Sida Facebook u xaddiday wararka Falastiin

Facebook ayaa si aad ah u xaddiday awoodda wararka la xiriira Falastiiniyiinta si ay u gaaraan dhegeystayaasha inta uu socdo dagaalka Qasa, sida lagu sheegay cilmi baaris ay samaysay BBC.
Falanqaynta dhamaystiran ee xogta Facebook, waxaanu ku ogaanay in goobaha lagu baahiyo wararka la xiriira dhulka Falastiin iyo dagaalka Qasa ay hoos u dhac wayn ku timid sida ay xogta ku gaari lahayd dhagaystayaasha ilaa Oktoobar 2023.
BBC-da ayaa sidoo kale aragtay dukumiintiyo la faafiyay oo muujinaya in Instagram iyo madal kale oo shirkadda Meta ay leedahay ay kordhiyeen korjoogtaynta faallooyinka isticmaalayaasha Falastiin wixii ka dambeeya Oktoobar 2023.
Meta oo ah shirkadda leh Facebook ayaa sheegtay in wararka arrinkaan la xiriira aysan waxba ka jirin sidoo kalena aysan si toos ah u xakamayn codad gaar ah tanina ay tahay " been abuur".
Tan iyo markii uu billowday dagaalka Israa'iil iyo Qasa, tiro yar oo kamid ah wariyayaasha caalamiga ah ayaa loo ogolaaday inay tagaan dhulka Falastiin, waxa ayna ka soo galayeen dhanka xeebta, iyadoona ay la socdeen ciidammada Israa'iil.
Baraha bulshada waxaa buux dhaafiyay dadka doonaya inay helaan wararka laga helikaro gudaha Qasa.
Ilaha ugu muhiimsan ee wararkaas laga helikaro ayaa noqday bogagga ay Facebook ku leeyihiin TV-ga Falastiin, wakaaladda wararka ee Wafa, iyo Al-Watan News falastiin, kuwaas oo ka hawlgala daanta galbeed.
BBC News Carabi ayaa soo uruurisay xogta boggaga Facebook oo gaaraya 20 hay'adood oo warbaahineed kuwaas oo caan ah fadhigooduna yahay falastiin xogta la uruuriyay ayaa ahayd sanad ka hor weerarradii 7-dii Oktoobar, iyo sannadkii ka dambeeyay inta uu dagaalka socday.
Xogta la helay ayaa lagu ogaaday cabbirka halbeeg ee u dhaxeeya saamaynta bogaggaas warbaahineed ee dagaalka kahor sida wararkooda loo heli jiray iyo farqiga dagaalka ka dib iyo inta qof ee helaya ama ka faaloonaya wararka barahaas.

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Inta lagu jiro muddada dagaalka, waxaa la filayay inay kor u kacdo dadka helaya wararka la xiriira dagaalka, balse xogta ayaa muujisay hoos u dhac 77% ah kadib weeraradii Xamaas ee 7dii Oktoobar 2023.
TV-ga Falastiin ayaa haysta dad gaaraya 5.8 milyan oo dhanka Facebook ka raacsan.
Wariyayaasha ka howlgala ayaa inala wadaagay tirakoob muujinaya in 60% ay hoos u dhaceen tirada dadka ee arkaya warbixinada ay daabacaan.
"Is dhex galka gabi ahaanba waa la xaddiday, fariimahayagiina waxay joojiyeen inay dadka gaaraan," ayuu yiri Tariq Ziad, oo ah wariye ka tirsan kanaalka.
Sanadkii la soo dhaafay, saxafiyiinta Falastiiniyiinta ayaa aad uga cabsi qabay in wararka ku saabsan dagaalka ee ay ku baahinayaan internetka ay "mamnuucdo" Meta ama ay hoos u dhigto tirada dadka arkaya.
Si wax looga ogaado arrinkaan, BBC-da oo xogtaan falaqayn ku samaysay ayaa baartay bogagga Facebook ee 20 hay'adood oo baahiya wararka Israa'iil oo ay kamid yihiin Yediot Ahronot, Israel Hayom iyo Channel 13, bogaggani waxay sidoo kale daabaceen warar badan oo la xiriira dagaalka, laakiin ka qaybqaadashadooda iyo dadka xogta helay ayaa kordhay ku dhawaad 37%.

