Weydiinta ugu badan: Maxaa ka jira in GYM-ka lagu gaabto?

Facebook

Xigashada Sawirka, Facebook

Qoraalka sawirka, Mo Fit, tababare jirdhis

Fikradda ah in miisaan-qaadiddu ay horjoogsato korriinka oo ay qofka ka dhigto mid gaaban ayaa ku baahsan kuwa xiiseeya ciyaaraha, ama kuwa doonaya inay galaan goobta jirdhiska iyo GYM. Sidee run u tahay? Waa maxay saamaynta miisaanka qaadista dhererka?

Sida lagu sheegay warbixin lagu qoray website-ka Healthline, mid ka mid ah su'aalaha inta badan lagu weydiiyo goobaha jirdhiska, xafiisyada caafimaadka, iyo tababarayaasha dhalinyarada waa: Miisaanka qaadista ayaa hor istaagta korriinka

Fikradda ah qaadidda biraha culus kolka la joogo gym-ka way gaabisaa qofka ama dhererka ayay kala dagaallantaa carruurta kuwooda korriinku u socdaan, ayaa si weyn loogu tixgeliyaa in ay tahay aragti wax ba kama jiraan.

Warbixino xul ah

Arrimaha la xidhiidha jimicsiga ayaa ay ku hareeraysan yihiin waxyaalo badan oo been ah oo dadka lagu soo jiidanayo ama dhinacyo kale ay isku deyeyaan in ku ceebeeyaan hawshaas, kuwaas oo badanaa aan run ahayn, kolka eego waxa ay sheegayaan khabiirrada jimicsiga iyo saynisku.

Mid ka mid ah su’aalaha ugu badan ee la weydiiyo macallimiinta jimicsiga ah ayaa, ayaa jimicsiga iyo qaadidda biraha culus ma igu kellifaysaa in aan gaabto?

Haddii aad tahay waalid haysta ilmo ka yar da'da 18 sano, waxaa laga yaabaa inaad is weydiiso haddii jimicsiga xoogga leh ee carruurtu ay ku sameynayaan goobta jimicsiga ama qayb ka mid ah isboortiga iyo ciyaaruhu ay hakinayaan korriinka ilmahaaga.

In kasta oo welwelkan ku saabsan korriinka yaraanta uu u muuqdo mid sharci ah, warka wanaagsan ayaa se ah, ilmahaagu maaha inuu joojiyo miisaan qaadista, waxbana kama dhimayso korriinkiisa mustaqbalka, sida ay qabaan khubarada caafimaadku.

Muxuu saynisku ka leeyahay in jimicsigu qofka gaabiyo?

Somali Fitness/ Facebook

Xigashada Sawirka, Somali Fitness/ Facebook

Qoraalka sawirka, Dhalinyaradda Soomaalida ayaa hadda aad ugu soobadaneysa gymka iyo goobaha jirdhiska
Warbixino xul ah

Jawaabta oo kooban: maya. Laakiin waxaa jira digniino ay tahay in maskaxda lagu hayo si gaar ah dhalinyarada ku cusub gym-ka ama qaadidda miisaanka culus, sida uu qabo Carol Mack, tababare dhanka jimicsiga iyo daaweynta jihka ah.

"Ma jirto wax caddaynaya in miisaan-qaadiddu ay qofka gaabinayso," wuxuu se sii raaciyey "Waxaa se jira habab ay tahay in birta loo qaado kuwaas oo qofka ka caawinaya in si habboon uu u jimicsado oo aanu dhaawac iyo dhib kale toonna aanay ka soo gaadhin."

Ma ku dheerayn karaa se?

EPA

Xigashada Sawirka, EPA

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Wax cilmi baadhis ah lagama soo saarin si loo muujiyo in miisaan qaadistu ay kaa dhigi doonto mid dheer, maadaama inta badan dhererka qofka hore loo go'aamiyay uuna ku salaysan yahay hidde-sideyaashaada.

Marka la isku daro hidde-sidaha, nafaqada, hurdada, iyo hoormoonnada jidhkaaga ayaa ah dhammaan qodobbada muhiimka ah ee saameyn kara koritaanka caadiga ah ee unugyada muruqyada iyo lafaha inta lagu jiro carruurnimada, iyo xilliyada qofka korriinku u socdo.

Jimicsigu waxa uu kaa caawin karaaa inaad hagaajiso cufnaantaada lafaha, iyo sida oo kale in uu qurxiyo qaab muuqaalkaaga, waxa sida oo kale uu kaa caawin karaa in aad iska caabbiso waxyeellada xun ee gabowgu keeno.

Sannad kasta boqolaal dad ah oo adduunka ah ayaa doorta qaliin u sahlaya in ay kodhiyaan dhererkooda, kaas oo inta badan loo maro xanuun badan si ay lugahooda u isu fidiyaan, dhererkooda ugu daraan dhawr inji.

Laakiin nidaamka qalafsan ayaa lagu sheegaa in uu khatar badan yahay, waxayna khubarada caafimaadku sheegeen in dadka qaarkood u ku keenay dhibaatooyin waqti dheer ah.

Balse illaa hadda ma jiro jimicsi si cilmi ah loo xaqiijiyey in uu dhererkaaga wax ku darayo, waxaana ay u badan khuraafaad dadka tilmaamo jimicsiyo ku dheeraynaya ayaan haynaa.