Muxuu yahay macmacaanka dhimashada madow ee adduunka laga hadal hayo?

Xigashada Sawirka, Underrated Hijabi
Nacnaca loo yaqaanno ‘dhimashada madow’ ayaa hadal heyn weyn ka dhex dhaliyay baraha bulshada ee caalamka iyadoo lagu tilmaamay mac macaankii ugu dhanaanaa abid isla markaana lagu sameeyay waxyaabo xooggan oo la xiriira aashito.
Sheekada nuxurka leh ee ku duugan nacnacan ayaa ah in uu qof kasta doonayo inuu tijaabiyo dhadhan ahaan iyo ur ahaan intaba, adduunka oo dhan goobaha ganacsiga ayaa laga baadi goobayaa iyadoo tiradii ugu badneyn ay iibsadeen maalmo gudeheed.
Muxuu yahay nacnacaan?
Nacnacan oo midab ahaan madow isla markaana leh dhibco cad cad oo u eg sonkorta ayaa ka sameysan waxyaabo aad u dhanaan iyo aashito saami ahaan xooggan, dadka tijaabiyay ee muuqaallada kusoo bandhigay tijaabadooda ayaa markiiba soo tufayay iyagoo u muuqday in ay awoodi waayeen in ay afka kusii hayaan.

Xigashada Sawirka, Google
Waxaa ku qoran digniino muujinaya in cid kasta ay istcimaali karin, waxaa kamida carruurta ay da’doodu ka yartahay siddeedda sano in aan loo oggoleyn.
Ku dhawaad labaatan ilbiriqsi ayey dadku ku dareemi karaan dhadhanka saxda ah ee nacnaca, muddadaasi gaaban kadib waxaa la’isku raacay in qofku uusan xamili karin in uu afka kusii hayo.
Digniin ku taalla warqadda kore ee nacnaca ayaa sidoo kale in cunista xad-dhaafka ah ee waqti gaaban gudaheed ay keeni karto saameyn qofku uu ku yeesho in ay dabeecadda qofka beddeli karto ama caloosha ay kicin karto.
Dadka tijaabiyay
Mid kamida dadkii sameeyay tijaabada isla markaana muuqaalkeeda uu yeeshay saameynta ugu badan ayaa ah gabadh Soomaaliyeed oo muuqaalkeedu uu noqday ka nugu hadal heynta badan adduunka lana xiriirira nacnaca ‘dhimashada madow’.
Gabadhan oo mageceeda saxda ah aan kusoo gelin baraha bulshada ayaa sameysay tijaabo cajiib ah isla markaana dad badan cabsi gelisay.
Waxa dhinaca TikTok-gga ay ku leedahay taageerayaal gaaraya illaa 3 milyan oo iyada raacsan iyo 48 kun oo dhinaca Instagram-ka ah. Waxa ay kusoo gashaa magaca Underrated Hijabi, waxa ayna ku nooshahay UK.
Muuqaalka ay soo duubtay ee tijaabada nacnaca ayaa waxaa daawaday in ka badan 50 milyan oo ruux.
"Weligay ma isku dayin wax ka dhanaan badan nacnacan," iyada oo dalbatay in la shaacin mageceeda dhabta ah ayey sidaasi u sheegtay warbaahinta the post.
Xilliga ay afka gelisay nacnaca ayey uga falcelisay si adag oo dadka qaar i arkeen ka badbadin, halka kuwa kale u arkeen mid nadin leh.

Xigashada Sawirka, ReuBekah Vidz
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Balse dhanaanka iyo aashatada saa’idka ah ee macmacaanka dhimashada madow ayaa sababi kara falcelinta gabadhaan ay sameysay oo kale, kaas oo ayisku garaacday kursiga gaarig ay saarneed, halkaas oo ay si joogto ah ugu duubto muuqaalladeeda tijaabooyinka ee ay duubto.
Waxaan isku dayay 'nacnac adduunka ugu dhanaan' oo loo yaqaan 'dhimashada madow' waan ooyay oo dadku waxay igu yiraahdeen waxaad u ekeyd in ay wax kale ku haystaan” ayey sii raacisay.
Waxay ku billowday digniin iyo in cabsi ay ka qabto nacnacan, iyadoo ka digtay in macmacaanka 'cabsida' ah uusan ahayn inuu isku dayo qof 'kayar siddeed jir', ka hor intaysan si taxadar leh mid ka mid ah afka u gelin.
Macmacaankan loo yaqaanno dhimashada Madow ee Mega Sours waxa uu qiimo ahaan ku kacayaa £3.60 halkii bac oo 200g ah.
Dad badan oo isugu jira Soomaali iyo ajaanib ayaa sameeyay tijaabada nacnacan, walow aaney ka bixin fal celin ku sida sida gabadhaan, balse waxa ay dhammaantood qireen in nacnacan uu yahay mid aad u dhanaan una kulul waqti badanna aan afka lagu heyn karin.













