TOOS, Trump oo cambaareeyey sida ay Iiraan u maareeneyso Marinka Hormuz.

Tan iyo markii la gaaray heshiiska xabbad-joojinta ee u dhexeeya Iiraan iyo Maraykanka, Iiraan si dhammeystiran uma aysan furin Marinka, iyada oo sabab uga dhigtay duqeymaha ay Israa'iil ka waddo Lubnaan

Kooban

Tebin toos ah

  1. Iran oo wali ku adkaysanaysa hal qodob

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Araghchi ayaa ku celiyay in Lubnaan lagu daro wadahadalka Iran iyo Mareykanka ee heshiiska xabad joojinta ah ee labada todobaad ah, isaga oo carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in Washington ay u hoggaansanto "ballanqaadkeeda".

    Sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay kanaalka Telegram-ka ee wasaaradda, waxa uu hadalkan ku sheegay mar uu taleefoon kula xiriiray ergayga Iran ee Lubnaan Mohammad Reze Raouf Sheibani.

    Hadalladan ayaa imaanaya iyadoo wafdi ka socda Iran lagu wado inay Sabtida la kulmaan wakiillo ka socda Mareykanka si ay wadahadal uga furmaan Islamabad - balse Tehraan weli ma aysan xaqiijin ka qayb-galkeeda maadaama ay farta ku fiiqday duqeymaha Israa'iil ee Lubnaan taasoo xadgudub ku ah qorshaheeda.

    Bayaan ka soo baxay Tehran iyo Washington ayaa soo jeediyay kala duwanaansho qoto dheer.

  2. Sababta kaliya ee iiraaniyiintu u nool yihiin waa in la wadahadlo, ayuu yiri Trump

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in sababta kaliya ee ay reer Iiraan u nool yihiin ay tahay in la wadahadlo.

    Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ee Truth, ayuu madaxweynuhu ku yiri: “Iraniyiintu uma muuqdaan inay garwaaqsan yihiin inaanay haysan wax kaar ah, marka laga reebo baadda mudada gaaban ah oo ay adduunka ka qaataan iyagoo isticmaalaya marinnada biyaha caalamiga ah.

    "Sababta kaliya ee ay maanta u nool yihiin waa in ay wadahadlaan!"

  3. Trump oo sheegay in maraakiibta Maraykanka la hubaynayo

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Maraykanka ayaa ku cabaynaya maraakiibtiisa dagaalka "hubka ugu wanaagsan" waa haddii ay fashilmaan wadahadalada nabada ee Iran, madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa soo jeediyay.

    Isagoo ka hadlayay wareysi taleefoon oo uu siiyay New York Post Jimcihii, wuxuu yiri "waxaan ku ogaan doonnaa 24 saacadood gudahood," sida uu sheegay wargeysku.

    "Waxaan ku raraneynaa maraakiibta hubka ugu wanagsan ee abid la sameeyo, xitaa heer ka sareeya inta aan isticmaalno si aan u sameyno burburin dhameystiran.

    "Oo haddii aan heshiis la gaarin, waan adeegsan doonnaa, waxaana u adeegsan doonnaa si wax ku ool ah," ayuu raaciyay.

    Iraaniyiinta, wuxuu sheegay inay yihiin dad "aadan garanayn inay runta sheegaan iyo in kale". Beri oo Sabti ah ayaa lagu wadaa in dalka Pakistan uu ka furmo wadahadal u dhaxeeya labada dal.

  4. Iran oo dalbatay shardi in la fuliyo wadahadalka ka hor

    Afhayeenka baarlamaanka Iran Mohammad-Bagher Ghalibaf ayaa sheegay in xabad joojin laga sameeyo Lubnaan iyo siideynta hantida Iran ee la xayiray ay tahay inay dhacdo "ka hor inta aan wada xaajoodku bilaabmin".

    Waxa uu sheegay in labada qodob ay ku heshiiyeen dhinacyadu, “walina aan la fulin”.

    Waxa ay ku soo aadeysaa xilli madaxweyne ku xigeenka Mareykanka JD Vance uu ku wajahan yahay Pakistan si uu u hogaamiyo wafdiga Mareykanka ee wadahadalka kula jira Iran.

    Tan iyo markii xabad joojinta ay bilaabatay horaantii isbuucan, waxaa jiray muran weyn oo ku saabsan in Lubnaan lagu daray iyo in kale.

  5. Xasan Sheekh: Balaayiin doolar ayay ku fadhiyaan maraakiibta shidaalka noo qodaya

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Munaasabad sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya lagu sagootinayay Markab Turkiga laga leeyahay oo shidaal qodis ka samayn doona xeebaha Soomaaliya ayuu madaxweyne Xasan Sheekh ka sheegay in muddo dheer ay Soomaaliya waysaneed si ay uga faa'iideysato kheyraadka saliidda ee Soomaaliya.

    Waxa uu uga mahad celiyay dowladda Turkiga maalgalinta 'balaayiinta' doolar gaaraysa ee galinayso kheyraadka badda gaar ahaan shidaalka.

    "Boqolaalka milyan ee qodista iyo sahminta ku baxday maalgashiga Turkigu kuma eka... halista ay qaateen ayaa maalgashaiga qayb wayn ka ah.

    Maraakiibtaan hada na agtaagan, markabka wayn ee Cagri Bay iyo markaaibta la socotaahi, boqolaal milyan ma ahane waa balaayiin doolar marka lacagtooda la isku daro." ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

    Imaatinka markabkan ayaa salka ku haya heshiis ay Soomaaliya iyo Turkigu wada galeen, kaasoo lagu soo saarayo shidaalka iyo gaaska xeebaha Soomaaliya.

  6. Hindiya oo ka hadashay weerarada Israa'iil iyo Lubnaan

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Hindiya ayaa walaac ka muujisay "tirada badan ee khasaaraha rayidka ah" ee ka dhashay weerarrada Israa'iil ee Lubnaan.

    Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Hindiya oo lagu magacaabo Randhir Jaiswal ayaa sheegay in xaaladda hadda taagan ay tahay mid walaac ku haysa Hindiya ayna tahay mid aad u dhib badan, gaar ahaan maadaama Hindiya ay ciidamo ku dartay ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee UNIFIL, ayna si toos ah u daneeyaan nabadda iyo xasilloonida Lubnaan.

    Afhayeenku waxa uu intaa ku daray in Hindiya ay si dhow ula socoto xaaladda ka socota Lubnaan, isla markaana ahmiyadda ugu weyn ee waddanku ay tahay badqabka muwaadiniinteeda halkaas ku sugan.

    Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sheegay in Hindiya ay rabto nabad iyo xasillooni ka dhalata Lubnaan ayna la xiriirto beesha caalamka ujeeddadaas.

  7. Warshada wayn oo shidaal sifayn oo ku taalay Sacuudiga oo albaabada la isugu dhuftay

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Shirkadda Shidaalka ee dalka Faransiiska ee Total ayaa maanta ku dhawaaqday in ay xirtay warshad weyn oo sifaysa shidaalka oo ku taalla dalka Sucuudiga, ka dib markii ay waxyeelo ka soo gaartay dagaalkii Iran.

    Wasaaradda Tamarta ee Sacuudiga ayaa shalay sheegtay in dhawaanahan “weerarro kala duwan” lagu qaaday xarumaheeda saliidda iyo gaaska, oo ay ku jirto shirkadda Satorp ee sifeynta shidaalka oo ay iska kaashanayaan shirkadda Total iyo Saudi Aramco oo ay dowladdu leedahay.

    Ma jiro wax faah faahin ah oo laga bixiyay saameynta weeraradan ay ku yeesheen wax soo saarka iyo nooca weerarka.

  8. Ninka labada maalin ee soo socda qabsan doona hadal haynta dunida ee matalaya Trump

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka JD Vance ayaa hadda bilaabay shaqadii ugu adkeyd ee uu qabto tan iyo markii uu xafiiska la wareegay isaga oo garab taagan madaxweyne Donald Trump.

    Vance ayaa noqon doona xudunta udub dhexaadka usbuucan asaga oo hogaaminaya waftiga maraykanka ee ka qayb galaya wada hadalada Maraykanka iyo Iran ee Islamabad.

