Maxaa lagu ogaaday baaritaanka cusub ee lagu saameeyay meydka iyo xabaalaha?

Getty Images

Xigashada Sawirka, Getty Images

Si ka duwan sida ay rumaysan yihiin dadka badankiis, geeridu ma aha dhamaadka hanaanka jirka ee ka kooban unugyada iyo xubnaha.

Khubarada cilmiga Baayolojiga ayaa daboolka ka qaaday sida bakteeriyada aysan ishu qaban ee caloosha ku jirta ay u sii noolaato sanooyin kale marka uu qofku geeriyoodo.

Daraasad la sameeyey ayaa sheegaysa in 36% dadka Ameerikaanka ah ee meydkooda la aaso ay faa’iido u leeyihiin deegaanka, kuwaasoo cunto u noqda boqolaal nooc oo kale oo noole ah.

Ili ma qabatada caloosha ku jirta oo ay ka mid yihiin bakteeriya, faayras iyo fungi ayaa si noolaan kara bilo ama sannado ka dib marka hilibku dhamaado.

Saynisyahanno ka tirsan jaamacadda Tennessee, ayaa hanaanka caadiga ee is-beddelaka jirka meydka uu maro ku sameeyey sheybaar, ayadoo la isu keenay nooca ciidda qabriga laga helo iyo ili ma qabatada.

Waxay ili ma qabatadaas sii noolayd xataa markii ay ogsijiin weyday, ayadoo quudanaysay karboohaydareetka, borotiinka iyo dufanka jirku kaydiyo.

AFP

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Goob uu qarax dad ku baabi'iyay oo la nadiifinayo wax yar kadib qaraxa

Taa marka laga yimaado, waxay ili ma qabatadu la fal-gashaa noolayaal iyaga la mid ah oo ciidda ku jira, kuwaasoo dedejiya is beddelka jirka meydka, ayadoo is beddelkaas jirka ka dhigaya sidii warshad dib u hagaajisa wasakhda oo noole kale uu ka faa’iido.

Dhiigga ogsijiinka leh ee jirka ku dhex wareega ayaa istaaga marka uu qofku naf-baxo, waxaana billowda hanaan unugyada jirka marka ay waayaan ogsijiinka ay iyagu is cunaan.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Urka ka soo baxa meydka marka jirku is beddelo ayaa ah mid ka dhashay bakteeriaya cunaysa tamarta hanaankaas ka dhalanaysa ee aan u baahanayn ogsijiinka.

Dr Jennifer M De Bruyn oo ka tirsan jaamacadda Tennessee waxay leedahay “ayagoo ka faa’iidaysanaya kaarboonka iyo nafaqooyinka jirka ayey ili ma qabatadaas ku sii tarantaa”.

Isla hanaankaas waxaa ka dhasha shidaal, kaasoo aan ahayn mid toos u samaysmay (by product) waxaana isticmaala dhirta u dhow iyo noolayaasha, wuxuuna ka kooban yahay isku dhisyada Ammonia, kaarboon iyoi Naytrojiin.

Koox isugu jirta khubaro ku takhasustay ili ma qabata oo ka tirsan jaamacadda Tennessee, iyo khubaro cilmiga joolojiga yaqaanna oo ka tirsan jaamacadda South Dakota ayaa isku dayey inay jawaab u helaan laba arrimood oo kala ah sida ay ili ma qabatada ugu fiddo jirka iyo ciidda u dhow marka uu qofku dhinto ee la xabaalo, iyo sida ay u dedejiyaan isbeddelka meydka marka ay isla fal galaan ili ma qabatada ciidda ku jirta iyo tan jirka ku jirta.

Sheekooyin kale oo xiiso leh

Markii ay labadaas isla fal galeen, waxyaabaha dabiiciga ah ama Orgaanigga ah ee labada dhinac waxay ka wada shaqeeyeen inay sare u qaadaan sii daynta Kaarboon dhaay-ogsaydhka iyo naaytrojiinka kuwaasoo bacrimiya ciidda iyo dhirta.

Tijaabooyin badan ayey khubaradaas sameeyeen, waxayna ku sameeyeen heerkul kala duwan, ayagoo hadba eegayey sida ay ili ma qabatadu u shaqaynayso iyo marxaladaha ay marayso, kiimikada ka dhalanaysa, iyo is beddelka ay keenayso.

“Ma aha wax aan caadi ahayn in la arko dhir ka ag baxaysa meel uu neef ku bakhtiyey, waana caddayn si sahlan u muujinaysa in nafaqooyinka jirka ku jira ay dib ugu laabtaan hanaanka dabiiciga ee nolosha dabeecadda (Ecosystem)” ayey tiri Dr. De Bruyn.

“In ili ma qabatadeennu ay door weyn ka qaadato hanaankaas, waa mid ka mid ah sida aan isha lagu arki karin ee aan u noolaaneyno geerida ka dib” ayey sii raacisay. Natiijada daraasadda ayaa lagu qoray majalladda Ecological Processes.