Sidee ku dhashaan, kuna xoogeystaan duufaannada xoogga leh sida tii ku dhufatay jasiiraddii Soomaalidu ku dhinteen

Burbur

Xigashada Sawirka, Getty Images

Inta badan qaaradda Afrika sida meelo kale oo caalamka, ma ahan dhul duufaanta lagu yaqaan. Dadka deggan Mayotte waxay sheegeen dhibaatada ay geystay duufaanta in ay aheyd tii ugu xumyed 90 sano ee ku dhacda Jasiiradda dalka Faransiiska ee badweynta Hindiya.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa markii ay musiibadu dhacday sheegay in Faransiisku uu "u istaagi doono" dadka reer Mayotte, halka saraakiisha Faransiiskuna ay sheegeen in 250 dab-damis ah iyo ciidamada ammaanka loo diri doono jasiiradahaas, iyadoo qaarkood ay mar hore gaareen.

Dabeyluhu marka ay xooggan yihiin ayaa lagu tilmaamaa in ay tahay duufaan. Sida ay sheegayaan khubarada cilmiga hawada, duufaanta marka ay gaarto 90 waa marka ay noqoto duufaan.

Eng. Maxamuud Maxamed Cali waa Khabiir cimilada iyo kheyraadka dabiiciga waxa uu marka hore noo sheegay in duufaanta sida ay ku bilaabato ay ku xiran tahay halka deegaanka ay ku dhufatay uu ku yaal.

"Duufaanta waa labo qeybood, mid waxay ka bilaabata badaha xoogagooda iyo mid kale oo ka bilaabta cimilada." ayuu yiri Eng. Maxamuud oo intaas ku daray "Kul iyo tamar oo isku dhaca ayaa suuragaliya kala bax keena duufaanta".

Duufaanta ku dhufatay jasiirada Mayotte waxaa loo yaqaan Chido. Duufaanta Chido waxay ka bilaabataa biyaha kulul ee koonfur bari badweynta Hindiya. Dabayshaas waxay ku socotaa xawaare gaaraya 61 kilomitir ama wax ka yar. Marka ay dhaafto 62 kilomitir waxay noqotaa duufaan. Mayotte waa jasiirad dhul ahaan u nugul duufaanada noocaas ah.

"Wadanka waa jasiirad, marka la qeexayo halka uu ku yaal dalka ayaa qeyb ka ah, dalka waa mid yar oo biyo ku dhexyaal, marka waxaa la oran karaa in boqolkiiba sagaashan uu dalka biyo wada noqon karo".

Sida aan u leenahay afar xilli, jasiirada Mayotte iyo kuwa ku yaal Madagascar waxay leeyihiin labo xilli oo kala ah kuleyl iyo mar kale oo roob da'ayo.

Duufaanta Chido ee ku dhufatay Mayotte waxay sidoo kale waxyeelo ka geysatay dalka Mozambique sida dhul taag ah oo soo dumay, daad, iyo dhismooyin waxyeelo soo gaartay. Waxaa kaloo la sheegay in ay jiraan dad ku dhintay.

Xawaaraha heerka afaraad ee duufaanta waxa uu ku socdaa 220 kilomitir saacadii. Waa duufaan xoog badan oo u dhiganta dabeylaha loo yaqaan Harikan oo ah nooca labaad ee ugu xoog badan duufaanta. Jaasiirada Mayotte waxaa ku dhufatay duufaan ceynkaas ah.

Seynisyahannada waxay ka digeen duufaannada soo noqnoqonaya in ay yihiin kuwo xoog badan, sababtuna ay tahay isbeddelka cimilada iyo biyaha badda oo sii kululaanaya.

Khubaradu waxay sheegeen in badweynta Hindiya si degdeg ah u sii kululaaneyso, mustaqbalka dhowna kuleylkeedu sidaas uu ka sii badanayo.

duufaan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Jasiirada Mayotte waa halkii dhawaan ay ku dhinteen Soomaali tahriibeysay

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dabayaaqadii bishii la soo dhaafay ugu yaraan 24 qof ayaa ku dhintay kadib markii labo doon oo ay la socdeen dad u badnaa Soomaali ay ku dageen xeebaha Madagascar, sida ay sheegeen maamulka deegaanka. Waxaana la sheegay in ay ku sii jeedeen Jasiiradda Mayotte ee ka tirsan dalka Faransiiska

Labada doony ee ku qaraqmay xeebaha Madagascar ayaa la sheegay in ay la socdeen dad gaaraya 70 qof.

Mayotte waxay 70km u jirtaa mid ka mid ah dalalka ugu saboolsan Afrika - waa jasiiradaha Comoros. Sidoo kale dadka ku nool waxay u badan yihiin Muslimiin, inkastoo Faransiisku yahay luqadda rasmiga ah, kaliya qiyaastii kala bar dadka ayaa akhrin kara ama qori kara luuqadda Faransiiska.

Waa jasiirad ay ku nool yihiin ilaa 300,000 oo qof taas oo qayb ka ah jasiiradaha Comoros ee ka baxsan xeebaha bari ee Afrika.

Faransiiska ayaa gumeysan jiray jasiirada ilaa iyo 1841-dii. Markii la gaaray qarnigii 20-aad waxa uu ku daray saddex jasiiradood oo waaweyn oo ka tirsan Comoros. Comoros waxay u codeysay in 1974-kii in ay xoroowdo balse Mayotte waxay go'aansatay in ay qeyb ka sii ahaato Faransiiska.

Jasiirada dhaqaale ahaan waxay ku tiirsan tahay gargaarka Faransiiska, waxaana ka jira saboolnimo, shaqo la'aan iyo xasilooni daro siyaasadeed. 75% dadkeedu waa sabool. Saddexdii qof mid ka mid ah ayaa dalka shaqo haysan.