Falastiiniyiinta iyo kooxaha xuquuqul insaanka ayaa horay Meta ugu eedeeyay inay ku guuldareysteen dhexdhexaadnimada dhaqdhaqaaqa internetka si cadaalad ah.
Warbixin madax bannaan oo 2021-kii ay shirkaddu soo saartay ayaa lagu sheegay in tani aysan ahayn mid ula kac ah balse ay sabab u tahay khibrad la'aanta ku hadalka Carabiga ee dhexdhexaadiyeyaasha, erayada iyo hadalada qaar ayaa loo tarjumi jiray weerar ama rabshado, xittaa hadii ay ahaayeen kuwo aan waxba galabsan.
Tusaale ahaan, oraahda Carabiga ah ee "Alxamdulilah" oo macneheedu yahay "Alle ayay mahadi u sugnaatay" ayaa mararka qaarkood si toos ah loogu turjumayay fasiraad ama hadal ay isticmaalaan kooxda falastiiniyiinta ee dagaalanta.
Si loo eego in tani ay macnaheeda tahay hoos u dhaca ku yimid la macaamilka xarumaha falastiiniyiinta, BBC-du waxay isla falanqeyn isku mid ah ku sameysay boggaga Facebook 30 ilo wareed oo caan ah oo luqadda Carabiga ah oo saldhigoodu yahay meelo kale, sida Sky News Arabia iyo Al-Jazeera.
Balse boggagani waxay heleen koror celcelis ahaan gaaraya ku dhawaad 100%.

Caddaymaha Instagram-ka ee la daatay
BBC-da ayaa sidoo kale la hadashay shan shaqaale oo hore iyo kuwa hadda ka tirsan Meta si ay wax uga waydiiso sheegashada shirkadda ee saamaynta siyaasaddooda ay ku yeelatay isticmaalayaasha Falastiiniyiinta.
Hal qof, oo kamid ah dadkii ay BBC-da la xiriirtay ayaa si qarsoodi ah u hadlay, waxa uuna la wadaagay dukumiintiyo gudaha ah oo la faafiyay kuwaas oo ku saabsan isbeddel lagu sameeyay algorithm-ka Instagram, kaas oo diiradda saaray Falastiiniyiinta ka faallooda qoraallada Instagram.
"Toddobaad gudihiis oo ah weerarka Xamaas, xeerka waa la beddelay taasoo ka dhigaysa mid gardarro ku ah dadka Falastiiniyiinta," ayuu yiri.
Farriimaha gudaha ayaa muujinaya in injineer ka tirsan shirkadda uu walaac ka muujiyay amarka, isagoo ka walaacsan in ay "soo bandhigi doonto eex cusub oo ka dhan ah isticmaaleyaasha Falastiiniyiinta".
Meta ayaa xaqiijisay inay samaysay tallaabada cabbirka balse waxa ay sheegtay in ay lama huraan noqotay in laga jawaabo waxa ay ugu yeertay "kor u kaca waxyaabaha nacaybka xambaarsan" ee ka soo baxaya dhulka falastiiniyiinta.
Waxa ay sheegtay in isbedello siyaasadeed oo lagu sameeyay bilowgii dagaalka Israa'iil iyo Qasa in hadda la bedelay, balse ma aysan sheegin goorta ay taasi dhacday.
Ugu yaraan 137 saxafiyiin Falastiiniyiin ah ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay Qasa tan iyo bilowgii iskahorimaadka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
"Macluumaad badan lama daabici karo maadaama ay aad u sawiran tahay tusaale ahaan haddii ciidamada [Israa'iil] ay xasuuq geystaan oo aan duubno, muuqaalku ma faafi doono," ayuu yiri Omar el Qataa, oo ka mid ah dhowr saxafiyiinta sawir qaadayaasha, kuwaas oo doortay inay sii joogaan waqooyiga Qasa.
"Laakiin in kasta oo ay jiraan caqabadaha, khatarta, iyo mamnuucista waxyaabaha ku jira," ayuu yidhi," waa inaan sii wadnaa baahinta macluumaadka Falastiiniyiinta."













