Masar iyo dalalka Muslimiinta ah ee ku kala aragti duwan weerarka Israa'iil

Israa'iil

Xigashada Sawirka, Getty Images

In ka badan 500 oo u dhashay Isreal ayaa lagu soo warramayaa in la dilay iyadoo weli dagaalka uu Gaza ka sii socdo.

Shalay markii ay Xamaas weeratay Isreal reer Falastiin way dabaaldegeen iyagoo sheegay in ay ka aarsanayaan Isreal. Balse dhinaca kale dadku waxay ka welwelsan yihiin in dagaalka uu sii dheeraanayo.

Dagaalka ay qaadeen Xamaas shalay wuxuu ahaa kii ugu weynaa ay sanado ku qaadaan Isreal. Dalal badan ayaa ka hadlay. Dalal u badan reer galbeedka way cambaareeyeen iyagoo garab istaagay Isreal. Balse waxaa jira kuwa kale oo dagaalka ka fiiriyay dhinac kale.

Dalal ay ka mid yihiin Masar iyo Sucuudiga waxay jeediyeen baaq nabadeed balse dalka Qatar ayaa sheegay in Isreal oo kaliya ay qaadeyso mas’uuliyadda dagaalka, waxayna labada dhinac ugu baaqeen in ay is xakameeyaan.

Indonesia oo ah dalka ugu Muslimiinta badan adduunka oo dagaalka hadashay waxay sheegtay in ay aad uga walaacsan tahay dagaalka u dhexeeyay Falastiin iyo Isreal.

Israa'iil

Xigashada Sawirka, EPA

“Indonesia waxay dalbaneysaa in degdeg dagaalka loo joojiyo si aysan dad kale u geeriyoon. Asalka dhibaatada oo ah dhulka ay Isreal ka haysato Falastiin waa in xal loo helaa iyadoo la raacayo shuruucda caalamiga”.

Dhinaca kale, sida ay sheegtay Reuters hoggaamiyaha sare ee Iran, Ali Khamenei, ayaa sabtigii ugu hambaleeyay dagaalyahannada Falastiin. “Waan garab taagannahay dagaalyahannada Falastiin ilaa inta la xoreynayo Falastiin iyo Jerusalem.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Iran, Nasser Kanaani, ayaa laga soo xigtay in uu yiri: “dagaalkan waxaa loo adeegsaday waxyaabo la yaab leh iyo waxyaabo kale taas oo muujineysa kalsoonida dadka Falastiin marka la fiiriyo kuwa dhulkooda haysto”.

Dalalka kale ee ku kala aragti duwan

Yuweri

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Yoweri Museveni, madaxweynaha Uganda
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Ururka Midowga Afrika waxa uu ka mid yahay ururada ka hadlay. Guddoomiyahooda Moussa Faki Mahamat wuxuu yiri: “In aan la siin xuquuqda aasaasiga dadka reer Falastiin, gaar ahaan xoriyadooda iyo dal madaxbannaan ayaa ah sababta ugu weyn in ay joogto u dagaallamaan Isreal iyo Falastiin”.

Guddoomiyaha wuxuu sidoo kale ku baaqay in labada dhinac ay joojiyaan dagaalka ayn si shuruud la’aan ah ugu soo laabtaan miiska wadahadalka.

Kenya ayaa ka mid aheyd dalalka Afrika ee ka hadlay dagaalka. Si ka duwan midowga Afrika waxay sheegtay in ay garab taagan tahay Isreal iyadoo sheegtay in si aan leexleexad laheyn u cambaareyneyso "argagixisada" iyo weerarka lagu qaaday rayidka aan waxba galabsan ee dalkooda jooga.

Dalalka Afrika ee ka hadlay dagaalka waxaa ka mid ah Uganda. Madaxweyne Yoweri Museveni waxa uu yiri: “Waa nasiibdarro in Isreal iyo Falastiin dagaallamaan. Maxay labada dhinac u sameyn waayeen xal laba dal ah? Waa khalad in la beegsado shacab aan dagaalka ku lug laheyn”.

Israa'iil

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dowladda Nigeria waxay ka dalbatay labada dhinac inay dagaalka joojiyaan. Qoraal uu soo saaray wasiirka arrimaha dibadda, Yusuf Tuggar, wuxuu ku sheegay in Nigeria ay aad uga welwelsan tahay dagaalka.

“Nigeria waxay dooneysaa in la helo nabad si shacabka u badbaadaan loona helo hab gargaarka loo mariyo”, ayuu yiri wasiirka.

Ergagya Qaramada Midoobay ee nabadda Bariga Dhexe Tor Wennesland wuxu yiri: “Meel khatar ah ayey gaartay, waxaan ku baaqayaa in qarkaas laga soo noqdo”.

Shiinaha oo ka hadlay dagaalka waxa uu ku baaqay nabad iyo in degdeg dagaalka loo joojiyo si ay shacabka u nabadgalaan loogana fogaado in xaaladda ay sii xumaato.

“Sida ugu haboon ee looga gudbi karo dagaalka waa la hirgeliyo xal laba dal ah, lana dhiso dal madaxbannaan oo Falastiin ah,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda.