Mareykanka iyo Iiraan oo duqeymo isweydaarsaday iyo Trump oo sheegay inay xabad-joojinti weli sii jirto

Trump oo sheegay in xabbad-joojinta u dhexeysa Maraykanka iyo Iiraan ay weli sii jirto kadib is-weydaarsi duqeyn kooban oo dhex martay labada dhinac.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Imaaraadka oo la ogaaday in uu si qarsoodi ah maraakiib shidaal u mariyey marinka Hormuz

    .

    Xigashada Sawirka, EPA

    Warbixin gaar ah oo Reuters baahisay ayaa sheegtay in Imaaraadka Carabta (UAE) uu si qarsoodi ah maraakiib shidaal uga gudbiyay marin-biyoodka Hormuz, iyagoo damiyay qalabka lagu raadraaco maraakiibta si looga fogaado weerarro Iran kaga yimaada.

    Ugu yaraan afar markab ayaa qaaday malaayiin foosto oo shidaal ah bishii April, kuwaas oo loo diray Kuuriyada Koonfureed, Malaysia iyo Cumaan. Tallaabadan ayaa muujinaysa sida UAE ay u doonayso inay sii waddo iibinta shidaalka inkastoo dagaalka Bariga Dhexe iyo khatarta amni ee ka jirta Hormuz.

    Iran ayaa si weyn u xaddiday maraakiibta isticmaasha marin-biyoodka kadib dagaalka u dhexeeya Iran iyo xulafada Mareykanka iyo Israel, taasoo sare u qaaday qiimaha shidaalka caalamka in ka badan $100 halkii foosto.

  2. Yaa ku guulaystay dagaalka Iran iyo Maraykanka?

    Dagaalka hadda u dhexeeya Maraykanka iyo Israa'iil iyo Iran ayaa laga yaabaa inuu soo afjarmo. Ugu yaraan, taasi waa fariinta ka imanaysa Washington.

    Ka dib dhowr toddobaad oo xabbad joojin ah, Talaadadii, May 5-teedii, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa ku dhawaaqay in Howlgalka Epic Fury uu si wax ku ool ah u dhammaaday.

    Su'aasha dad badan maskaxda ku hayaan ayaa ah: Yaa guuleystay? Jawaabtu waxay ku xiran tahay cidda sheekada ka warramaysa.

    Dalka Iran, warbaahinta dowladda ayaa soo bandhigaysa cadeyn ah in dalkaasi uu u istaagay kana adkaaday xulafada militari ee ugu awooda badan caalamka.

    Magaalada Washington, madaxweyne Donald Trump iyo maamulkiisa ayaa sidoo kale ku dhawaaqaya guul waxayna si joogta ah u sheegaan inay gaareen hadafkoodii.

  3. Madaxweynaha Koonfur Afrika oo in uu iscasilo loogu baaqayo

    Hoggaamiyaha mucaaradka Koonfur Afrika Julius Malema ayaa ugu baaqay Madaxweyne Cyril Ramaphosa inuu is casilo, kadib markii Maxkamadda Dastuuriga ah ay go’aamisay in baarlamaanku jebiyay dastuurka markii uu hor istaagay qorshe xilka looga qaadayo sanadkii 2022.

    Kiiskan wuxuu la xidhiidhaaa lacag dhan $580,000 oo laga xaday guriga Ramaphosa, taasoo lagu qariyay kursi fadhiga hoostiisa. Madaxweynaha ayaa beeniyay wax khalad ah.

    Go’aanka maxkamadda ayaa hadda suuragelin kara in dib loo bilaabo dacwadihii xil ka qaadista, xilli xisbiga ANC uusan hadda lahayn awooddii buuxday ee baarlamaanka.

  4. Waddammada adduunka oo baadigoob uga jira dadkii saarnaa markabkii laga qaaday hantavirus

    Hay’adaha caafimaadka adduunka ayaa si degdeg ah u baadi-goobaya tobannaan qof oo ka degay markab dalxiis ka hor inta aan la ogaan cudurka hantavirus, iyo sidoo kale cid kasta oo si dhow ula xiriirtay tan iyo markaas.

