Muxuu Huteelkan Qaaliga ah hoy u siinayaa dadka guri la'aanta ah?

Xigashada Sawirka, Carl Simpson
Huteelki labaad ee Hull ku yaallo ayaa 28 qof oo guri la'aan ah u diyaariyey qolal ay seexdaan xilliga loo dabbaaldagayo sanadka cusub (chiristmas) ee 2019-ka, wuxuuna Huteelka uu ka noqday mcamiil horay huteelka u sii qabsaday si mashruuca dadka guri la'aanta ah loo meel mariyo.
Kooxda ayaa go'aansatay Huteellada Royal ee ku yaalla Hull iney dadka guri la'aanta ah u adeegaan ciidda sanadka cusub iyaga oo shegay iney go'aanka ay qaateen ay ku kalliftay iney u adkeysan waayeen dhibaatada haysata dadka guri la'aanta ah.
Maamulka Hoteellada Hull ayaa waxay mar sii horreysay sheegeen iney koox ka mid ah dadka guri la'aanta ah oo huteellada Ibis la dajiyey chiristmaska sanadki hore ay qolalka la seexiyey ay waxyeello u geysteen.
Hase ahaatee, kooxda u ololeeysa dadka guri la'aanta ayaa eeddaasi la soo jeediyey ku tilmaamay "been cad", Ibis Hotel-na waa ay diideen hadalka kooxda ka soo yeedhay.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Huteellada Doubletree Hilton oo dadka guri la'aanta ah u diyaariyey casuumaad casho maalinta sanadka cusub loo dabbaal dagayo, 'Yaa yidhi arrin mucjiso ah ma dhaceyso?'.
Carl Simpson, oo ka mid ah kooxda u ololeeysa dadka guri la'aanta oo BBC u warramay ayaa wuxuu sheegay kooxdu iney 14 qol oo qolkiba laba sariirood leh iney u diyaariyeen 28 qof oo guri la'aan ah qolalkaasi oo laga diyaariyey Hutel Ibis ayna ku kaceyso kharash dhan £1,092 kooxda oo rajeeyneyso mashruuca si la mid ah sanadki hore inuu guul ku soo dhammaado.
Royal Hotel ayaa oggolaaday in dadkaasi qolal loo qabto sanadka cusub, "waxaanna horraantiba u sheegnay inaan qolalka u rabno dadka guri la'aanta ah". "Iyaguna wey naga oggolaadeen."
Afhayeen u hadlay Hoteelka ayaa wuxuu sheegay shirkadda iska leh Huteelladan iney "dadki hore oo ka shaqeeynayey mashruucan ay uga digtay" iney dadkaasi hoteelka qolal uga qabanin.
"waxaa na soo wacday ayuu yiri gabdh ka shaqeeyso mashruuca looga samafalayo dadka guri la'aanta ah, waxayna noo sheegtay iney dhibaata aad u weyn kala kulmeen Huteellada Ibis sidaa darteed ay oggolaanin dadka guri laaanta ah in huteelka qolal looga qabto."
"Dhibaatooyinka sanadki hore ay dadkaasi Huteellada loo qabtay kala kulmeyn waxaa ka mid ah qolalka oo ay wasaqeeyeen, alaabada qolka taallay qayba ka mid ah oo ay xadeen iyo waxyeella ay u geeysteen alaabti qolalkaasi taallay.
"Huteelka oo qoysas iyo marti badan ay ciidda miilaadiga ee Chiristmas u imanayaan waxaan ka cabsanayaa ayey nagu tiri iney martida saameyn u geystaan."
"Afhayeenka Huteelka wuxuu intaasi ku daray in dadka guri la'aanta ah qolal in loo qabto ay shuruud ku xireen Kooxduna ay waafaqday".
Kooxda u doodda dadka guri la'anta ah waxay diiddeen eedda ay huteellada soo jeediyeen ee sheegeysa iney dadka sanadkii hore hoteellada la dajiyey ay dhibaata u geysteen qolalki la dajiyey.
Mid ka mid ah dadki guri la'aanta ahaa ee ciidda miilaadiga ee sanadkii hore qol looga qabtay Hotel Ibis ayaa wuxuu BBC u sheegay "Iney isaga u ahayd ciidda miilaadiga ee ugu qiimaha badneyd noolashiisa habeen keli ah inkasta oo ahayd haddana inaad hurdo raaxa leh aad seexato sanadka cusubna aad farxad ku soo dhaweyso wax loo dhigi karo iney jirin"
'Yaa yidhi arrin mucjiso ah ma dhaceyso?'
Mr Simpson ayaa shaaca ka qaaday Royal Hotel Hull inuu habeenka SabtidacFacebook ka sheegay inuu ka noqday qolalka dadki guri la'aanta ah loo qabtay.
Frriinta Facebook lagu baahiyey waxaa asxaabtooda la wadaagay dad ka badan 1,500 oo qof waxaana la helay dhaqaale gaaraya £9000.
War murtiyeed ay galabnimadi Isniinta ay Kooxdu soo saareen in hoteelka Doubletree Hilton uu 28 qof oo guri la'aan ah uu u diyaariey habeenka dabbaaldegga ciidda miilaadiga qolal ay seexdaan maadaamaa Huteellada Hull ballanti ay horay u qaaday uu ka noqday.
Waxayna intaa ku dareen "kooxdu iney heleen taageera dhaqaale oo aysan marnaba filaneyn, waxaanna yeelan doonnaa ayuu yiri afhayeenka kooxdu shir aan ku go'aamineyno dadka guri la'aanta ee aan dhaqaalahaas uga faa'ideyneyno"










