Puntland oo ku adkeysatay in aan maalgashi kalluumeysi laga sameyn karin xeebaheeda

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dowlad Goboleedka Puntland ayaa mar kale soo saartay hadal qoraal ah oo ay ku adkeyneyso go'aankeeda ay ku diiddan tahay in shirkado shisheeye ama hay'ado si gaar loo leeyahay ay biyaha Puntland ka fulin karaan howlgallo kalluumeysi.
Shrikadaha ay diiddan tahay ayay ku sheegtay inay ka mid tahay shirkadda Turkiga laga leeyahay ee SomTurk, taas oo dhowaan heshiis kalluumeysi la saxiixatay dowladda federaalka Soomaaliya.
Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Puntland, Cabdifataax Cabdinuur, oo BBC la hadlay ayaa sheegay in sababta ay amarkaas usoo saareen ay tahay "in heshiisyadaas aysan u waafaqsaneyn dastuurka dalka."
"Sideedaba heshiiskan hadda arrimaha kalluumeysiga tusaale ahaan wuxuu kasoo horjeedaa dastuurka. Kulligood waxay muujinayaan inay u ektahay in sidii loo xaraashayay dhulalkii ku yaallay Muqdisho si la mid ah loo araashayo kheyraadka dalka," ayuu yiri. Wuxuu intaa ku daray inaysan jirin hab cad oo loo maray heshiisyadaas.
Xiriirka Puntland iyo dowladda federaalka ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay xumaa, iyadoo arrinta ugu weyn ee la isku diiddan yahay ay tahay wax ka beddelka dastuurka, oo sidoo kale ay kasoo horjeesteen qaar ka mid ah maamul-goboleedyada kale ee dalka.
Xeebaha Puntland ayaa ku fidsan msaafo dheer, iyagoo isku xira Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya. Xeebahani waxay caan ku yihiin kheyraadka badda iyo ganacsiga, hase yeeshee waxaa sidoo kale ka dhaca howlgallada burcad-badeedda.

Xigashada Sawirka, FACEBOOK
War-saxaafadeed ay shalay soo saartay Puntland ayaa lagu sheegay in go'aanka uu ku salaysan yahay Dastuurka Federaalka Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya ee 2012 iyo Dastuurka Puntland.
"Hay'adaha dowladda federaalka ma laha awood sharci ah oo ay ku bixiyaan shatiyada ama ay ku galaan heshiisyada maalgashiga ee la xiriira badda iyo dhulka Puntland," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
"Ilaa inta si buuxda loo dhammaystirayo loona waafajinayo nidaamka dastuuriga ah ee federaalka, Dowladda Puntland waxay sii wadaysaa ku dhaqanka dhammaan awoodaha dastuuriga ah ee uu siinayo Dastuurkeeda.
Sidoo kale, hay'adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, ee uu muddo-xileedkoodii sharciyeed dhammaaday, ma laha awood sharciyayeed oo ay ku bixin karaan rukhsado ama ay shirkado shisheeye kula geli karaan heshiisyo maalgashi, oo khuseeya dhulka ama biyaha ku jira xuduudaha sharciyadeed ee Dowladda Puntland." Ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Muxuu yahay heshiiska SOMTURK?

Xigashada Sawirka, AA
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Bishii December ee sanadkii hore, Ururka warshadaha ee Turkiga OYAK iyo Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi istiraatiiji ah si ay uga wada shaqeeyaan waaxda kalluumaysiga.
Munaasabadda saxiixa oo ka dhacday xarunta OYAK ee caasimadda Ankara, waxaa ka qayb galay Wasiirka Difaaca Qaranka ee Türkiye Yaşar Güler, Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Soomaaliya Axmed Xasan Aadan, Taliyaha Guud ee Ciidamada Türkiye Gen. Selçuk Bayraktaroğlu, Guddoomiyaha OYAK Zekai Aksakallı, iyo Maamulaha Guud ee OYAK Murat Yalçıntaş.
Heshiiskan wuxuu ujeeddadiisu tahay in howlaha kalluumaysiga ee Soomaaliya lagu fuliyo qaab dhexe, waara, isla markaana si buuxda loo diiwaangeliyay.
Sida ku cad heshiiska, shirkad lagu magacaabo SOMTURK oo lagu aas-aasay qaabkan ayaa mas'uul ka noqon doonta dhammaan habraacyada oggolaanshaha ee la xiriira hawlaha kalluumaysiga ee aagga dhaqaale ee gaarka ah ee Soomaaliya. Ruqsadaha kalluumaysiga ee biyaha Soomaaliya waxaa si gaar ah u bixin doonta SOMTURK.
"Heshiiskan wuxuu suurto gelinayaa in si waara looga faa'iideysto kheyraadka hodanka ah ee badda Soomaaliya, isla markaana wuxuu siinayaa waaxda kalluumaysiga ee Türkiye helitaan biyaha Soomaaliya, kuwaas oo loo arko inay ka mid yihiin meelaha ugu kalluunka badan caalamka."
Marka laga soo tago xoojinta iskaashiga dhaqaale, ganacsi iyo farsamo ee labada dal, heshiiskan waxaa la filayaa inuu abuuro hannaan dakhli oo taageera ujeeddooyinka soo celinta waara ee OYAK, oo u shaqeeya sida sanduuq hawlgab oo dhammaystiran, sida ku xusan heshiiska labada dowladood.

Xigashada Sawirka, AA
Waxa kale oo la sheegay in ujeeddadiisu ay tahay in la kordhiyo shaqo-abuurka iyadoo la horumarinayo warshadaynta kalluunka iyo hawlaha taageerada, la xoojiyo dhaqaalaha gudaha, isla markaana la hubiyo in faa'iidada ka dhalata ay si toos ah uga muuqato horumarka iyo daryeelka bulshada Soomaaliyeed.
Wasiir Cabdulqaadir ayaa qoraal uu soo dhigay barta X, kadib saxiixa heshiiska wuxuu ku tilmaamay "tallaabo muhiim ah oo muujinaysa iskaashi xooggan iyo kalsooni wadaag u dhexeeya labada dhinac, isla markaana hoosta ka xarriiqaysa ballanqaadkeenna wadajirka ah ee horumar waara iyo iskaashi dhaqaale."
Wuxuu sheegay "in heshiisku uu furi doono awoodda kheyraadka badda, kor u qaadi doono dhaqaalaha buluugga ah, abuuri doono shaqooyin kumannaan dhalinyaro ah, isla markaana dhisi doono aasaaska koboc waara iyo yareynta saboolnimada."
Soomaaliya waxay xiriir dhow oo dhaqaale, diblomaasiyadeed iyo militari la lahayd Turkiga tan iyo markii Madaxweyne (oo markaas Ra'iisul Wasaare ahaa) Recep Tayyip Erdoğan uu booqday Soomaaliya 2011—isagoo ahaa hoggaamiyihii ugu horreeyay ee aan Afrikaan ahayn ee dalka yimaada in ka badan 20 sano.
Turkiga ayaa sidoo kale wuxuu magaalada Muqdisho ku leeyahay safaaraddiisa ugu weyn Afrika, wuxuuna dhisay xaruntiisa militari ee ugu weyn dibadda si uu ugu tababaro Ciidanka Xoogga Soomaaliya.














