Maxaad ka taqaan kooxda ka awoodda badan Xamaas ee reer Israa'iil baqdinta ka muujiyeen?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa sheegay in ay beegsadeen fariisimo ay ciidamada Israa’iil ku lahaayeen beeraleyda lagu muransan yahay ee Shebaa, iyagoo sheegay in ay si wadajir ah u garab taaganyihiin shacabka Falastiin kadib weerarkii aan hore loo arag oo Xamaas ay ku qaadeen Israa’iil.
Xilligaasi Israa'iil ayaa ku jawaabtay madaafiic ay ku garaacday koonfurta Lubnaan. Lama sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay.
Iyada oo ay taageerto Iran, kooxda shiicada ah ayaa ka soo dhex baxday koox la aasaasay intii lagu jiray dagaalkii sokeeye ee Lubnaan ee 1975-kii illaa 1990-kii, waxayna noqdeen ciidan aad u hubaysan oo awood weyn ku leh dowladda Lubnaan. Dowlado uu Maraykanku kamid yahay ayaa waxay u arkaan urur argagixiso.
Qoraal uu daabacay waregeys Israa'iili ah ayaa xaalad walaac leh ku tilmaamay xiisadda sii siyaasedysa ee uruka Xizbullah iyo Israa'iil oo dagaalo laxaad leh ay horay u dhexmareen.
Asalka kooxda
Ilaalada Kacaanka Iran ayaa aas aasay Ururka Xisbullah sanadkii 1982-kii, si ay u dhoofiyaan Kacaankeeda Islaamiga ah ayna ula dagaallamaan ciidamada Israa’iill ee duullaanka ku soo qaaday Lubnaan.
Awoodda millitari
Xisbullah waxa ay hubkeeda keydsatay dhamaadkii dagaalka sokeeye si ay ula dagaallanto ciidamada Israa’iil ee qabsaday koonfurta Shiicada. Sanado dagaal ah kadib Israa’iil waxa ay baxday 2000.
Xisbullah ayaa sanadkii 2006-dii soo bandhigtay horumarkeeda ciidan, xilli uu socday dagaal shan toddobaad socday oo ay kula jirtay Israa’iil, kaasoo qarxay kadib markii ay u tallaabeen xadka dhulka ay Israa’iil heystay, oo ay ka qafaasheen laba askari, qaar kalena ku dileen. Dagaalkan ayaa waxa ku dhintay 1,200 oo qof oo u badan rayid kuna sugnaa gudaha Lubnaan iyo 158 Israa’iiliyiin ah oo u badnaa askar. Xizbullah ayaa kumannaan gantaallo ah ku riday Israa'iil.
Awooddeeda millatari ayaa kor kacday kadib markii 2012-kii ay Suuriya u dirtay ciidamo si ay uga caawiso madaxweyne Bashar al-Assad la dagaallanka inta badan fallaagada Sunniga ah.

Xigashada Sawirka, EPA
Xisbullah waxa ay ku faantaa gantaallada saxda ah oo ay sheegtay in ay ku garaaci karto dhammaan qaybaha Israel. Sanadkii 2021-kii, hoggaamiyaha Xisbullah Sayyed Hassan Nasrallah ayaa sheegay in kooxdu ay leedahay 100,000 oo dagaalyahanno ah.
Iran waxay siisaa Xisbullah hub iyo lacag. Maraykanku waxa uu ku qiyaasay in Iran ay u qoondaysay boqollaal milyan oo doollar sanad kasta, waliba sannadihii u dambeeyay.
Dhaqdhaqaaqa gobolka
Xizbullah waxa ay xiriir qoto dheer la leedahay kooxaha kale ee ay Iran taageerto ee ku nool gobolka, oo ay ku jiraan kooxaha Falastiiniyiinta ee Xamaas iyo Islaamiyiinta Jihaad doonka ah. Markii uu dhacay weerarkii Sabtidii, Xisbullah waxay sheegtay inay "xiriir toos ah la leedahay hoggaanka iska caabinta ee Falastiiniyiinta".
Ururka Xisbullah ayaa Ciraaq ku tababaray kooxo ay taageerto Iran, waxaana ay ka qeyb qaataan dagaallada.
Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in Xisbullah ay sidoo kale ka dagaallameen garabka taageerada Xuutiyiinta Yemen ee xulafada la’ah Iran. Xizbullah waa ay beenisay arintaas.
Doorkooda gudaha Lubaan