    Shan kiis ayaa hadda la xaqiijiyay, kuwaas oo saddex ka mid ah ay geeri noqdeen, kadib markii cudurku ka dillaacay markabka Dutch-ka ah ee MV Hondius, sida ay sheegtay Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO).

    Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan caafimaadka ayaa sidoo kale sheegtay in cudurkan uusan ahayn bilowga faafitaan caalami ah sida Covid-19 oo kale lix sano kahor, maadaama noocan hantavirus uu ku faafo oo keliya “xiriir dhow oo gaar ah”.

    Si kastaba ha ahaatee, maadaama muddada uu cudurku isku qarin karo ay gaari karto ilaa lix toddobaad, WHO waxay sheegtay in ay suurtagal tahay in kiisas kale la soo sheego.

  5. Wax ka ogow Tuulada Soomaalida ee UK ee aadka loo booqan jiray 1904

    Sheekada ku saabsan sida tuulo Soomaali ah ay u noqotay xarunta bandhig weyn oo lagu qabtay Bradford sanadkii 1904 ayaa hadda lagu soo bandhigayaa meel wax yar u jirta halkii markii hore laga dhisay.

    Tuuladaas waxaa muddo lix bilood ah sanadkii 1904 lagu dejiyay 57 rag, dumar iyo carruur Muslimiin Soomaali ah oo laga keenay Somaliland kuna noolaa Lister Park, waxaana booqday tobannaan kun oo qof.

    Iyadoo qayb ka ahayd Bandhiggii Bradford ee 1904, inta badan faa'iidada laga helay Tuulada Soomaalida waxaa loo isticmaalay horumarinta ururinta farshaxanka ee Cartwright Hall ee ku taal Lister Park.

    Bandhigga Weaving Together Industry, Culture and Empire, oo ka furmaya Cartwright Hall 9-ka May, waxaa ku jira waxyaabo qadiimi ah oo la helay, iyo sidoo kale kaarar boosteejo, sawirro iyo filimaan casri ah oo laga sameeyay tuulada iyo bandhigga.

    Dadka howsha wada Yaxya Birt iyo Cabira Xuseen ayaa sheegay in noocyadan kooxaha socdaalka ah ay aad caan uga ahaayeen Yurub iyo Ameerika xilliyadii Victoria iyo Edwardian.

  6. Instagram oo qaadday tallaabo saamaynaysa dadka isticmaala

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Isticmaalayaasha Instagram ayaan laga bilaabo maanta oo Jimce ah aan mar dambe awoodi doonin inay diraan fariimo si buuxda u gaar ah, kadib markii guud ahaan caalamka laga joojiyay adeegga fariimaha ee loo yaqaan “end-to-end encryption”.

    Ka saarista nidaamkan sirta ah ee fariimaha ayaa loo arkaa isbeddel weyn oo ku yimid siyaasadda shirkadda iska leh Instagram ee Meta. Shirkaddu horey waxay tiknoolajiyadan ugu tilmaami jirtay heerka ugu sarreeya ee ilaalinta xogta gaarka ah ee isticmaalayaasha.

    Go’aankan ayaa waxaa cambaareeyay kooxaha u dooda xuquuqda gaarka ah, balse waxaa soo dhaweeyay hay’adaha ilaalinta carruurta, kuwaas oo sheegay in fariimaha sirta ah ay fududeyn karaan marin-habaabinta carruurta iyo tacaddiyada jinsiga.

    Meta ayaa sheegtay in sababta isbeddelkan ay tahay iyadoo dad aad u yar ay doorteen isticmaalka adeeggaas.

  7. Iran oo Maraykanka ku eedaysay in uu 'isasoo miidaamiyey' halkii heshiis gaadhi lahaa

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran, Abbas Aragchi, ayaa ku eedeeyay Maraykanka in heshiis diblomaasiyadeed in uu dhaco ay ka doorbideen waxa uu ku tilmaamay “halis siyaasadeed oo aan garasho ku dhisnayn.”

    Qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada ayuu Mr Aragchi ku sheegay in mar kasta oo xal diblomaasiyadeed oo khilaafka lagu dhameyn karo miiska saarnaa, Washington ay dooratay “tallaabo militari oo qar iska tuur ah.”

    Hadalladiisa ayaa yimid kadib markii labada dhinac ay isku eedeeyeen isku dhac militari oo culus oo ka dhacay marin-biyoodka Hormuz. Dagaalka ayaa dhacay inkastoo ay jirtay xabbad-joojin uu madaxweyne Donald Trump ku adkeysanayo inay wali dhaqan galayso.

    Mr Aragchi ayaa sheegay in sabab kasta ha noqotee, Iran aysan waligeed u liici doonin cadaadis.

  8. Siyaasiga Somaliland taageera ee xibigiisu sida weyn ugu guulaystay doorashadii Ingiriiska

    .

    Xigashada Sawirka, EPA

    Illaa hadda sida muuqata, xisbiga Reforrm Party, ee garabka midig ayaa horkacaya doorashada deegaanka ee Egland. waana Xisbiga uu hoggaamiye Nigel Farage, oo muddooyinkii u danbeeyey taageeradiisu kor u sii kacaysay.

    Nigel Farage waa siyaasi si weyn uga muuqdo masraxa siyaasadeed ee Britain iyo Midowga Yurub.

    Wuxuu waday olole ballaaran oo uu Ingiriiska kaga baxayo Midowga Yurub, waxaa uu ka mid yahay dadkii garwadeenka ka ahaa aftidii ka bixidda Britain ee Midowga Yurub.

    Nigel Farage ayaa horraan taageeray Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland oo uu ku ammaanay sida ay u xoojisay nabadda.

    Nigel Farage ayaa sheegay in natiijooyinkan ay ka dhigan yihiin “isbeddel taariikhi ah oo dhab ah oo ku yimid siyaasadda Britain.”

  9. Labadii xisbi ee ugu weynaa Ingiriiska oo doorashadii lagaga gacan sarreeyey

    .

    Xigashada Sawirka, PA Media

    Natiijooyinka hordhaca ah ee doorashooyinka deegaanka ee England ayaa muujinaya khasaare weyn oo soo gaaray labada xisbi ee taariikh ahaan ugu waaweyn dalka, xisbiga talada haya ee Shaqaalaha ama Labour-ka iyo xisbiga mucaaradka ah ee asalraacaa ah ee Conservative-ka.

    Doorkan, Xisbiga garabka midig ee Reform Party ayaa noqday guuleystaha ugu weyn ilaa hadda. Ra’iisul wasaare Keir Starmer ayaa sheegay inuu qaadayo mas’uuliyadda jabka xisibigiisa, balse uusan iscasili doonin.

  10. WFP oo ka digaysa in Soomaaliya qarka u saaran tahay 'macaluul'

    Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ayaa ka digtay in Soomaaliya markale qarka u saaran tahay macaluul, iyadoo xaaladda abaartu iyo gaajada ay si degdeg ah uga sii darayaan. Agaasime ku xigeenka WFP, Matthew Hollingworth, ayaa sheegay in lix milyan oo Soomaali ah ay hadda wajahayaan cunto yari daran, halka laba milyan oo ka mid ah ay marayaan heer hal tallaabo u jira macaluul rasmi ah.

    Wuxuu sheegay in saddex xilli-roobaad oo xiriir ah ay fashilmeen, taasoo sababtay dalagyo burburay, xoolo dhintay iyo nolol-maalmeedyo dabar go’ay. Gobollo ay ka mid tahay Puntland ayaa biyo la’aan daran laga soo sheegay, iyadoo qoysas badan ay ka barakaceen deegaannadooda si ay u raadsadaan cunto, biyo iyo gargaar.

    WFP waxay sheegtay in ku dhawaad laba milyan oo carruur ah ay la ildaran yihiin nafaqo darro ba’an, boqolaal kun oo ka mid ahna ay halis ugu jiraan xaaladda ugu daran ee nafaqo darrada.

    Hay’addu waxay sidoo kale sheegtay in colaadaha iyo amni darrada ay adkeeyeen gaadhsiinta gargaarka, halka saameynta dagaallada Bariga Dhexe ay sare u qaadeen qiimaha cunnada iyo shidaalka gudaha Soomaaliya. Qiimaha cuntada ayaa meelaha qaar kordhay ilaa 70%, halka shidaalkuna uu kor u kacay 150%.

    WFP ayaa sheegtay in dhaqaale yari xooggan ay sababtay in gargaar badan la joojiyo. Tirada dadka la gaadhi jiray ayaa hoos uga dhacday in ka badan laba milyan sanadkii hore, iyadoo WFP ay sheegtay inay hadda caawin karto keliya hal qof 10kii qof ee u baahan gargaar.

    Hay’addu waxay ugu baaqday beesha caalamka inay si degdeg ah u kordhiso taageerada si looga hortago in xaaladdu isu beddesho masiibo bani’aadamnimo oo hor leh, iyadoo xustay in sanadkii 2022 tallaabo degdeg ah oo caalami ah lagu baajiyay macaluul ka dhacda Soomaaliya.

  11. Shiinaha oo ka hadlay waxa ka jira in markabkiisa la weeraray

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha ayaa Jimciha maanta ah xaqiijisay in markab siday saliid iyo shaqaale Shiinees ah lagu weeraray Gacanka Hormuz, iyadoo walaac xooggan ka muujisay maraakiibta ay saameeyeen colaadda ka socota Bariga Dhexe.

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha, Lin Jian, ayaa shir jaraa'id ku sheegay in ay jiraan muwaadiniin Shiinees ah oo saarnaa markabka, isagoo xusay in aan weli la soo werin wax dhaawac ah oo soo gaaray shaqaalaha markabka.

    Wakaaladda wararka Shiinaha ee Xiamen ayaa Khamiistii werisay in markab shidaal oo Shiinees ah lagu weeraray meel u dhow marin biyoodka Hormuz Isniinti.

    Sidoo kale akhri

  12. Dawada gaaska balse haweenka ay si kale u isticmaalaan

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ilma iska soo xaaqidda, waa wax kala qeybsanaan ballaaran ka dhex abuuray waddamo badan oo caalamka ah, waxaana laga mamnuucay qaar kamid ah dalalkaas.

    Arrintan ayaa sidoo kale saameyn wanaagsan ku leh nolosha malaayiin haween ah oo dunida ku nool.

    Kuwa go'aansada inay ilmaha iska soo xaaqaan, waxay keliya u mari karaan laba waddo, oo kala ah qalliin ama arrimo caafimaadkooda la xirriira.

    Hay'adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sheegtay in la adeegsan karo dawooyinka qaar si ilmaha loo soo saaro.

    Waxay sheegtay in hadii la heli waayo dawada mifespristone, la isticmaali karo dawada kale ee misoprostol keliya.Ha yeeshee dawadan, looguma talo galin ilma iska soo rididda. Waxaa loo isticmaalaa gaaska caloosha, waxaana suuqa ay soo gashay bartamihii 1980-yadii iyadoo markaas la oran jiray Cytotec.

    Haween ka soo jeeda koonfurta waddanka Mareykanka ayaa noqday dadkii ugu horeeyay ee ogaaday in siyaabo kale loo isticmaalo karo dawada, oo ah in loo adeegsan karo ilma iska soo xaaqidda.

  13. 7- daan waxyaabood sameey hadaad rabtid nolol tan ugu fiican

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Emma Barnett oo ka tirsan BBC-da ayaa la hadashay labo haween ah oo wax ka qoray khibradda noloshooda.

    Georgina Scull iyo Tanya Shadrick waxay soo mareen xaalado caafimaad oo ay geeri ugu dhawaadeen, waxayna sharraxayaan sida ay mar labaad farxad ugu heleen nolosha. Labada qoraa ayaa ku taliyay in la raaco qodobbo suurtagelin kara in la gaaro nolol horumar leh.

