Sababta guurka qaraabada looga mabnuucayo dalalkan ay Soomaalida ku badan tahay

Getty Images

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Lamaane Soomaali ah oo ku aqalgalaya xero qaxooti oo ku taal Indonesia

Qaar ka mid ah dalalka dunida ayaa waxaa ka bilaabatay suurtogalnimada in la mamnuuco guurka dhex mara dadka dhalasho ahaan ah qaraabo aad isugu dhow ah sida dadka ilmo adeerka iyo kuwa ilmo habreedka ah.

Magaalada Gothenburg ee Sweden kooxaha Social Democrats iyo Sweden Democrats waxay ku baaqayaan in la qaado olole dadka lagu barayo wax ay ku tilmaameen “khatarta caafimaad ee la socota”.

Norway ayaa dhaqdhaqaaq noocaas oo kale ah uu iyadana ka socdaa. Mowjaddaas oo kale waxay so gaartay Denmark, inkastoo siyaasiyiinta dalkaas ay ku gacan sayreen in wakhtigan la mamnuuco guurka qaraabada.

Arrintan ayaa loo aanaynayaa inay salka ku hayso qulqulka dadka soo galootiga ah ee dalalkaas imaanaya.

Walaacaas waxaa qaba Ulf Kristersson, ra’iisul wasaaraha Sweden. Fikradda u aaminsan yahay ayaa ah sida uu qorayo wargayska Berligske in dhaqankaas muddada dheer soo jiray ee xagga guurka uu khatar ku yahay wadajirka bulshada, uuna xoojinayo burcadda dambiyada gaysata, iyo suurtogalnimada ah in ay dhashaan carruur jirkooda uusan dhamaystirnayn.

Machadka Norway ee caafimaadka bulshada (NIPH) wuxuu isna soo jeediyey in la mamnuuco guurka qaraabada sida uu qoray wargayska Vart land. Wuxuu qoray in ilma adeer, eeddooyin ama adeerro ay is guursadaan ama guursadaan xubno kale oo qaraabada ah in uu suurtogalnimada ah inay dhashaan ilmo kala dhiman ay aad ugu badan tahay.

Machadka NIPH wuxuu aaminsan yahay shuruucda la soo jeediyey ee lagu mamnuucayo guurka noocaas ah in uu meesha ka saarayo guurka khasabka ah ee dadka soo galootiga ah dhexdooda ka jira.

Wargaysku wuxuu sheegayaa in afartii guur ee dhex mara Pakistaaniyiinta haysta dhalashada Norway uu midkood yahay guur qaraabo.

“Waxaan maqlay in arrintan loo samaynayo sabab la xiriirta in laga fogaado khatar caafimaad darteed. Haddaad doonayso in aad ka hortagto inay dhashaan ilmo aan dhamays ahayn, waxaad ka fekeri kartaa in khamriga la joojiyo bacdamaa la xaqiijiyey inuu u daran yahay ilmaha uurka ku jira,” ayuu yiri Yasir Axmed oo arrimaha bulshada ka faallooda mar uu la hadlayey warbaahinta Norway.

“Waxaa kaloo khatar ah in gaari uu wado qofku isagoo sakhraansan, sidaa darteed waxaad mamnuuci kartaa sidoo kale khamriga. Arrimahaas ayaan ka fekeri karnaa halkii aan diiradda saari lahayn dadka ku taagan diinta iyo dhaqanka,” ayuu yiri raaciyay hadalkiisa.

Diinta Islaamka iyo guurka qaraabada

Getty Images

Xigashada Sawirka, Getty Images

Sheekh Soomaalida ee Nairobi degan, Sheekh Xasaan oo ka hadlayey arrimaha guurka qaraabada dhow iyo waxa ay diinta islaamka ka qabto wuxuu sheegay in dhibaatooyin ay ka dhashaan, wuxuuna soo qaatay laba qodob, kuwaasoo uu sheegay inay yihiin aragtida fiqiga uu dhigayo, laakinse aysan jirin wax daliil ah oo cad oo guurka noocaas ah ka reebaya dadka Muslimka ah.

“Midda koowaad waa shahwada oo daciifaysa. Ninku hadduu matalan guursado gabadha habaryartiis ama gabadha abtigiis waxaa dafiic noqonaysa shahwada ninka,” ayuu yiri.

Wuxuu intaa ku daray haddii aysan daciifnimadaas saamayn ninka, in ay samayn doonto tafiirtiisa dambe waxay sii dhalaan.

Tan labaad wuxu Sheekh Xasaan ku tilmaamay in haddii dad qaraabo ah ay is guursadaan ay isku xumaadaan. “Eeddadaa ama habaryartaa ama adeerkaa ayaad qoorta isla galaysaan,” ayuu yiri, isagoo tusaaleyaal u soo qaatay xilligii saxaabada iyo noloshii suubanaha.

Dunida iyo shuruucda guurka qaraabada dhow

Qaraabada dhow marka la leeyahay waxaa inta badan loo nisbeeyaa dadka ay waalidkood wada dhasheen ee wadaaga hal awoowe ama hal ayeeyo. Guurka dadka noocaas ah dhex mara sharci ahaan waxaa jira dalal uu mamnuuc ka yahay, waxaana ka mid ah dhulweynaha Shiinaha, Taiwan, Kuuriyada Waqooyi, Filibiin iyo 24 ka mid ah 50ka gobo lee Maraykanka.

Waxaa kale oo jira dalal xudduud u yeelay qaraabada is guursan karta. Laakin guurkan qaraabada wuxuu aad ugu badan yahay dalalka bariga dhexe oo dhaqankooda iyo noloshooda ay hogaamiyaan boqortooyooyin, kuwaasoo isla dhalashada iyo tafiirta ay muhiim u yihiin xukunka boqortooyooyinka.

Guurka dhex mara ilma adeerrada iyo ilma habreedyada koowaad ama labaad ee dunida ayaa lagu qiyaasaa 10% guurka guud ee dunida. Dadka u ololeeya guurka qaraabada ayaa aaminsan in mamnuucista guurkaas uu yahay mid faquuq keenaya