Maxaa ceelka shidalka ee Soomaaliya laga qodayo ka dhigaya kan labaad ee ugu dheer dunida?

Cagri Bey

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Markab laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Cagri Bey ee jimcihii la soo dhaafay lagu soo shaweyay xeebta magaalada Muqdisho si uu u bilaabo mashruucii ugu horeeyay ee shidaal baaris ah oo laga sameeyo badda hoose.

Wasiirka Tamarta ee Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa sheegay in mashruucan uu calaamad u yahay "waa cusub oo u baryay baarista batroolka Turkiga."

Dhanka kale, wasiirka batroolka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed ayaa yiri "Maanta waa maalin taariikhi ah oo Soomaaliya ay =soo dhaweyneyso markabka Turkiga ee qodaya shidaalka, sidoo kale waa rajo cusub iyo tallaabo wanaagsan oo in laga faa'iideysan karo shidaalka."

Sida ay sheegtay dowladda Turkigu, ceelkaan ayaa noqonaya kan labaad ee ugu dheer dunida ceelasha shidaal ee laga qodo gudaha badda.

Sababta ka dhigaysa ceelkaan mid aad u dheer ayaa lagu qeexay in ay tahay laba sababood:

1.Cufka biyaha: Qoditaanku wuxuu ka dhacaa aag ka hooseeya biyaha badda 3,495 mitir oo aad qoto dheer tahay.

2.Gunta Badda: Markii qalabka qodistu uu gaaro sagxada badda, ayaa hadana waxaa la sii qodayaa 4,000 mitir oo kale si loo gaaro shidaalka suurtagalka ah.

Qodista waxaa samayn doona markabka Cagri Bey isaga oo taagan meel qiyaastii 3,500 mitir ka saraysa gunta badda. Wadarta guud ee qodista ayaa noqonaysa ilaa 7,500 mitir.

Arrinkaas ayaa ka dhigaya ceelka Curad-1 kan labaad ee ugu qoto dheer xeebaha adduunka oo dhan, sida ay sheegtay wakaaladda Turkiga ee Anadolu Agency.

Hawlaha qodista waxa la filayaa inay socdaan inta u dhaxaysa lix ilaa sagaal bilood, taasoo ku xiran xaaladaha cimilada, gaar ahaan caqabadaha la xiriira dabaylaha gobolka.

Ololaha qodista ayaa waxaa gacan ka geysan doona maraakiib gurmad ah oo gacanta ku haya saadka, meeleynta iyo kala wareejinta shaqaalaha, iyadoo ciidamada badda ee Turkiga oo sugi doon ammaanka xeebaha.

Talaabadan ayaa waxa ay salka ku haysaa dadaalkii Turkiga ee tobankii sano ee la soo dhaafay si ay u balaariso awooda sahaminta gudaha iyada oo adeegsiga maraakiibteeda gaarka ah, kuwaas oo hadda ka mid ah maraakiibta qodista shidaalka ee badda gunteeda.

Cagri Bey

Xigashada Sawirka, Getty Images

Turkigu isaga oo raacaya istaraatiijiyadiisa shidaalka ayaa waxa uu horaan shidaal uga baaray badda Madoow, halkaas oo uu ka qoday shida. Shidaalkaas ayaa sida ay sheegtay dowladda Turkiga waxaa ka faa'iideysta ilaa 4 milyan oo qoys.

Mashruuca Soomaaliya wuxuu sidoo kale ka tarjumayaa xiriirka ballaaran ee Ankara ay la leedahay Afrika, kaasoo si weyn u ballaartay tan iyo horraantii 2000-meeyadii, isaga oo isha ku haya tamarta, ganacsiga iyo iskaashiga amniga.

Wasiirka Turkiga, Bayraktar wuxuu sheegay in ololaha badda uu bog cusub u furi karo labada xiriir ee Turkiga iyo Soomaaliya iyo horumarinta tamarta gobolka, isagoo intaa ku daray in daahfurka suurtagalka ah la wadaagi doono bilaha soo socda.

Farqiga u dhaxeeya qodista iyo soo saarista shidaalka

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxaa durba billowday xiisaha ku saabsan qodista shidaalka oo ay dadka qaar aaminsan yihiin in shidaalka durba uu dibadda u soo bixi doono.

Arrintan waxaa sii xoojiyey ka dib markii jimcihii lagu soo dhaweeyay xeebaha Muqdisho markabka Cagri Bey ee qodaalka samaynaya.

Laakinse khubaradu waxay qabaan in ay jiraan dhowr marxaladood oo qodista iyo soo saarista shidaalku ay ka yihiin laba qayb oo muhiim ah.

Naafic Maxamed Cumar oo ah khabiir ka faallooda arrimaha shidaalka ayaa BBC u kala qeexay labadaas marxaladood.

Wuxuu ku bilaabay in wejiga hadda la galayo uu yahay 'wajigii labaad ee sahaminta'.

Xogtii hore waxay ahayd mid badda gunteeda laga baaray oo sawir u badan. Maadaama markabku qodayo meelihii hore loo baaray ayaa wejina ka mid tahay sahanka, welina waxay ka mid tahay horumarinta. Wajiga hadda lagu jiro dhowr marxaladood ayuu marayaa, kuwaasoo ah in la qodo, in naamuunado laga qaado nooca shidaalka, in qiyaas lagu sameeyo, kaydka ku jira int auu le'eg yahay" ayuu yiri.

Marka arrimahaas laga soo gudbo ayuu Naafic sheegay in qorshihii qoditaanka shidaalka la soo saarayo la gali doono, qiyaasta kharashka galaya, iyo marinka dibadda loogu dhoofinayo. "Wejigan waa mid go'aan qaadasho oo lagu go'aamiyo in shidaalku ganacsi geli karo oo hore loo sii socon karo" ayuu sii raaciyey.

Wuxu intaa ku daray in wajiga horumarinta oo hadda bilaabanaya uu socon karo 5 - 8 sano. "Markaa ka dib ayaa loo gudbayaa wajiga wax soo saarka oo la diyaarinayo riigaggii iyo goobihii badda gudaheeda laga dhisi lahaa, dhuumihii qaadi lahaa, kaydadkii iyo qalabkii iyo warshadihii ka shaqayn lahaa" ayuu qiyaas ku bixiyey.