Sidee ayuu heerkan kusoo gaaray dagaalka Israa’iil iyo Xamaas?

Xigashada Sawirka, Reuters
Sanado badan ayuu dagaal u dhaxeeyay Dhaqdhaqaaqa Iskacaabbinta Islaamiga ah ee Xamaas iyo Israa’iil. Sidee ayuuse dagaalkan usii weynaaday, sidee ayuuna heerkan kusoo gaaray?
Kacdoonkii ugu horreeyay ee Falastiiniyiinta ayaa aad usoo batay sanadkii 1987, markii dadaallada kooxda dhalinyaro Falastiiniyiin ah uu ka dhashay aasaasidda dhaqdhaqaaqa Xamaas.
Dhaqdhaqaaqa howlgalladiisa ka dhanka ah Israa’iil kama bilaabin Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza ilaa ku dhowaad labo sano kaddib, markaasoo howlgalladooda ka dhanka ah Israa’iil ay ku afduubteen kuna dileen labo askari.
Kaddib howlgalkan, magaca dhaqdhaqaaqa ayaa kasoo muuqda liiska kooxaha ay Israa’iil ku tilmaantay argagixiso, waxaana billowday iska hor imaadyo u dhaxeeya labada dhinaca.
Arrinta ayaa sii socotay ilaa Cahdigii Oslo ee u dhaxeeyay Israa’iil iyo Maamulka Falastiin oo uu xukumayay markaas Yaasir Carafaat la kala saxiixday sanadkii 1993.
Xamaas, ayaa dhankeeda, kasoo horjeesatay heshiiska, waxayna ku dhawaaqday sii wadidda holwgalladeeda ka dhanka ah ciidamada Israa’iil, waxayna gudaha dalkaas ka fulisay weerarro ay ka mid ahaayeen bambooyin lagu tuuray basas.

Xigashada Sawirka, Reuters
Isku dayo dhowr ah ayaa la sameeyay oo kooxda lagu qancinayo inay heshiis qaataan iyo dhismaha maamul sida waafaqsan Heshiiskii Oslo (sidoo kale Heshiiskii Taba 1995, Heshiiskii River Valley 1998 iyo kii Sharm El-Sheikh 1999).
Madaxweynihii xilligaas ee Mareykanka Bill Clinton ayaa soo hadal qaaday dhowr arrin oo aan ku jirin heshiiskii Osli, sida dhibaatooyinka xuduudaha, maqaamka Qudus, iyo qaxootiga waxaana loo daayay in labada dhinac ay mustaqbalkaka wada xaajoodaan.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Wada xaajood ayaa dhacay bishii July oo u dhaxeeyay raysal wasaarihii Israa’iil Ehud Barak iyo hoggaamiyihii Ururka Xoreynta Falastiin Yasser Arafat, balse lagama gaarin heshiis, inkastoo ay si ka faahfaahsan sidii hore ufa wada hadleen arrimaha. Dhibaatada ugu weyn ayaa ahayd waxa ugu badan ee ay Israa’iil oggoshahay iyo waxa ugu yar ee ay Falastiiniyiintu aqbali karaan.
Israa’iil ayaa soo jeedisay inay ka baxayso Marinka Gaza waxayna dib uga guratay qeybo badan oo Daanta Galbeed ah, waxaa intaa dheer dhulal oo ka tirsan Saxaraha Negev oo ay u daayeen Falastiiniyiinta, iyagoo weli kusii nagaaday inta badan Bariga Qudus.
Israa’iil ayaa soo jeedisay in Falastiiniyiintu ay ilaaliyaan goobaha barakeysan ee Qudustii Hore ayna qarash ugu talogalaan qaxootiga Falastiin.
Falastiiniyiinta ayaa doonayay inay dib ugu laabtaan leymankii 1967 ayna Israa’iil u oggolaadaan gelidda qeybta Yahuudda ee Bariga Qudus. Waxay sidoo kale doonayeen aqoonsashada soo laabashada qaxootiga Falastiiniyiinta.
Guuldarradii wada hadalladii Camp David iyo booqashadii raysal wasaarihii hore ee Israa’iil Ariel Sharon, ee Al-Aqsa ayaa horseeday kacdoonkii labaad ee Falastiiniyiinta.
Intii xilligaas lagu guda jiray, Xamaas ayaa qaadday dhowr howlgal oo ka dhan ah Israa’iil, oo ay ku jiraan weerarro ka dhan ahaa Kumalo ka dhacay Netanya, iyo kuwo ka dhan ahaa baararka lagu caweeyo ee Israa’iil ku yaalla.
Israa’iil ayaa ku jawaabtay duqeymo cirka ah oo ay ka geysatay Marinka Gaza, dilidda hoggaamiyihiin dhaqdhaqaaqa Salah Shehadeh, iyo qabsashada saldhigyada Carafaat ee degmada Ramallah ee Daanta Galbeed.

