Degdeg: Lubnaan oo shaacisay tirade dadka ku geeriyooday weerarkii Israa'iil
Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan ayaa ku warameysa in tirada
dhimashada ee ka dhalatay duqeymihii shalay ee Israa'iil ay ka geysatay Lubnaan
ay gaartay in ka badan 200, iyadoo 1,000 ay ku dhaawacmeem weerarkaas.
Dhanka kale, wakaaladda Wararka Qaranka ee rasmiga ah ee
Lubnaan ayaa ku warantay in in ka badan 10 qof ay ku dhinteen duqeyn ay
Israa'iil ka geysatay magaalada Zrarieh ee koonfurta Lubnaan.
Wakaaladda ayaa werisay in tirada dhimashada ee ka dhacday
magaalada Al-Abbasiya, degmada Tyre, halkaas oo diyaaradaha Israa'iil ay saaka
weerareen dhisme ay deggan yahiin dad shacab ah..Weerarrada Israa'iil ee tuulooyinka koonfureed ayaa sii
socday tan iyo subaxnimadii, gaar ahaan Marjeyoun, Doueir, Bint Jbeil,
Qasmiyeh, Khiam, Haboush iyo Deir Zahrani, sida laga soo xigtay Wakaaladda
Wararka Qaranka.
Ciidanka Israa'iil ayaa duqeeyay xaafadda Shiha ee ku taal
xaafadaha koonfureed ee magaalada, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee
rasmiga ah.
Weerarradii Israa'iil ay ku qaadday Lubnaan Arbacadii waxay ahaayeen "xadgudub weyn" oo ka dhan ah xabbad-joojinta Mareykanka iyo Iiraan, sida uu ku sheegay ku xigeenka wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan Saeed Khatibzadeh barnaamijka BBC ee Today oo uu wareysi gaar ah siiyay.
Ninka dunida ka badbaadiyay “halista” dagaal culus.
Soddon sana ka hor oo ay taariikhdu ku beegneyd 26-kii September, 1983, dunida waxay ka badaadday dagaal la isu adeegsan rabay hubka Niyuukilarka.
Gelinka hore ee maalintaas waxaa dhawaaqay seeriga digniinaha hubka kaas oo sheegayey in Mareykanka uu Ruushka gantaallo ku soo riday ayna ku soo wajahan yihiin.
Xogta Kombiyuutarka laga helay ayaa sheegeysay in dhowr gantaal Ruushka lagu soo riday. Sharciga ciidan ee Ruushkana wuxuu dhigayey in gantaal Niyuukilarka ee la soo riday Gantaal kale oo Niyuukilar ah loogu jawaabo.
"Waa markan oo kale xilli uu qofka u baahan yahay inuu maskaxadiisa iyo dareenkiisaba si aad ah uga shaqeysiiyo," ayuu yiri wiilka uu dhalay Gaashaanle Dhexe Stanislav Petrov oo ah ninka 1983 dagaal Niyuukilayer dunida ka badbaadiyey.
Xukumaddi Dimitry Petrov aabbihii wuxuu ka joogay halki ugu mudnaa iyo xilligi ku habboonayd.
Wuxuu sheegay in aabbihii Gaashaanla Dhexe uu ka mid ahaa ciidamada cirka Midowgi Sofiyet, wuxuuna ka soo shaqeeyey xerada serpukov-15 oo ogaatay digniinti ugu horreysay ee gantaallada riddada dheer oo dhanka Mareykanka laga soo riday.
Habeennimadi September 26, 1983, Petrov wuxuu baddalay saaxibkii isaga oo shaqada xilli habeen ah soo galay.
Haddaba seeriga (alarmiga) muujinayay in Mareykanaka gantaal uu soo riday ayaa dhawaaqay.
Isaga iyo saaxibkiina waxay hubiyeen dhawaaqa seeriga ee baxayay inuu ahaa mid sax ah iyo mid cillad farsamo ku yimid. Waxayna labadoodiba isla qaateen gantaalka uu raadaarka soo qabtay inay dhanka dayax gacmeedka kala socdaan balse uma suuragelin inay gantaalkii dayax gacmeedka ku arkaan.
Dalal Yurub ah cambaareeyay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan
Xigashada Sawirka, Reuters
Sida aan horay u soo tebinnay, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee
UK, Yvette Cooper, ayaa ku tilmaantay duqeymaha Israa'iil ee Lubnaan kuwo “gebi
ahaanba khaldan” . Waxaa sidoo kale jiray falcelin ka timid dalal ka
tirsan Yurub.
