Sawirro: Cabsi iyo murugo, iyadoo dagaalka Xamaas iyo Israa;iil uu sii xoogeysanayo

A man stands near a burning sponge factory after it was hit by Israeli artillery shells in Gaza

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Warshad ku gubaneysa Qaza ka dib markii madaafiicda Israa'iil ay ku dheceen.

Dagaalka u dhexeeya askarta Israa'iil iyo ururka Xamaas, uma muuqdo in uu istaagi rabo, wuxuuna walaac ka taagan yahay tirada shacabka ee ku dhimeysa duqeymaha.

Sawirro aan caadi ahayn ayaa muujiyay dhibaatada shacabka ka soo gaartay duqeymaha iyo madaafiicda, dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, ee guryaha iyo huntida u bedelay ciid iyo burbur, dadkana ku qasbay in ay meel kale oo gabaad ah raadsadaan.

Palestinians from the same family evacuate young children, women, and the elderly alive and dead from under the rubble of their destroyed home on 16 May

Xigashada Sawirka, Getty Images

Israa'iil waxay sheegeysaa in duqeymaha Qaza ay la eeganeyso kooxaha ay ku tilmaamtay xagjiriin, balse korontada, jidadka iyo guryaha ayuu burburka saameeyay.

Sawirka kore, waa nin Falastiini ah oo ku dul ooynaya burburka gurigiisa ka dib duqeymihii Israa'iil ee Axaddii. Qaar ka mid ah qoyskiisa ayaa ku hoos jira burburkaas.

A woman mourns for her relatives who were killed during an Israeli raid on Gaza City on May 16

Xigashada Sawirka, Getty Images

Maalintaa waxay ahayd xilligii ay dadkii ugu badnaa ku dhinteen Qaza, tan iyo markii dagaalka uu bilowday, isbuuc ka hor.

Diyaaradaha Israa'iil ayaa duqeeyay waddo dad badan, xilli saqdhexe oo habeen ah. Waxaa taa ka dhashay in ay dumaan dhowr dhisme, tobannaan qofna way ku dhinteen.

"Waxaan u baahan nahay ugu yaraan 10 sano, si dib loogu dhiso burburka soo gaaray Qaza," ayuu yiri Maxamed Abu Raya, oo ah dhakhtar carruur oo ka howlgala Qaza, wuxuuna u warramay BBC, maalintii Isniintii ka dib duqeymaha.

Aas wadareedyo degdeg ah ayaa halkaas lagu qabtay. Haweeneyda ka muuqata sawirka kore, waxay la ooyneysaa murugada ka dhalatay ka dib dad qoyskooda ka mid ahaa oo ku dhinteen duqeymaha Qaza.

A child walks on stairs inside a bomb shelter in Ashkelon, southern Israel, on May 16

Xigashada Sawirka, Reuters

Dhanka kale, Xamaas oo maamusha Qaza iyo kooxo kale oo halkaas ka howlgala, waxay sii wadaan in ay duqeeyaan Koonfurta Israa'iil.

Guryo ayey madaafiicda ku dheceen, malaayiin Israa'iil ahna way ka qexeen halkaas. Waxaana si joogto ah u dhawaaqaya seeriyada digniinta bixiya.

Gabadha yar ee kor ka muuqata, waxay ka dhuumaneysaa madaafiicdii gubay magalada Ashkelon, oo gantaallo badan ay ku dheceen.

Victoria Tapalashvili checks the damage after a rocket fired from the Gaza Strip hit near her house on May 17

Xigashada Sawirka, Getty Images

Victoria Tapalashvili waxay eegeysa burburka soo gaaray gurigeeda oo ku yaalla magaalada Ashdod. "Waxaan haysanaa 30 illaa 60 ilbiriqsi oo aan kaga gabaneyno gantaallada," ayey tiri.

A photo taken on May 17, 2021 shows a damaged apartment in a residential neighbourhood in the southern Israeli city of Ashdod

Xigashada Sawirka, AFP

Sawirkanna waa guri kale oo ku burburay magaalada Ashdod.

Waxaa la sheegay in qalabka ka hortagga gantaalada ee Israa'iil uu qabtay boqolkiiba 90% madaafiicdaas lagu soo tuuray.

