Ma-gafihii tahriibayaasha u kala gudbin jiray Itoobiya iyo Libya oo la qabtay

.

Xigashada Sawirka, Ethiopian Federal Police

Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Booliiska Itoobiya ayaa xiray nin lagu eedeeyay inuu udub dhexaad u ahaa shabakad malaayin dollar ku shaqaysa oo caalami ah, taasoo tan iyo sannadkii 2018 kumanaan qof ku hodday Liibiya halkaas oo ay rabeen inay Yurub uga sii gudbaan.

Yetbarek Dawit ayaa lagu eedeeyay in uu ka howlgalayay shan meelood oo dadka lagu hayo oo ku yaalla Liibiya, isagoo jirdil u geysan jiray muhaajiriinta halkaas ku sugan si ay isugu dayaan in ay qaraabadooda ugu qasbaan in ay lacago dheeraad ah u diraan.

Waxaa lala xiray sagaal ka mid ah dadka lagu eedeeyay in uu kala shaqeynayay waqooyiga magaalada Shire, sida ay booliisku sheegeen. Ilaa iyo hadda laguma soo oogin dacwad maxkamadeed.

Booliiska ayaa sheegay in marqaatiyada la uruuriyay ilaa hadda ay muujinayaan in shabakadu ay ku lug leedahay dhimashada in ka badan 100 qof iyo xadgudubyo galmo oo loo geystay in ka badan 50 haween ah.

Xariga ayaa ka dhashay baaritaan adag oo xuduudaha ka gudubsan sida ay booliisku sheegeen, oo ay ku lug leeyihiin hay'ad lagu magacaabo Regional Operational Centre (Rock) taasoo loo sameeyay in ay wax ka qabato shabakadaha wax tahriibiya ee Bariga Afrika oo uu maalgeliyo Midowga Yurub.

Sawirro laga soo qaaday dadka laga shakisan yahay oo gaaraya toddobo rag ah iyo saddex dumar ah oo laga soo qabtay magaalada Shire oo ka tirsan gobolka waqooyi ee Tigray, isla markaana xuduud la leh Eritrea iyo Sudan, ayaa la soo dhigay barta Facebook ee Booliska Federaalka Itoobiya.

Dadkan wax tahriibiya ayaa la eedeeyey inay in ka badan 3,000 oo u badan dhalinyaro ka soo qaadeen dalalka Jabuuti, Eritera, Ethiopia, Kenya, Soomaaliya iyo Sudan oo ay u soo wareejiyeen dalka Libya iyagoo isticmaalaya wadooyin kala duwan.

Sida laga soo xigtay booliska Yetbarek ayaa si caalami ah loo raadinayaa wuxuuna adeegsadaa magacyo kala duwan:

"Adhanom" Suudaan

"Axmed" Djibouti iyo Somalia

"Munir" Kenya

"Kibrom" Iswiidhan iyo dalalka kale ee Yurub.

Iyaga oo ku hubaysan magacyadan, ayaa baarayaashu waxa ay awoodeen in ay adeegsadaan tignoolajiyada horumarsan si ay ula socdaan Yetbarek, sida uu boolisku sheegay.

.

Xigashada Sawirka, EPA

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Wuxuu intaa ku daray in akoonnada bangiga ee Yetbarek iyo dadkii la socday la xayiray, hantidii kooxdana lala wareegay.

Markhaatiyo laga soo ururiyay in ka badan 100 dhibanayaal ah iyo qoysaskooda oo ku kala nool Ethiopia, Libya, Netherlands, Switzerland, UK iyo Canada ayaa sidoo kale gacan ka geystay baaritaanka, sida ay booliska sheegeen.

Waxay ka warrameen waayo-aragnimada naxdinta leh ee dadka lagu haysto xarumaha Liibiya ee la sheegay in lagu qasbay inay la xiriiraan qoysaskooda si ay lacag dheeraad ah ugu diraan mukhalasiinta.

Dadka aan lacagta bixin ayaa la sheegay in hal mar oo kaliya la siin jiray cunto maalintii, waxaana loo geystay jirdil aad u daran.

Arrintan ayaa la sheegay in ay ka mid ahayd in lagu garaaco caag, ulo iyo fiilooyinka korontada, iyaga oo gacmaha iyo lugaha looga xiray silsilado, baco dhalaalayna ay ku daadanayeen jirkooda.

Haweenka ayaa la sheegay in loo geystay tacadiyo dhanka galmada ah, waxaana sidoo kale ka dhashay dhaawacyo culus oo jireed iyo kuwo maskaxeed.

Kooxda ayaa la rumeysan yahay in ay ka soo xareeyeen in ka badan $19m (£14m) falalkan dambiyada ah, sida uu booliisku sheegay.

Ka dib markii lagu qabtay gobolka Tigray, ayaa 10-ka qof ee la tuhunsanaa waxaa Isniintii loo kaxeeyay caasimadda Addis Ababa.