Weeraradii Israa'iil ay ku qaadday Lubnaan waxay ahaayeen kuwo "aan la aqbali karin", ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Faransiiska, Jean-Noel Barrot.
Weerarrada Israa'iil waxay ahaayeen "kuwo aan la aqbali karin maadaama ay wiiqayaan xabbad-joojintii ku-meel-gaarka ahayd ee shalay dhexmartay Mareykanka iyo Iiraan", ayuu yiri.
Ra'iisul Wasaaraha Talyaaniga, Giorgia Meloni, ayaa yiri: "Waxaan gaarnay heer aan laga soo kabsan karin, laakiin hadda waxaan wajahaynaa rajo nabadeed oo jilicsan oo ay tahay in si go'aan leh loo raadiyo."
Dhanka kale, Spain ayaa dib u furaysa safaaraddeeda Tehran, sida uu sheegay wasiirkeeda arrimaha dibadda. Jose Manuel Albares, ayaa sidoo kale ku eedeeyay Israa'iil inay "jabisay xabad joojinta" iyo inay "ku xadgudubtay sharciga caalamiga ah".
War deg deg ah, Raysal wasaaraha UK oo ka degay Imaaraadka
Xigashada Sawirka, Getty Images
Raysal Wasaaraha
UK, Keir Starmer, ayaa gaaray Imaaraadka Carabta, si uu wadahadallo dheeraad ah
uga yeesho dagaalka Iiraan.
Imaatinkiisa
ayaa yimid iyadoo xabad joojintii Mareykanka iyo Iiraan ay caqabad ka taagan
tahay - iyadoo Iiraan ay sheegtay in weerarrada socda ee Israa'iil ee ka dhanka
ah Lubnaan ay yihiin "xadgudub weyn" oo ka dhan ah heshiiska la
gaaray.
Starmer ayaa
horey dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salman kula kulmay magaalada
Jeddah, waxaana la filayaa inuu la kulmo Madaxweynaha Imaaraadka Carabta Sheikh
Maxamed bin Zayed Al Nahyan.
illigan oo ay taagan tahay xiisadda u dhaxeysa Mareykanka iyo Iiraan, sheekadan waxaad wax badan uga fahmi kartaa arrimaha hubka nuclear-ka.
Hubkan waxaa loo aqoonsaday inuu yahay midka wax gumaada ee khasaaraha ugu weyn u geysan kara dunida.
Qaraxyadiisu aad ayey u awood badan yihiin, hal bambo oo nuclear ahna waxay baabi'in kartaa magaalo dhan.
Qumbuladaha nuclear-ka waxay aad uga waxyeello badan yihiin xitaa bambada ugu weyn adduunka ee aan nuclear-ka ahayn
Waxaa jira waddamo badan oo ay ka mid tahay Iiraan, kuwaasoo aan loo oggoleyn inay yeeshaan awoodda nuclear-ka, halka kuwo kalena ay heystaan.
Waxaa laga yaabaa in aad su'aalo dhowr ah iska weydiiso arrimaha nuclear-ka - laakiin ha walwalin, waxaan isku soo toosinay jawaabaha aad uga baahan tahay inta badan su'aalahaas.
Muxuu yahay hubka nuclear-ka?
Waa qaraxyo si xad-dhaaf ah u awood badan.
Waxaa laga yaabaa inaad xasuusatid erayada "atoms" iyo "isotopes", haddii aad soo dhigatay maadada seyniska - kuwaas ayaa qeyb ka ah hannaanka loo maro sameynta bambooyinka nuclear-ka.
Safiirka
Iiraan u fadhiya Pakistan, Reza Amiri-Moghaddam, ayaa Khamiista maanta ah
sheegay in wafdi ka socda dalkiisa ay Khamiista fiidkii soo gaari doonaan
caasimadda Pakistan ee Islamabad si ay u yeeshaan wadahadallo lagu xallinayo dagaalka
Mareykanka iyo Israa'iil.
Safiirka
ayaa qoraal uu soo dhigay bogga X ku yiri: "In kasta oo shaki laga qabo
ra'yiga dadweynaha Iiraan oo ay ugu wacan tahay xadgudubyada soo noqnoqda ee
xabbad joojinta ee ay Israa'iil ku sameysay... wafdiga Iiraan ayaa caawa
imanaya Islamabad si ay u yeeshaan wadahadallo dhab ah oo ku salaysan tobanka
qodob ee ay soo jeedisay Iiraan.