    Wadahadallada ayaa yimid ka dib markii labada dhinac ay ku heshiiyeen xabbad joojin ku meel gaar ah oo laba toddobaad ah.

    Vance wuxuu wajahayaa ficil isku dheelitiran oo adag isagoo isku dayaya inuu xaqiijiyo dhamaadka xal waara oo ku aadan dagaalka kaas oo qancin doona Trump, Tehran, Israel iyo xulafada Mareykanka.

    Ma cadda xalku, in uu jiro, war ka farxin kara dhinac kasta oo qayb ka ah isku dhaca. Ama haddii ay jirto xal degdeg ah oo dib loogu furo marin-biyoodka Hormuz kaa oo horssedi kara in hoos loo dhigo qiimaha saliidda.

  9. Ma taqaanaa maraakiibta ilaa iyo haatan loo ogolaaday in ay maraan marinka Hormuz?

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Ku dhawaaqista xabbad joojinta dagaalka Mareykanka iyo Israa'iil ee Iran dabayaaqadii Talaadadii ayaa waxaa ka mid ahaa heshiis shuruud ahaa oo dhigaya in maraakiibta si xor ah uga gudbaan marin biyoodka Hormuz.

    Laakiin ficil ahaan taasi ma dhicin, waxayna Iran ku hanjabtay inay weerari doonto maraakab kasta oo mara marin biyoodka fasax la’aan mara.

    Haddaba maxaan ka ognahay maraakiibta aadka u yar ee goobta maraya tan iyo xabad joojinta?

    Sida laga soo xigtay bogga MarineTraffic, 18 markab ayaa hadda ka gudbay marinka ilaa Talaadadii markii lagu dhawaaqay xabad joojinta: Afar Arbacadii martay, 10 Khamiista martay iyo afar kale oo maanta oo Jimcihii ah martay.

    Maraakiibtaas, afar ka mid ah - oo uu ku jiro hal markab oo saliid ah - ayaa sitay calanka Iran. Saddex kamid ah ayaa horay Maraykanku ugu soo rogay cunaqabatayn dhanka ah qaadista saliidda Iran ah. Waxaa ka mid ah markab sitay calanka Ruushka oo uu Maraykanku cunaqabatayn saaray July 2025.

    Macluumaadka ku saabsan lahaanshaha markabka had iyo jeer si guud looma helo, laakiin kuwa aan awoodnay inaan helno, laba waxaa iska leh shirkado ka shaqeeya Hindiya, saddexna shirkado ku yaal Shiinaha, iyo saddex kalna shirkadoo Giriig ah.

  10. Madaxwayna ku xigeenka Mareykanka:Gacmo furan ayaan ku soo dhaweynaynaa iran haddii ay daacad tahay

    JD Vance

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, JD Vance

    Madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka JD Vance oo saarnaa diyaaradda Air Force Two ka hor wada-hadallada u dhexeeya wafdiyada Maraykanka iyo Iiraan ee ka dhacaya Pakistan ayaa ka hadlay rejada wdahadalada.

    “Waxaan rajaynaynaa wada-hadallada,” ayuu yiri ka hor inta uusan diyaaradda fuulin, isagoo intaas ku daray in Maraykanku diyaar u yahay inuu “gacan furan fidiyo” haddii Iiraaniyiintu si “daacad ah” u dhaqmaan. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay in haddii ay “isku dayaan inay na khiyaaneeyaan,” Maraykanku aanu diyaar u noqon doonin wada-shaqayn.

    Madaxweynaha Maraykanka ayaa siiyey tilmaamo hagaya wada-hadallada, ayuu sheegay.

    Wada-hadallada ayaa ka dhici doona Islamabad, Pakistan, waxaana la filayaa inay bilaabmaan Sabtida, sida ay hore u shaacisay afhayeenka Aqalka Cad Karoline Leavitt.

    JD Vance waxaa la socda ergayga gaarka ah Steve Witkoff iyo Jared Kushner, balse Islamabad ayaa weli sugaysa imaanshaha wafdiga Iiraan, sida uu weriyahayaga Pakistan ku sugan sheegay.

  11. Tiro yar oo maraakiib ah ayaa ka gudbaya marin biyoodka Hormuz

    Hurmuz waa marin mashquul badan

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Hurmuz waa marin mashquul badan

    Shan iyo toban markab ayaa maray Marinka Hormuz tan iyo markii la shaaciyey xabbad-joojinta laba toddobaad ah ee u dhexeysa Maraykanka, Israa’iil iyo Iiraan fiidnimadii Talaadada, sida ku cad xogta laga helay mareegta la socodka maraakiibta ee MarineTraffic.

    Celceliska maraakiibta maalin kasta mari jirtay marinka ka hor inta uusan dagaalku bilaaban wuxuu ahaa 140 markab.

    Maraakiibta dhowaan maray waxaa ka mid ahaa afar kuwa qaada shidaal, gaas ama kiimikooyin, halka inta kale ay ahaayeen maraakiib xamuul oo noocyo kala duwan ah.

    Inkastoo heshiiska xabbad-joojintu uu dammaanad qaaday “marin ammaan ah” oo loo maro mid ka mid ah marinnada badda ee ugu muhiimsan adduunka, Iiraan ayaa uga digtay maraakiibta ku sugan aagga in la beegsan doono lana burburin doono haddii ay isku dayaan inay maraan iyaga oo aan fasax haysan.

    Xiritaanka aan tooska ahayn ee Iiraan ku samaysay marinka kadib bilowgii dagaalka shan toddobaad ka hor ayaa sababay in ku dhowaad 800 markab ay ku xayirmaan Gacanka, badankoodna ay wadaan xamuul, sida ay sheegeen falanqeeyayaasha maraakiibta ee Lloyd’s List.

  12. Iran: Duqaymaha Israa'iil ee Lubnaan waa 'xadgudub aad u weyn' -

    Iiraan ayaa si cad u sheegtay inay aaminsan tahay in Lubnaan ay ku jirtay heshiiska xabbad-joojinta ee labada toddobaad ee lala galay Maraykanka — arrin oo ay Washington iyo Israa’iil dood ka qabaan.

    Khamiistii, wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Iiraan, Saeed Khatibzadeh, ayaa u sheegay BBC in weerarrada sii socda ee Israa’iil ku hayso Lubnaan ay yihiin “jebin culus” oo heshiiska ah.

    Ugu yaraan 303 qof ayaa lagu dilay Arbacadii duqeymo cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday waxa Israa’iil ku sheegtay xarumaha taliska iyo goobaha milatari ee Xisbullah, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan.

    Khatibzadeh ayaa u sheegay barnaamijka Today ee Radio 4 in Maraykanku uu dooran karo “dagaal ama xabbad-joojin”, isla markaana uusan “isku mar wada heli karin laba arrimood oo iska soo horjeeda.”

  13. Islamabad oo sugaysa inay yimaadaan wufuud Maraykan iyo Iran

    Islamabad, tammaanka ayaa si wayn loo adkeeyay

    Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock

    Qoraalka sawirka, Islamabad, tammaanka ayaa si wayn loo adkeeyay

    Diyaargarowga wada-xaajoodyada u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan ayaa weli socda inkasta oo ay jiraan eedeymo sheegaya in labada dhinac ay jebiyeen shuruudihii xabbad-joojinta ee lagu heshiiyey Talaadadii.

    Pakistan oo martigalinaysa wadahadalada, ayaa sheegtay in wada-hadalladu ay dhici doonaan Sabtida, balse waxay ka digtay in farqiga u dhexeeya mowqifyada labada dhinac ay yihiin kuwa aad u kala fog.

    Iiraan waxay ku adkeysanaysaa in heshiiska xabbad-joojinta ay qeyb ka tahay Lubnaan, sida lagu sheegay markii hore ee la shaacinayay heshiiska.

    Waxay sidoo kale diidan tahay inay si buuxda u furto Marinka Hormuz, taas oo ka careysiisay Madaxweyne Trump.