Sidoo kale, waxaa jiray madaafiic laga soo tuuray Lubnaan oo ku dhacayay Waqooyiga Israa'iil.

Palestinian relatives watch as mourners carry the body of Yaseen Hamad during his funeral in the West Bank on 16 May

Xigashada Sawirka, EPA

Qalalaasaha ayaa sidoo kale ku baahay dhulka ay israa'iil haysato ee Daanta Galbeed, halkaas oo isku dhac uu ku dhexmaray askarta israa'iil iyo shacab Falastiiniyiin ah, dhammaadkii isbuucii hore.

Sawirka kore, waa dad Falastiiniyiin ah oo daaqadda gurigooda ka daawanaya, xilli maydka qof ka mid ahaa qoyskooda la sii qaadayay, kaas oo Axaddii lagu aasay Daanta Galbeed.

Falastiiniyiinta Daanta Galbeed waxay ku hoos nool yihiin laba maamul - mid ay iyaga sameysteen iyo kan militariga Israa'iil.

Riyad Eshkuntana kisses his daughter Suzy"s hand as they are treated at a hospital after being pulled from the rubble

Xigashada Sawirka, Reuters

Ninkan, Riyad Eshkuntana, isaga iyo gabadhiisa, Suzy, oo lix sano jir ah, waxaa laga soo saaray burburka hoostiisa, ka dib gantaal ku dhacay gurigooda oo ku yaalla Marinka Qaza.

Muddo saacado ah ayay gabadhan yar ku hoos jirtay burburka. Ugu dambeyn waxay aabeheed kula kulantay isbitaalka ugu wayn ee Qaza.

"Icafi gabadheyda. Waad ii qeylineysay si aan kugu imaado, balse waan awoodi waayay," ayuu yiri Eshkuntana oo gabadhiisa la hadlayay, markii la isugu keenay isbitaalka, sida ay Reuters werisay.

A member of the Abu Dayer family, surrounded by relatives, cries at the Al-Shifa hospital after the death of his father and cousin in an Israeli air strike

Xigashada Sawirka, Getty Images

Sawirkanna waxaa ka muuqda qoyska Abu Dayer oo ku sugan isbitaalka Al-Shifa ee Qaza, ka dib markii laba qof oo qoyska ka mid ahaa la dilay.

An Israeli woman reacts as she checks the damage inside her house hit by Palestinian rocket fire in the southern city of Ashkelon

Xigashada Sawirka, AFP

Haweeneydanna, waxay eegeysaa burburka soo gaaray gurigeeda Ashkelon, xilli dhawaqa duqeymaha weli la maqlayay.

Colaaddan waxay sare u sii qaaday walaaca caalamiga ah.

Hoggaamiyeyaasha caalamka iyo hay'adaha gargaarka, waxay ku baaqayaan in laga hortago dhimashada shacabka ka soo gaareysa colaadda iyo burburka loo geysanayo dhismeyaasha rayidka ay deggan yihiin iyo adeegyada aasaasiga ah.

The father of 12-year-old Rahaf al-Dayer holds her covered body at al-Shifa hospital, after she was killed in an Israeli airstrike on 17 May

Xigashada Sawirka, Getty Images

Sawirka kore, waa nin ooynaya ka dib markii duqeyn ka dhacday Qaza ay ku dhimatay gabadhiisa oo 12 sano jir ahayd.

Sawirka hoosana, waa qoyska askeri Israa'iili ahaa oo dagaalka ku dhintay. Waxay ku oynayeen meesha lagu qabtay aaskiisa.

Dagaalka wuxuu socdaa Isbuucii labaad, mana muuqato in uu dhammaad yahay. Duqeymaha iyo gantaallada ayaa weli sii socda.

Qaar ka mid ah dalalka caalamka waxay ku baaqayaan xabad-joojin - balse ma u muuqato mid dhaqangeli karta hadda.

Family and friends, including Israeli soldiers, mourn during the funeral of Israeli soldier Omer Tabib, who was killed during cross-border fighting with Gaza

Xigashada Sawirka, Reuters

Sawirrada oo dhan waxay leeyihiin xuquuq lahaansho