Saacadu markay ahayd 18:32 wakhtiga Washington, madaxwayne Donald Trump waxa uu ku soo dhigay bartiisa Truth Social in Maraykanka iyo Iiraan ay "aad ugu kala fog yihiin" heshiis nabadeed oo "waara" iyo inuu ogolaaday xabad joojin laba todobaad ah si loo ogolaado wada xaajoodyada.
Runtii ma aysan ahayn daqiiqaddii ugu dambeysay, laakiin iyadoo Trump uu soo hayey wakhtigii kama dambaysta ahaa ee uu qabsaday oo ahaa 20:00 EDT (03:00 saacadda Afrikada Bari ee Arbacada) ee kama dambaysta ah ee lagu gaarayo heshiis ama uu Mareykanku qaadi lahaa weerarro ballaaran oo ka dhan ah kaabayaasha tamarta Iiraan iyo kaabayaasha gaadiidka ayey arrintu aad ayey ugu soo dhawaatay.
Waxaas oo dhami waxa ay ku xiran yihiin in Iiraan ay sidoo kale hakiso colaadda oo ay si buuxda u furto marinka Hormuz ee isu socodka maraakiibta ganacsiga, taas oo talisku uu sheegay in uu samayn doono, iyaga oo ku adkaysanaysa in ay wali ku hogaaminayaan "maamulka" marin biyoodka.
Heshiisku wuxuu u saamaxay Trump inuu ka soo baxo mowqif aad u ciriiryoon oo u qaatay kaasoo ah ama inuu ku sii socdo ballanqaadkiisii ahaa "in ilbaxnimo dhan ay dhiman doonto caawa" ama inuu dib u dhaco oo uu wiiqo kalsoonidiisa. Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha Maraykanku waxa laga yaabaa in uu naftiisa u door biday inuu si KMG ah u nafiso.
War deg deg ah, Trump oosheegay in ciidamadiisu sii joogi doonaan ilaa heshiis "dhab ah" laga gaarayo
Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha
Mareykanka, Donald Trump, ayaa goor dhow qoraal soo bogga bartiisa Truth Social.
Waxaa uu
qoraalkaas uga digay Iiraan in "'Xabaddu bilaabaneyso,' weliba sidii hore ka
weyn, ka wanaagsan, kana xooggan si aan horey loo arag " haddii
"HESHIISKA DHABTA AH" aan si buuxda loo raacin.
Waakan
qoraalka Trump oo dhameystiran:
Wuxuu yiri,
Dhammaan
Maraakiibta Mareykanka, Diyaaradaha, iyo Shaqaalaha Milatariga, oo wata hub
dheeraad ah, Hub, iyo wax kasta oo kale oo ku habboon oo lagama maarmaan u ah
burburinta Cadaw horeba u burburay, waxay ku sii sugnaan doonaan hareeraha
Iiraan, ilaa inta HESHIISKA DHABTA ah ee la gaaray si buuxda loo fuliyo. Haddii
sabab kasta ha ahaatee aysan ahayn, "Xabaddu way bilaabmaysaa," si ka
weyn, ka wanaagsan, kana xooggan si aan horey loo arag. Marinka Hormuz wuxuu
noqon doonaa mid furan oo ammaan ah. Dhanka kale, Ciidankeenna milatari waa la
soo dhoobayaa,. AMERIKA WAY SOO LAABATAY!
Wararka ku
saabsan xabad joojintii labada toddobaad ahayd ee dhex martay Mareykanka iyo
Iiraan ayaa ahaa kuwo is khilaafsan.
Khilaafaadka
ayaa ku salaysan noocyo kale oo qorshe 10-qodob ah ah oo soo ifbaxay.
Xisbullaah oo sheegtay in ay wareertay waqooyiga Israa'iil
Ururka Xisbullah ee dagaallama Lubnaan ayaa sheegtay inay gantaallo ku ridday waqooyiga Israa’iil. Kooxda hubeysan ee ay taageerto Iiraan ayaa bayaan ay ku daabacday baraha bulshada ku sheegtay in tallaabadan ay jawaab u tahay xadgudub lagu sameeyay xabbad-joojinta.
Waxay sidoo kale ku hanjabtay inay sii wadi doonto weerarradeeda ilaa ay joogsato waxa ay ugu yeertay “gardarrada Israa’iil iyo Maraykan” ee ka dhanka ah Lubnaan.
Arbacadii, Abriil 8, waxay ahayd maalintii ugu xoogganeyd duqeymaha Israa'iil ka geesaneyso Lubnaan, iyadoo ay ku dhinteen 128 qof. waxaa weli taagab ismari waaga ku aadan in Lubnaan ku jirto heshiiska xabbad-joojinta ay gaareyn Iiraan iyo Maraykanka iyo in kale.