    1. Daacad ka noqo waxa aad rabto

    Nolosheenna waxa ay ka kooban tahay qaybo badan, sida saaxiibbo, qoys iyo shaqo. Waxaa jira isbadallo aan rabno inaan samayno mararka qaar.

    Georgina waxa ay ku talisay in aan muddo kaddibba dib u eegis ku samayno nolosheenna, aana meesha ka saarno waxyaabaha hor taagan farxaddeenna.

    Inaan ku xirnaanno oo keliya dadka na farxad gelinaya. Tanya waxay iyaduna dhankeeda sheegtay in ay caadi tahay in qofku uu ka qoomameeyo waxyaabaha qaar ama uu damco in uu khirad cusub raadiyo marka uu dareemayo in ay jiraan waxyaabo uusan ku qanacsanayn.

    Waxay adkaysay muhiimadda ay leedahay inaan dhagaysanno waxa uu noo sheegayo qalbigeenna, sidoo kalena ku kalsoonaanno nafteenna annagoo dulqaad samaynayna.

    2. Dib ha u dhigin waxa aad samayn rabto

    Qof walba waxa uu leeyahay qorsheyaal ku aaddan mustaqbalka noloshiisa, balse mararka qaar haddii diiradda oo dhan la saaro mustaqbalka waxaa yaraan kara guulaha laga gaaro xaaladda markaas lagu jiro.

    Georgina waxay ku talinaysaa in wax walba oo aad damacsan tahay aad islamarkaas ku dhaqaaqdo.

  14. Waxa saq dhexe xalay Hormuz ku dhex maray Iiraan iyo Mareykanka.

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in xabbad-joojinta u dhexeysa Maraykanka iyo Iiraan ay weli jirto kadib, markii labada dhinac ay rasaas is-weydaarsadeen goor dambe oo habeenkii Khamiista ah.

    Taliska ugu sareeya ciidamada Milatariga Iiraan ayaa ku eedeeyay Mareykanka inuu bartilmaameedsaday Markab shidaal oo Iiraan leedahay iyo mid kale oo ku sii jeeday marinka Hormuz.

    Waxaa kale oo ay ku eedeysay weerarro cirka ah oo lagu qaaday dhowr deegaan oo dhaca Iiraan.

    Mareykankana waxaa uu sheegay inuu dhankiisa ka jawaabayo weerarro Iiraan ku qaaday maraakiib dagaal oo u Mareykanka leeyahay oo ku sugnaa marinkaas.

    Waxaa uu Mareykanku sheegay inuu isagu qaaday duqeymo “is-difaac ah”.

    Xiisaddan cusub ayaa timid maalin kadib markii wasaaradda arrimaha dibedda ee Iiraan ay sheegtay inay ka fiirsaneyso hindise ka yimid Mareykanka oo lagu soo afjaro dagaalka.

    Sida laga soo xigtay wargeyska Axios, soo jeedinta Maraykanka ayaa ka kooban shuruudo dhiirigelinaya joojinta dagaalka.

    Warbixintu waxa kale oo ay sheegtay in Maraykanku uu filayo in uu jawaab ka helo Iran 48 saacadood gudahood balse waxa uu wali sii wadaa go'doominta dekedaha Iran.

    Sidoo kale akhri

  15. Awoodda milatari ee Soomaaliya iyo kaalinta ay gashay sanadkii tegay

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Global Firepower Index, oo sanadkiiba mar lagu qiimeeyo ccududda ciidan ee dalalka caalamka, ayaa ah isha ugu weyn ee laga helo xogta milatari ee la aamini karo.

    Qiimayntan ayaa ku salaysan xog laga helay ilo kala duwan oo lagu kalsoonaan karo, laga soo bilaabo dalalka ugu awoodda badan ilaa kuwa ugu yar. Awoodda ciidan ee waddamada lagu soo daray darajadan laguma qiyaaso oo kaliya inta ay le'eg yihiin cududdooda ciidan iyo hubka ay wataan.