Xigashada Sawirka, Reuters
Qiyaastii labo sano kadib, Israa’ill ayaa dishay aasaasihii Xamaas iyo hoggaamiyahoodii ruuxiga ahaa, Sheikh Ahmed Yassin, inkastoo xitaa xilligaas uusan wax door ah ku lahayn kooxda.
Diyaarad Israa’iil ay leedahay ayaa beegsatay gaariga Al-Sheikh oo yaallay Marinka Gaza.
Qiyaastii bil kaddib, Israa’iil ayaa haddana diashay Ismail Al-Rantisi, oo loo doortay madaxa dhaqdhaqaaqa.
Israa’iil ma aysan awoodin inay ciidankeeda kusii heyso Marinka Gaza kaddib sanadkii 2005, sidaa darteed gebi ahaanba way isaga baxday.
Sanadkii xigay, Xamaas ayaa ku guuleysatay aqlabiyadda doorashooyinkii ka dhacay Marinka Gaza, oo ay qaadaceen Mareykanka iyo Maamulka Falastiin, waxayna dalbadeen in kooxdu ay joojiso iska caabbinta ayna aqoonsato Israa’iil.
Sanadkii 2006, Xamaas ayaa qabatay sarkaalka Gilad Shalit waxayna qariyeen in ka badan shan sano, inkastoo ay Israa’iil isku dayeysay inay soo hesho. Si kastaba, Shalit ayaa lasii qarinayay ilaa ay Xamaas sii deyso sanadkii 2011 tanoo qeyb ka ahayd is dhaafsiga maxaabiis.
Sanadkii 2008, Israa’iil ayaa weerarkii ugu horreeyay ee ugu weynaa ku qaadday Marinka Gaza oo ay gacanta ku hayeen Xamaas, kaddib markii dhaqdhaqaaqu uu dhowr gantaal ku riday meel u dhow deegaannada Israa’iil, waxaana ka dhashay dhimashada 13 Israa’iiliyiin ah iyo 1,400 oo Falastiiniyiin ah.
Xamaas ayaa horumarisay gantaalladeeda waxayna u adeegsatay iska caabbin ka dhan ah Israa’iil. Sanadkii 2014, Israa’ill ayaa howlgal kale ka fulisay Marinka Gaza, Xamaas ayaana ku jawaabtay gantaallo.
Iska hor imaadyada yaaa sii socday toddoba maalmood, waxaana ku dhintay 73 Israa’iiliyiin ah, oo ay ku jireen 67 sarkaal, iyo in ka badan labo kun oo Falastiiniyiin ah.
Sanadkii 2021, boqollaal Falastiiniyiin ah ayaa ku dhaawacmay iska hor imaadyo dhex maray iyaga iyo ciidamada Israa’iil meel u dhow Al-Aqsa, Xamaas ayaana ku jawaabtay gantaallo ay ku ridday Israa’iil.
Ila aiyo haatan Xamaas ayaa sii wadda inay gantaallo ku tuurto magaalooyinka Israa’iil, gaar ahaanna kuwa ku yaalla koofurta.













