Burcad-badeedda markabka ku haysata xeebaha Punland oo dalbaday 'malaayiin doolar'

Markabkan oo ay la socdeen 18-shaqaale ah ayaa bishii hore lagu afduubtay xeebaha waqooyi bari ee Soomaaliya.

Xigashada Sawirka, Facebook

Qoraalka sawirka, Markabkan oo ay la socdeen 18-shaqaale ah ayaa bishii hore lagu afduubtay xeebaha waqooyi bari ee Soomaaliya.

Burcad-badeeda afduubatay markab kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa dalbanaya lacag dhan 10-milyan oo doollarka Mareykanka ah, sida uu sheegay sarkaal Soomaali ah u sheegay wakaaladda wararka ee AP.

Markabkan oo ay la socdeen 18-shaqaale ah ayaa bishii hore lagu afduubtay xeebaha waqooyi bari ee Soomaaliya.

Afduubayaasha ayaa sidoo kale baraha bulshada ku wadaagay sawiro muujinaya maxaabiistooda oo ay ku hareeraysan yihiin rag hubaysan oo saaran sagxada markabka.

Markabkan ayaa la afduubtay dabayaaqadii bishii November ee sanadkan, waxaana la geeyey degmada Xaafuun ee maamul goboleedka Puntland, halkaasi oo ay ku jiraan maxaabiistii la qabtay. Ilaalada markabka ayaa markii dambe ku biiray ciidamada hubaysan ee ka soo jeeda gobolka xeebta.

Sarkaal ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in markabkan ay Puntland siisay ruqsad kalluumeysi sanadkii 2020-ka, balse ay ka dhacay ruqsaddaasi.

Sargaalkan wax faahfaahin ah kama bixin dalabka madax furashada ay dalbvanayaan burcad badeeda.

Ciidamada Midowga Yurub ee la dagaalanka burcad badeeda, Eunavfor Atalanta, ayaa todobaadkii hore dhacdada ku tilmaamay "fal burcadnnimo oo ka dhacay badda".

Afduubka ayaa hoosta ka xariiqaya caqabadaha joogtada ah ee amniga badda Soomaaliya xilligan ka jira.

Soomaaliya ayaa muddo sanado ah waxaa badaheeda aafeeyay falla burcad badeednimo oo maraaiib lafu afduubta.

Faalkan ayaa gaaray heerkii ugu sarreeyay sannadkii 2011-kii, markaasoo Qaramada Midoobay ay sheegtay in in ka badan 160 weerar ay ak dhace xeebaha Soomaaliya.

Afduubka ayaa hoosta ka xariiqaya caqabadaha joogtada ah ee amniga badda Soomaaliya xilligan ka jira.

Xigashada Sawirka, MOHAMED DAHIR

Qoraalka sawirka, Afduubka ayaa hoosta ka xariiqaya caqabadaha joogtada ah ee amniga badda Soomaaliya xilligan ka jira.

Yaa afduubtay markabka, xageese lagu hayaa?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Labo ilaa seddex qof oo markabka ilaalinayey ayaa qafaashay, waxayna u yeerteen rag hubaysan oo dhanka berriga uga yimid. Xogta aan ilaa hadda hayno waa in tobaneeyo nin oo hubaysan ay markabka gacanta ku hayaan" ayuu u sheegay BBC qof ka mid ah ilaha dhanka amniga ee Puntland oo magaciisa aan qarinay.

Wuxuu intaa ku daray in markabka lagu hayo inta u dhaxaysa xeebaha Eyl iyo Bayla, gaar ahaan meel ku beegan deegaan lagu magacaabo Marrayo.

Wuxu kaloo mas'uulkaas sheegay in inta la ogyahay ilaa hadda ay shaqaalaha markabkaas yihiin 18 qof, kuwaasoo u dhashay Shiinaha, ama badankood ah muwaadiniin Shiinees ah.

Wararka qaar waxay sheegayaan in burcad badeedda ay diideen boqolaal kun oo doollar oo madax furasho ahaan ay u bixin lahayd shirkad Soomaali ah oo mas'uul ka ah markabka sida ay sheegtay hay'ad ka shaqaysa la socodka dhaqdhaqaaqa maraakiibta.

Hay'adda oo soo xiganaysa dadka deegaanka ayaa tiri "Kalluumaysato deegaanka ah ayaa sheegay in doontu ay u soo dhawaatay Eyl, Soomaaliya, Jimcihii, laakinse burcad badeedda ayaa dib ugu celiyey badweynta ayagoo ka cabsi qabay ilaalada xeebaha Puntland".

Afduubka ayaa hoosta ka xariiqaya caqabadaha joogtada ah ee amniga badda Soomaaliya xilligan ka jira.

Soomaaliya ayaa muddo sanado ah waxaa badaheeda aafeeyay falla burcad badeednimo oo maraaiib lafu afduubta.

Faalkan ayaa gaaray heerkii ugu sarreeyay sannadkii 2011-kii, markaasoo Qaramada Midoobay ay sheegtay in in ka badan 160 weerar ay ak dhace xeebaha Soomaaliya.

Maxaa keenay dib u soo laba-kaclaynta burcad badeedda e xeebaha Soomaaliya?

"Dalka ma laha fursado badan oo dhaqaale, taasna waxay keenaysaa in dhallinyaradu ka fekeraan qaabab kale oo dhaqaale xumada iyo shaqo la'aanta ay kaga gudbaan. Qayb ahaan, arrintaas waxay keenaysaa in aynolol raadiyaan, kana raadiyaan badda. Caqabadaha ay la kulmaan waxaa ka mid ah kalluumaysiga sharci darrada ah iyo qaar laysan kalluumaysi la siiyo oo hubin iyo koontarool badan lahayn, kuwaasoo badda aad ugu jira" ayuu yiri Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare) oo ah taliyihii hore ee sirdoonka Puntland.

Wuxuu intaa ku daray in kalluumaysatada ruqsadaha la siiyo ay yimaadaan meelo aan ahayn meelihii loo asteeyey, sidaa darteedna ay taasi keento in kalluumaysatada yaryar ay dhibaato kala kulmaan, sida in laga jiiro shabakadihii iyo qalabkii kalluumaysiga.

"Taa waxay keentay in dhallinyaradu ay caro ka qaadaan, ayadoo ay u dheer tahay in burcad badeednimada looga bartay in lacago badan laga sameeyo. Arrimahaasoo isbiirsaday iyo hay'adihii koonatroolka badda ku shaqada lahaa oo meesha ka maqan" ayuu yiri Jeneraal Cabdi Yare.

Falalkan burcadda ayaa gaaray heerkii ugu sarreeyay sannadkii 2011-kii, markaasoo Qaramada Midoobay ay sheegtay in in ka badan 160 weerar ay ak dhace xeebaha Soomaaliya.

Intii u dhaxaysay 2005-tii iyo 2012, burcad badeeda Geeska Afrika waxay waxay ak sameeyeen afduubka inta u dhaxaysa $339m ilaa $413m iyagoo shaqaalihii markabka afduub ahaan u haystay oo dalbaday lacago madaxfurasho ah, sida uu Bangiga Adduunka qiyaas uu sameeyay uu kus heegay.

Dhacdooyinka falalka burcad-badeednimada ayaa aad hoos ugu dhaceen sanooyiinkii u dmabeeyay, balse waxaa labaddii sano u dambeeysay xeebaha Somaaliya ka dhacay dhawr weerar oo ay burcad badeedu fuliyeen.

Arrintan ayaa waxa ay sababtay walaaca ay qabaan khubarada dhanka ammaanka badda oo sheegay in laga yabo in mar kale ay soo ifbaxaan bucda baddeeda weerarada ka geysta xeebaha Soomaaliya.