Dagaalka Mareykanka iyo Israa'iil ee Iiraan: Maxay Tehran markan si degdeg ah ugu jawaabtay?

Iiraan

Xigashada Sawirka, Jalaa MAREY / AFP via Getty Images

Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Aroornimo oo ah ayaa waxa ay Iiraan ku waa-bariistay mowjado gantaallo ah oo aan hore loo arag, kuwaas oo lagu beegsaday taliyeyaasha milatariga Iiraan, mas'uuliyiinta Jamhuuriyadda Islaamiga ah iyo warbaahinta dowladda, Iiraan waxaa saaacado badan ku qaatay in ay gaaraan go'aan ay jawaab kaga bixinayaan waxa ku dhacay.

Weerarkaasi oo ahaa kii ugu horreeyay ee dal shisheeye ku qaado Iiraan tan iyo dagaalkii siddeedda sano socday ee ay la gashay Ciraaq, wuxuu ahaa waayo-aragnimo cusub oo ay heshay Jamhuuriyadda Islaamiga ah.

13-ka Juun 2025, subaxnimadii ayey Israa'iil waxay billowday weerarradeeda ka dhanka ah Iiraan, waxa ay ahayd qiyaastii 6:30 subaxnimo, sida ay sheegeen ciidamada Israa'iil, la fuliyay shan mowjadood oo weerarro ah oo lagu qaaday Iiraan. Qiyaastii 7 subaxnimo, waxaa la soo saaray bayaankii ugu horreeyay ee Taliska Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Iiraan, kaas oo xaqiijiyay dilka dhowr taliye oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka. Bayaankaas, Taliska Guud wuxuu ku digay inuu ka jawaabi doono weerarradaas.

Si kastaba ha ahaatee, waxay ku qaadatay saacado badan ka hor inta aan la bilaabin jawaabtii ugu horreesay ee weerarrada Iiraan ku qaadday Israa'iil.

Sagaalkii fiidnimo ayey Iiraan tuurtay gantaalladii ugu horreeyey ee kaga jawaabeesay duqeymihii lagaga laayey saraakiisha ee subaxaas dhacay, Israa'iil ayaana ku dhawaaqday in ay soo dhaceyn gantaalladii ugu horreeyay ee Iiraan ka soo riday dhankeeda.

Beegsiga xarumaha taliska ciidamada qalabka sida ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah, iyo sidoo kale taliyeyaasha Ilaalada Kacaanka, waxa uu carqaladeeyay oo uu isbeddel ku keenay hab-raaca go'aan qaadashada ee saraakiisha milatariga Iiraan.

Tehran

Xigashada Sawirka, Getty Images

Tehran

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dad ayaa u cararaya gabbaad ka dib markii sireenada laga maqlay Telabiib

Ku dhowaad sagaal bilood kaddib, markale maanta si wadajir ah ayey Israa'iil iyo Maraykanka weerar ugu qaadeen Iiraan, saacado yar uun ka dib, gambaleelka digniinta ayaa laga maqlay Israa'iil iyo sidoo kale dalal Carbeed oo dhowr ah oo ku yaalla gobolka, waxaana sidoo kale la baahiyay warar ku saabsan qaraxyo ka dhacay magaalooyin kala duwan oo gobolka Bariga dhexe ah.

Tallaabadan waxa ay muujinaysaa in uu isbeddelka ku yimid qaab-dhismeedka go'aan qaadashada mas'uuliyiinta militariga Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.

Hamid Reza Azizi, oo ah falanqeeye arrimaha Bariga Dhexe, ayaa u sheegay BBC: "Dagaalkii 12-ka maalmood ee sanadkii hore ka dib, waxaa jiray calaamado muujinaya in nidaamku u dhaqaaqay dhinaca daadejinta awoodda ee arrimaha amniga iyo milatariga, oo ay ku jiraan gantaallada, isla markaana xarumaha gantaallada ee gobollada la siiyay awoodo u saamaxaya inay hawlgallada sii wadaan xitaa haddii uu go'o xiriirkooda xarunta dhexe."

Tehran

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Qiiq ka kacaya Baxrayn ka dib gantaal ku dhacay

Sida uu sheegay Azizi, xaaladdani waxay muujinaysaa in awoodda jawaabta hore loo fasaxay; taas oo macnaheedu yahay in ciidamada Iiraan loo xilsaaray inay bilaabaan oo ay sii wadaan duqeymaha ka dhanka ah Israa'iil haddiiba ay weerar bilowdo, halkii ay ka sugi lahaayeen isku-dubarid iyo amar ka yimaadda xarunta dhexe.

Tallaabadan ayaa u muuqaata mid laga arki karo jawaabta degdeg ah ee ay bixisay Iiraan maanta, kadib markii ay soo dhaceen gantaalladii ugu horreeyey ee ay soo ridaan Israa'iil iyo Maraykanka.

Tehran

Xigashada Sawirka, Getty Images

Azizi, isagoo xusay in falcelinta Iiraan ee weerarrada Israa'iil iyo Maraykanka ay markan ahayd mid aad u dheqse badan, wuxuu yiri: "Saacado yar gudahood ayaa rasaas gantaallo ah laga tuuray qaybo kala duwan oo Iiraan ah, waxaana lala beegsaday bartilmaameedyo ku yaalla Telaabiib caasimadda Israa'iil iyo Haifa. Dhanka kale, waxaa sidoo kale jiray warar sheegaya in saldhigyo Maraykan ah oo ku yaalla gobolka la weeraray."

Azizi wuxuu aaminsan yahay in arrintani muujinayso in Jamhuuriyadda Islaamiga ah aysan hadda lahayn "khad cas" go'an, isla markaana ay doonayso inay si buuxda oo awooddeeda oo dhan ah uga jawaabto weerarradan