TOOS, Trump waxa uu siiyay Tehran dhowr maalmood oo kama dambays ah, halka ciidanka Iran ay ku hanjabeen inay furi doonaan jihooyin dagaal oo cusub

Trump ayaa weli ugu goodinaya Iiraan weerar halka Tehran ay dhankeeda ku hanjabtay inay furi doonaan jihooyin dagaal oo cusub

Kooban

Tebin toos ah

  1. Amiin Cabdullaahi halyeygii lagu dilay weerarkii masjidka San Diego

    Amin Abdullah Aabe dhalay 8 Carruur ah

    Xigashada Sawirka, Islamic Center of San Diego

    Qoraalka sawirka, Amin Abdullah Aabe dhalay 8 Carruur ah

    Geesinimada askari ilaalo ah oo la toogtay isaga iyo laba qof oo kale oo masaajid ku yaala San Diego ayaa ka hortagay in qasaaraha weerarku uu ka sii xumaado inta uu hadda yahay, sida ay booliisku sheegeen.

    Ninkaan ayaa ahaa Amin Abdullah, oo ah aabbe siddeed carruur ah dhalay, afhayeenka golaha xiriirka Maraykanka iyo Islaamka-San Diego (Cair-SD), Tazheen Nizam, ayaa u sheegtay BBC.

    "Waa cadaalad in la yiraahdo ficilladiisu waxay ahaayeen geesinimo," ayuu taliyaha booliiska San Diego Scott Wahl ku sheegay shir jaraa'id. "Shaki la'aan, wuxuu badbaadiyey nolosha dad badan maanta."

    Abdullah iyo laba qof oo kale - oo Cair-SD ay magacyadooda ku kala sheegeen Mansour Kaziha iyo Nader Awad - ayaa waxaa dilay laba dhalinyaro ah oo weerarka soo qaaday oo aan weli la aqoonsan, ka dibna naftooda dilay, sida ay booliisku sheegeen.

    WARBIXINO KALE

  2. War deg deg ah, Milatariga Iran oo ku hanjabay inay furi doonaan jihooyin dagaal oo cusub

    Ciidamada ilaalada kacaan Iiraan

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Ciidamada ilaalada kacaan Iiraan

    Iyaga oo ka jawaabaya hadallada Trump, militariga Iran ayaa Talaadadii ku hanjabay inay furi doonaan “jihooyin cusub” oo dagaal haddii Maraykanku dib u bilaabo weerarrada uu ku hayo Jamhuuriyadda Islaamiga ah.

    Wakaaladda Wararka (ISNA) ayaa soo xigatay afhayeenka ciidanka, Mohammad Akrami Nia, isagoo yiri: “Haddii cadowgu si aan ka fiirsasho lahayn mar kale ugu dhaco dabinka Sahyuuniyadda oo uu bilaabo gardarro cusub oo ka dhan ah dalkeenna qaaliga ah, waxaan ka furi doonnaa jihooyin cusub, waxaana adeegsan doonnaa qalab iyo xeelado cusub.”

    Akrami Nia wuxuu carrabka ku adkeeyay in “ciidanka Iran ay muddada xabbad-joojinta ula dhaqmayaan sidii marxalad dagaal, isla markaana ay ka faa’iideysteen fursaddan si ay u xoojiyaan awooddooda dagaal.”

    Dhankiisa, wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Iran, Kazem Gharibabadi, ayaa dhaleeceeyay hadallada Trump qoraal uu Talaadadii ku daabacay barta X, isagoo sheegay in Trump “uu hanjabaadda u soo bandhigayo sidii fursad nabadeed.”

    WARBIXINO KALE

  3. War deg deg ah, Trump oo maalmo yar mar kale u qabtay Iiraan inay heshiis ku gaarto

    Donald Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Donald Trump

    Trump ayaa carrabka ku adkeeyay in hoggaamiyeyaasha Iran ay “si baryo ah u doonayaan heshiis,” balse waxaa uu sheegay in weerar cusub oo Maraykanku qaado uu dhici karo maalmaha soo socda haddii aan heshiis la gaarin.

    Madaxweynaha Maraykanka ayaa yiri: “Waxaan ka hadlayaa laba ama saddex maalmood, laga yaabee Jimce ama Sabti ama Axad, wax la mid ah taas, ama bilowga toddobaadka dambe, muddo kooban gudaheed, sababtoo ah ma oggolaan karno inay yeeshaan hub nukliyeer.”

    Trump wuxuu sidoo kale xaqiijiyay in Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping uu intii lagu jiray kulankoodii laba geesoodka ahaa ee toddobaadkii hore ballan qaaday in Beijing aysan Iran u diri doonin hub ama qalab militari.

    WARBIXINO KALE

  4. Arsenal oo 22 sano kadib u dabaal degtay qaaditaanka horyaalka Premier Leage

    Ciyaaryahanada Arsenal

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Ciyaaryahanada Arsenal

    Kadib markii kooxda Bournemouth oo ku martigalinaysay gurigeeda kooxda Macnhester City ay isku barbar dhaceen kooxda city, waxaa ay taasi dhalisay in Arsenal oo aan caawa ciyaarayn ayba u dabaal degto horyaalka Premier League.

    Ciyaarta caawa guuldaro ama barbardhac ay gasho City ayaa guul u ahayd Arsenal, maadaama hal ciyaar oo u harsan ay haysato 82 dhibcood, halka City barbardhaca uu ku khasbay inay 78 dhibcood ku wareejiso dhammaadka horyaalka.

    Kooxdii Arsenal ee 2003-04 u qaaday horyaalka Premier League ayaa ahayd wakhtigii ugu dambeeyay ee kooxdu ay qaado horyaalkaasi, iyada oo 22 sano ay ku qaadatay inay dib u qaado horyaalka ugu caansan Ingiriiska.

    WARBIXINO KALE