    Qodobada ugu muhiimsan ee ay tahay Labada dhinac inay tanaasul ka sameeyaan ayaa waxaa ka mid ah kobcinta nukliyeerka, qaadista cunaqabateynta, magdhowga dagaalka, iyo taageerada Iiraan ee u fidiso kooxaha gobolka.

  14. Ismaaciil Cumar Gelle oo codkiisa ka dhiibtay doorashada Jabuuti

    Waxaa maanta loo dareeray doorashada madaxxtinimo ee dalka Jabuuti.

    Madaxweyna xilka haya, Ismaaciil Cumar Geelle, uu doonayo inuu markii lixaad tartamo.

    In ka badan 250,000 oo qof ayaa isu diiwaangeliyey inay u codeeyaan doorashada , iyadoo tirada guud ee dadka ku nool dadka lagu qiyaasayyo hal milyan.

    Waxaa kale oo kula tartamaya murashaxa xisbiga CDU Maxamed Faarax Samatar.

    Sawirada hoose ka eeg musharixiinta oo codkooda dhiibanaya.

    .
    .
    .
    .
    .
    .
  15. Muxuu yahay qoraalka Israa’iil ku saabsanaa ee ay Pakistan ka saartay barteeda X

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Wasiirka Difaaca Pakistan, Khawaja Muhammad Asif, ayaa tirtiray ama saartay qoraal uu Khamiistii ku daabacay akoonkiisa X ee horey loo oran jiray Twitter, kaas oo uu ku tilmaamay Israa'iil inay "shar iyo habaar ku tahay aadanaha," isagoo ku tilmaamay "dowlad kansar ah" oo geysata waxa uu ugu yeeray "xasuuq ka dhaca Lubnaan" isla markaana "dad aan waxba galabsan" ku dishay Gaza iyo Iiraan, sida uu kuyiri qoraalka.

    Qoraalkan ayaa waxaa si weyn u cambaareeyey Israa'iil.

    Xafiiska Raysal Wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu, ayaa qoraalkaas ku tilmaamay mid burburinaya Israa'iil, isagoo ku tilmaamay "kicin."

    Xafiiska ayaa yiri in "hadal noocaas ah aan loogu dulqaadan karin dowlad kasta, gaar ahaan mid sheeganaysa inay dhexdhexaad ka tahay raadinta nabadda".

    Dadka Israa'iil waxay aaminsan yihiin in waxa lagu sheegay jagada wasiirka Bakistaan ​​ay shaki gelinayso awoodda uu waddankiisu u leeyahay inuu dhexdhexaadiyo Mareykanka iyo Iiraan.

    Sidoo kale akhri:

  16. Jaajuuskii Mareykanka ahaa ee bixiyay sirta nuclear-ka ka dibna baxsaday

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    29-kii bishii Agoosto ee sanadkii 1949-kii, Ruushka wuxuu noqday "waddankii labaad ee heysta hubka nuclear-ka", xilligaas oo uu midowgii soviet qarxiyay bambadii ugu horreysay uu ku tijaabinayay hubkiisa nuclear-ka.

    Tijaabadaas ayaa lama filaan ku noqotay waddamada reer galbeedka - sida ku xusan xog ay hayaan CIA-da Mareykanka.

    Sababtoo ah, Khubarada Mareykanka waxay markaas u maleynayeen in Ruushka uusan awood u yeelan karin soo saarista nuclear-ka ilaa laga gaaro sanadka 1953-kii.

    Balse arrinta la yaabka leh waxay ahayd in seynisyahan u dhashay Mareykanka, oo lagu magacaabi jiray Theodore Hall, uu ahaa qofkii xukuumadda Moscow ka caawiyay inay nuclear u sameysato si fudud, isagoo u gudbiyay macluumaad xasaasi ah.

    Waa run in Theodore Hall uusan ahayn muwaadinka kaliya ee Mareykanka ee cadowga siiyay sirta hubka nuclear-ka, laakiin waxa sheekadiisa khaaska ka dhigaya waa in uu noqday qofka kaliya ee sidaas sameeyay haddana baxsaday.

    Marka waxaan eegeynaa sida uu seynisyahanka ku dhashay magaalada New York ku noqday Jaajuuska.

