La Kulan qoyska haya khamiiska Nebiga iyo halka uu ka yaal Turkey

AFP

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Dad booqanaya halka uu yaal khamiiska Nabiga (NNKH)

Bil walba oo Ramadaan ah, boqolaal muslimiin ah oo isugu jira lab iyo dhedig ayaa isku buurto albaabka laga galo masjidka qadiimiga ah ee Istanbul, oo 160 sano jir ah. Waxa ay doonayaan inay arkaan mid ka mid ah agabka ugu qiimaha badan muslimiinta dunida.

Waa khamiiskii nebi Muxammad, Nabadgelyo iyo Naxariis Alle Korkiisa hayeelee. Waxaa loogu yeeraa Hirka-i Sharif, oo macnaheedu yahay Khamiiska Barakeysan. Khamiiska ayaa lagu hayaa masjidkan taariikhiga ah ee ku yaal degmada Fatix, ee magaalada Istanbul.

Khamiiska Barakeysan ayaa la keenay Istanbul qarnigii toddobo iyo tobnaan xilligaas oo boqortooyada Cusmaaniyiinta ay xukumeysan badi dhulka Muslimiinta, oo uu Sacuudigu na ku jira. Dad ka badan hal milyan ayaa bil walba oo Ramadaan ah soo booqda masjidkan, halkaas oo lagu soo bandhigo khamiiska Nebiga.

Sheekooyin kale oo xiiso leh

Qoyska uu Nebigu u hadiyeeyay dharkan

AA

Xigashada Sawirka, AA

Si la mid ah masjidkan, sheekada kale ee taariikhga ah ee xiisaha leh waxaa sheekada qoyska xilku ka saaran yahay khamiiska, ee masuulka ka ah heyntiisa iyo ilaaladiisa. Waa faracii sagaal iyo kontanaad ee qoyska Aweys Qarni, Sheekh la weyneeyo oo xilligii nebiga noolaa. Khamiiskan waa hadiyad uu Nebigu siiyay ninkan. Saddex iyo toban qarni oo xiriir ah ayay qoyskan gacanta ku hayaan khamiiskan, iyaga oo jiil ba kan xiga uu u sii dhiibayay.

“Tan iyo markii aan saddex ama afar jir ahaa, waxaan joogay masaajidka. Waxaan arkay sida ay qoyskaygu ugu han-weyn yihiin khamiiska iyo sidoo kale rabitaanka ah inaynu dadka u oggolaano inay soo booqdaan, " ayuu yiri Baris Samiir, oo ah faraca 59aad ee Aweys Qarni. Waxa uu u sheegay warbaahinta Turkeyga ee TRT in uu aaminsan yahay in qoyskiisu hayo howl Sharaf leh. "Immisa qoys oo adduunka ku nool ayaa garanaya abtirsiintooda oo dib u noqonaysa 59 qarni?," ayuu yiri 45 jirkan ah Injineer makaanik.

Khamiiskan waxaa u hadiyeeyay oo ku aaminay qoyska Aweys Qarni Nebi Muxammad (NNKH) kadib markii ay neiga soo gaartay iskudayga ninkan u uku doonayay in uu soo booqdo nebiga oo ku sugnaa Madiina qarnigii toddobaad. Laakiin ninkan oo dhexda soo socda ayaa ku qasbanaaday in uu dib ugu noqdo Yemen isaga oo aan arkin nebiga kadib markii ay xanuunsatay hooyadiis.

Markii uu Nebigu (NNKH) maqlay sida ninkan u heellan hooyadiis uu u baxay isaga oo aan la kulmin, Nebigu waxa uu ka codsaday laba saxaabi oo uu ugu kalsoonaa - Cumar iyo Cali - in ay maradiisa u dhiibaan Yamani. Tan iyo markaas, faracii Aweys Qarni waxay ahaayeen ilaaliyaha dharka caanka ah ee midabka dahabka ah ee uu xiran jiray Nebi Muxammad (NNKH).

Al-Qarni ma uusan dhalin wax caruur ah, waxaana keydka u ahaa qaraabadiisa, ayuu yiri muftiga Istanbul Hasan Kamil Yilmaz.

Sheekooyin kale oo xiiso leh

Sidee khamiiska Nebiga lagu geeyay Istanbul?

AFP

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Dalxiiseyaal daawana dharkii uu xiran jiray nebiga
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sanadkii 1611, Ahmet I, oo ahaa suldaankii Cusmaaniyiinta ee xilligaas, ayaa maqlay marada, wuxuuna go'aansaday inuu la wareego. Laakin la taliyayaashiisa iyo culimadii ayaa aad uga waaniyey arrintaas, iyagoo sheegay inay xadgudub ku tahay dardaarankii Nabiga.

Oo sidaas daraaddeed wuxuu ku dhammeeyey martiqaadka qoyska si ay ugu noolaadaan Istanbul.

Laakiin waxaa dharkan barakeysan la keenay magaalada Istanbul xilligii uu xukunka Boqortooyadda Cusmaaniyiinta hayay Suldaan Axmed koobaad markaas oo laga soo qaaday deegaanka Kuşadası ee galbeedka Turkiga oo ay ku hayeen qaraabada Aweys Qarni.

“Tan iyo markaas khamiiskan ama maradan barakeysan waxay taalay," ayuu Yılmaz ayaa u sheegay AFP. Ugu dambeyn, hoggaamiyihii Cusmaaniyiinta ee qarnigii 18aad Suldaan Cabdulxamiid koobaad ayaa dhisay magaasajidka faca weyn ee loogu magacdaray khamiiskan, kaas oo ku yaal degmada Faatix. Ujeeddadiisu waxay ahayd ilaalinta iyo keydinta marada. Bilowgii waxa uu ahaa dhismo yar oo uu maradan lagu hayo, balse muddo yar ka dib waxa uu noqday mid camiran.

"Meeshu sidoo kale kuma filnayn tirada sii kordheysa ee booqdayaasha. Markan Suldaan Cabdulxaniid wuxuu amray in masaajidka agtiisa laga dhiso masaajid iyo goobaabin Hirka-i Sharif ah. Dharka ayaa halkan lagu hayay ilaa 1851, "Samiir ayaa sharaxay

"Waxaa jira laba fure oo marada -- mid waxaa haya aasaaska masjidkan, kan kalena qoyska," ayuu yiri Muftiga Istanbul.

Dharka xurmada leh ayaa jiilba jiil kale soo maray, waxaana hadda madax u ah Barış Samir -- oo ah jiilka 59-aad ee al-Qarni oo markii ugu horreysay la siiyay dharka.

"Waa waajib aad u sharaf badan. Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan gudano, oo aan leenahay mas'uuliyaddan oo kale," ayuu yiri Samir oo la hadlay waakalada wararka AFP. "Sidoo kale waa shaqo adag, waa masuuliyad adag, akhlaaq ahaan iyo dhaqaale ahaanba."