Maalinkii "ugu dhimashada badneyd" magaalada Qasa

Xigashada Sawirka, EPA
Diyaaradaha dagaalka ee Israa'iil ayaa weeraro ka fuliyay Qasa xilli dagaalka magaaladaasi uu maanta galay toddobaadkii labaad.
Militariga Israa'iil ayaa waxay shegeen in ay bartilmaameedsadeen gooba ay sheegeen in ay argagixiso ku dhuumanaysay.
Kooxda Xamaas ayaa dhankooda madafiic ku garaacay magaalooyiinka Beersheba iyo Ashkelon.
Saraakiisha Falastiiniyiinta ayaa waxay sheegeen in Axaddii ay aheyd maalinkii ugu dhimashada badnayd ee magaaladaasi soo marta.
Waxaa duqeymada Israa'iil ku dhintay 42 qof sida ay saraakiisha Flaastiiniyiinta sheegeen.
Dhanka kale, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo kulan degdeg ah isugu yimid ayaa waxaa madaxda ka qeyb gashay ka soo baxaya baaqyo ku aadan sidii loo jooji lahaa colaadda.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Qasa in dagalka la joojiyo.
Mr Guterres oo ka hadlayay kulan degdeg ah oo ay isugu yimaadeen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ku dheeraaday baahida loo qabo in colaadda la joojyo.
Antonio Guterres ayaa ka dalbaday labada dhinac ee ay dirirta ka dhaxeyso in dagaalka soo afjaro.
Waxaa uu sidoo kale farta ku fiiqay in dagaalka imika socda ay dhibaato badan ka dhalanayso islamarkana ay tahay in nabadda lagu dadaalo.

Xigashada Sawirka, Reuters
"Colaadii ugu dambeysay waxaa uun ka dhalanaya dhimasho, burbur waxayna sii fogeynaysaa oo kali ah rajadii laga qabay in wada jir iyo nabad lagu wada noolaado, waa qasab in dagaalka la joojiyo, waa in sida ugu dhaqsiyaha badan loo jooojiyo, waxaan ka codsanayaa dhammaan dhinacyada in ay u dheg raariciyaan baaqan, Qaramada Midoobey waxay ka codsanaysaa dhammaan dhinacyada in sida ugu dhaqsiyaha badan ay xabadda u joojiyaan," ayuu yiri Mr Guterres
Danjiraha Shiinaha u fadhiya Qaramada Midoobey, Zhang Jun ayaa dhankiisa sheegay in waxa Qaramada Midoobey imika looga fadhiyo ay tahay in xabadda la joojiyo.
Waxaa uu intaa ku daray Mr Jun in sidoo kale loo baahan yahay in xal waara laga gaaro arrinta ku saabsan in Israa'iil iyo Falastiiniyiinta ay noqdaan labada dal oo daris ah oo isku bar-bar nool.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Flaastiiniyiinta, Riyad al-Maliki, oo khudbad u jeedinayay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa Israa'iil ku eedeeyay in ay dambiyo dagaal geysanayso.
Waxaa uu sidoo kale ku baaqay in Israa'iil lagala xisaabtamo tacadiyada uu sheegay in ay kula kaceyso dadka Falastiiniyiinta.
Dhanka kale xilli uu dagaalka labada dhinac sii xoogeysanayo ayaa hadana waxaa la sheegayaa in ay sii xumaanayso xaalada noolaleed ee dadka magaalada Qaza.
Ku xigeenka isu-duwaha Qaramada Midoobey u qaabilsan geedi socodka nabadda, Lynn Hastings, ayaa BBC-da u sheegtay in magaalada Qaza uu gabaabsi yahay gaaska taasi oo saameyn ku yeelan karta isbataalada iyo xarumaha kale.
Madaxwaynaha dalka Masar Abdel -Fattah el -Sisi ayaa sheegay in dalkiisa uu geyn doono waxayabaha looga baahan yahay magaalada Qaza.
Gawaarida gurmadka degdeg ah ayay dowladda Masar u dirtay magaalada Qaza si ay halkaasi uga soo daabulaan dhaawacyada una geeyaan dalka Masar.
Dhanka kale dowladda Urdun ayaa bangi dhiig u furtay dadka reer Qaza halkaasi oo ay dadka dhiigooda ku tabarucayaan.