  17. Iiraan oo war ka soo saartay maraakiibta Mareykanka ee maraya marinka Hormuz

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Saeed Khatibzadeh, wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Iiraan, ayaa sheegay in maraakiibta Mareykanka ay mari karaan marin biyoodka Hormuz "ilaa iyo inta aysan si cadowtinimo ah u dhaqmin"

    Khatibzadeh ayaa warbaahinta Iiraan u sheegay in "Marinka Hormuz uu furan yahay, laakiin maraakiibtu waa inay la shaqeeyaan ciidamada Iiraan sababo la xiriira xaddidaad farsam oo jirta.

    Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa yiri: "Waxaan hubin doonnaa inay si ammaan ah u maraan maraakiibta"

    Si ka duwan hadallada saraakiisha Iiraan, wararka ka imanaya Gacanka Hormuz ayaa tilmaamaya in maraakiib yar ay soo mareen tan iyo heshiiskii xabad joojinta ee labada toddobaad socday ee u dhexeeyay Iiraan iyo Mareykanka.

    Xalay, madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa ku qoray bartiisa Truth Social: "Iiraan waxay qabanaysaa shaqo aad u liidata” Tani ma aha waxa aan ku heshiinay !"

    • Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku eedeeyay Iiraan inay "shaqo aad u liidata qabanayso" iyadoo u oggolaanaysa shidaalku inuu maro marin biyoodka Hormuz, isagoo qoray: “taasi ma aha heshiiskii aan gaarnay"
    • Trump waxaa kale oo uu yiri: "Waxaa jira warar sheegaya in Iiraan ay lacago ka qaadayso maraakiibta mara marin biyoodka Hormuz", wuxuuna ka digay in tani ay "haatan ka wanaagsan tahay in la joojiyo"

    Sidoo kae akhri:

  18. Asalka iyo awoodda millitari ee Xisbullah

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Ilaalada Kacaanka Iran ayaa aas aasay Ururka Xisbullah sanadkii 1982-kii, si ay u dhoofiyaan Kacaankeeda Islaamiga ah ayna ula dagaallamaan ciidamada Israa’iill ee duullaanka ku soo qaaday Lubnaan.

    Xisbullah waxa ay hubkeeda keydsatay dhamaadkii dagaalka sokeeye si ay ula dagaallanto ciidamada Israa’iil ee qabsaday koonfurta Shiicada. Sanado dagaal ah kadib Israa’iil waxa ay baxday 2000.

    Xisbullah ayaa sanadkii 2006-dii soo bandhigtay horumarkeeda ciidan, xilli uu socday dagaal shan toddobaad socday oo ay kula jirtay Israa’iil, kaasoo qarxay kadib markii ay u tallaabeen xadka dhulka ay Israa’iil heystay, oo ay ka qafaasheen laba askari, qaar kalena ku dileen. Dagaalkan ayaa waxa ku dhintay 1,200 oo qof oo u badan rayid kuna sugnaa gudaha Lubnaan iyo 158 Israa’iiliyiin ah oo u badnaa askar. Xizbullah ayaa kumannaan gantaallo ah ku riday Israa'iil.

    Awooddeeda millatari ayaa kor kacday kadib markii 2012-kii ay Suuriya u dirtay ciidamo si ay uga caawiso madaxweyne Bashar al-Assad la dagaallanka inta badan fallaagada Sunniga ah.

    Xisbullah waxa ay ku faantaa gantaallada saxda ah oo ay sheegtay in ay ku garaaci karto dhammaan qaybaha Israel. Sanadkii 2021-kii, hoggaamiyaha Xisbullah Sayyed Hassan Nasrallah ayaa sheegay in kooxdu ay leedahay 100,000 oo dagaalyahanno ah.

    Iran waxay siisaa Xisbullah hub iyo lacag. Maraykanku waxa uu ku qiyaasay in Iran ay u qoondaysay boqollaal milyan oo doollar sanad kasta, waliba sannadihii u dambeeyay.