Xigashada Sawirka, Reuters
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Doorka Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa waxaa saldhig u ah hubkeeda iyo taageerada Shiicada ee badan oo ay sheegeen in kooxdaasi ay Lubnaan ka difaacdo Israa’iil.
Dhinacyada Lubnaan ee kasoo horjeeda Xisbullah ayaa sheegay in kooxdu ay wiiqday dowladnimada, waxayna ku eedeeyeen inay keligeed Lubnaan u horseedeyso colaado.
Kooxdan ayaa wasiirro ku leh xukuumadda iyo sidoo kale xildhibaanno baarlamaanka ku jira.
Sannadkii 2008-dii, loollan dhanka awoodda ah oo ay la galeen dhinaca kale ee Lubnaan oo ay taageerayaan reer galbeedka iyo Sucuudiga ayaa waxaa ka dhashay khilaaf kooban. Dagaalyahannada Xisbullah ayaa la wareegay qeybo ka mid ah magaalada caasimadda ah ee Beirut kadib markii dowladda ay wacad ku martay inay qaadi doonto tillaabo ka dhan ah shabakada isgaarsiinta ee kooxda.
Xisbullah waxa ay si weyn u soo gashay siyaasadda sannadkii 2005-tii kadib markii xulafada Suuriya ay ka baxday Lubnaan kadib markii la dilay ra'iisul wasaarihii hore Rafik al-Hariri, oo astaan u ahaa saamaynta Sucuudiga ee Lubnaan.

Xigashada Sawirka, X/Twitter
Maxkamad ay Qaramada Midoobay taageerto ayaa markii dambe xukun dil ah ku ridday saddex xubnood oo ka tirsan ururka Xisbullah oo maqnaa. Xizbullah waa ay diidday wax door ah, iyada oo ku sifaysay maxkamadda in ay tahay aalad taagerta cadawgeeda.
Sannadkii 2016-kii, waxaa madaxweyne noqday Michel Aoun oo ahaa siyaasigii Masiixiga ahaa ee xulafada la ahaa Xisbullah. Laba sano kadib, Xisbullah iyo xulafadeeda waxay ku guuleysteen aqlabiyadda baarlamaanka. Inta badan aqlabiyaddan waxay luntay 2022-kii, laakiin kooxdu waxay sii wadeen dhaq dhaqaadeeda.
Waxay gashay olole ka dhan ah garsoorihii baarayay qaraxii dekedda Beirut 2020-kii kadib markii uu damcay inuu su'aalo weydiiyo xulafadeeda. Ismariwaaga ayaa sababay isku dhacyo lagu hoobtay oo ka dhacay Beirut 2021-kii.
Waxaa lagu eedeeyay weerarrada galbeedka
Kooxo ay saraakiisha amaanka ee Lubnaan iyo sirdoonka reer galbeedka ay sheegeen in ay xiriir la leeyihiin ururka Xisbullah ayaa bilaabay weerarro ismiidaamin ah oo lagu qaaday safaaradaha iyo bartilmaameedyada reer galbeedka iyagoo afduubtay dad reer galbeed ah sanadihii sideetameeyadii.
Maraykanka ayaa ururka Xisbullah u haysta mas’uuliyadda weerar ismiidaamin ah oo lagu burburiyay xaruntii ciidamada badda ee Maraykanka ee Beirut 1983-dii, laguna dilay 241 askari iyo weerar ismiidaamin ah oo isla sannadkaas lagu qaaday safaaradda Maraykanka.
Weerar ismiidaamin ah ayaa sidoo kale lagu qaaday xero Faransiisku ay leeyihiin oo ku taal Beirut sanadkii 1983-kii, halkaas oo ay ku dhinteen 58 askari oo Faransiis ah.
Isagoo tixraacaya weerarradaas iyo afduubka, hoggaamiyaha Xisbullah Nasrallah wuxuu ku sheegay wareysi uu bixiyay 2022-kii inay fuliyeen kooxo yaryar oo aan xiriir la lahayn Xisbullah.