    Dhaqdhaqaaqa gobolka

    Xizbullah waxa ay xiriir qoto dheer la leedahay kooxaha kale ee ay Iran taageerto ee ku nool gobolka, oo ay ku jiraan kooxaha Falastiiniyiinta ee Xamaas iyo Islaamiyiinta Jihaad doonka ah. Markii uu dhacay weerarkii Sabtidii, Xisbullah waxay sheegtay inay "xiriir toos ah la leedahay hoggaanka iska caabinta ee Falastiiniyiinta".

    Ururka Xisbullah ayaa Ciraaq ku tababaray kooxo ay taageerto Iran, waxaana ay ka qeyb qaataan dagaallada.

    Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in Xisbullah ay sidoo kale ka dagaallameen garabka taageerada Xuutiyiinta Yemen ee xulafada la’ah Iran. Xizbullah waa ay beenisay arintaas.

  19. Xisbullah oo sheegtay inay weerartay askar Israa’iiliyiin ah

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Kooxda Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa sheegay in ciidamadeedu ay weerar ku qaadeen ciidan Israa'iil ah oo ku sugnaa koonfurta Lubnaan subaxnimadii Jimcaha maanta ah.

    Kooxda ayaa sheegtay inay "tiro gantaallo ah" ku weerartay ciidamada Israa'iil iyagoo ku sugnaa meel u dhow magaalada Al-Khimah, ee Nabatieh, abbaare 05:50 wakhtiga geeska Afrika.

    Israa'iil weli kama hadlin arrintan.

    Xabad joojin ayaan weli lagu heshiin inay ka dhaqan gasho Lubnaan, halkaas oo militariga Israa'iil ay weli ku howlan yihiin qabsashada qayb weyn oo ka mid ah koonfurta, mas'uuliyiinta maxalliga ahna waxay sheegayaan in in ka badan 300 oo qof ay ku dhinteen in ka badan 1,000 kalena ay ku dhaawacmeen duqeymo xooggan oo Arbacadii dhacay - duqeymo cusub oo dhex maray Israa'iil iyo Hezbollah ayaa xalay sidoo kale dhacay.

    Raysal wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu, ayaa shalay sheegay "in aysan jirin wax xabad joojin ah oo ka jirta Lubnaan", saacado ka dib markii uu sheegay in dowladdiisu ay wadahadallo toos ah la bilaabi doonto dowladda Lubnaan.

    Sidoo kae akhri:

  20. "Waan qalbi jabay, mana ku fakarin inaan helayo gabar iyada la mid ah"

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Justin McLeod, wuxuu ka mid yahay hoggaamiyeyaasha ganacsiga caalamka, wuxuu la hadlay Barnaamijka The Boss ee BBC-da ka baxa. Justin waa aasaasaha iyo madaxa fulinta App-ka haasaawaha ee Hinge.

    Markii uu ka soo kabsanayay isticmaalka maandooriyaha, Justin McLeod wuxuu aasaasay dejiyay barnaamijkiisii haasaawaha, waxay ahayd inuu noloshiisa ka caawiyo sidii uu uga adnaan lahaa niyad jabka.

    Shan sano kahor, macalinkiisii koleejka, oo ah haweeneydii uu u maleeyay in ay tahay jacaylka noloshiisa, waxay kaga tagtay dhibaato la xiriirta isticmaalka daroogada iyo khamriga.

    Wuxuu markii dambe u tegay gabadhii si uu dib ugu soo nooleeyo xiriirkooda. Wuxuu xilligaas ku guuleystay inuu gebi ahaanba iska daayo isticmaalka daroogada, balse wuxuu awoodi waayay inuu u sii noolaado si jacayl uu ku dheehan yahay.

    Muusan dooneyn inuu baararka aado, sababo la xiriirta balwadda khamriga ee uu qabatimay, wuxuu shaqo ka bilaabay Hinge sannadkii 2011-kii, isago ka raadsanaya jaceyl wanaagsan iyo lammaane cusub. Markaas wuxuu ahaa 27 sano jir, Wuxuuna Ganacsiga ka baranayay Jaamacadda Harvard, qeybta magaalada Boston.

    "Waan qalbi jabsanaa, waligeyna kuma fikirin in an heli doono qof iyada la mid ah," ayuu yiri. Laakiin, wuxuu mooday, inuu app-ka uu u yahay fursadda ugu fiican.