    Liiska shuruudaha loo yaqaan 'Power Index Score', oo ka kooban 50 dhibcood, ayaa loo isticmaalaa si loo go'aamiyo darajadan. Kuwaas waxaa ka mid ah tirada dadka, tirada ciidamada, tirada iyo nooca hubka, kheyraadka dabiiciga ah, awoodda dhaqaale, muuqaalka, iyo kuwa kale.

    Soomaaliya ayaa keliya ka sarreysa saddex dal marka la eego dalalka 145-ta ah ee la qiimeeyay, waxayna ku jirtaa kaalinta 142-aad waana dalka 36aad Afrika marka la eego awoodda militari.

    Dalalka Maraykanka, Ruushka, Shiinaha, Hindiya iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa ku kala jira dalalka ugu awoodda badan caalamka, kuwaas oo kala galay min shan ilaa shan, iyadoo dalalka kale ee reer galbeedka iyo kuwa kaleba ay soo galeen qiimayntan.

  16. Wax ka ogoow gantaalka awoodda cajiibka ah leh ee dalkan Muslimka ah sameystay

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Gantaal biyo ku dhacaya

    Xarunta Cilmi-baadhista iyo Horumarinta ee Wasaaradda Difaaca Qaranka ee Turkiga ayaa soo bandhigtay gantaalkii ugu horreeyay ee qaaradaha isaga goosha ee dalkaasi samaysto, kaas oo loo bixiyay "Yıldırım Han".

    Gantaalka Yıldırım Han ayaa maalintii ugu horreysay lagu soo bandhigay xuska caalamiga ah ee SAHA Expo ee magaalada Istanbuul, kaas oo bilaabmay 5-ta May islamarkaana socon doona ilaa 9-ka May.

    Dhinac ka mid ah gantaalka waxaa ku sawiran astaanta Suldaankii Cusmaaniyiinta Bayezid I, halka qaybtiisa sare ay ku taallo astaanta Mustafa Kemal Atatürk.

    Bayaan uu soo saaray wasiirka difaaca qaranka Turkiga, Yaşar Güler, ayuu ku sheegay in kani yahay gantaalkii ugu horreeyay ee dalka oo ku shaqeeya shidaal dareere ah, isla markaana leh astaamaha gantaallada hypersonic-ga.

    Waxa uu sidoo kale sheegay in kani uu yahay gantaalkii ugu masaafada fogaa ee ay Turkigu abid sameeyaan.

    Maxaan ka og nahay gantaalkan?

    Ilaa hadda, xogta farsamo ee la heli karo ee ku saabsan gantaalkan waa mid xaddidan.

    Sida ku qoran jaantus la dhigay agagaarka gantaalka lagu soo bandhigay, gantaalka "Yıldırım Han" wuxuu gaadhi karaa masaafo dhan 6,000 kiiloomitir. Waxa ku rakiban afar matoor, wuxuuna ku jari karaa xawaare 25 jeer ka dheereeya guuxa.

    Gantaalkan waxa uu isticmaali doonaa shidaal dareere ah.

  17. Haweeney kashiftay arrin sir u ahayd iyada iyo bilyaneerka caanka ah

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Xubin hore oo ka tirsaneyd guddiga OpenAI ayaa sharraxday sida xiriirkeeda gaarka ah ee aan caadiga ahayn ee ay la lahayd Elon Musk uu ugu dambayn u noqday inay u dhasho afar carruur ah.

    Shivon Zilis ayaa saacado badan ka marag furtay maxkamad federaal ah oo ku taalla Oakland, California Arbacadii, taas oo qayb ka ahayd dacwad uu Musk ku doonayo inuu dib uga noqdo isbeddelka OpenAI ee ku aaddan noqoshada shirkad faa'iido-doon ah.

    Ujeeddada in Zilis ay kasoo muuqato dacwadda marag-furka waxay ahayd doorkeeda tooska ah ee wada-hadalladii hore ee ay la lahayd Musk ee ku saabsanaa in shirkaddu noqoto mid faa'iido-doon ah, iyo sidoo kale sida ay ula shaqeysay Musk isla markaana ay xiriir ula yeelatay intii ay talo bixin siinaysay OpenAI.

    "Weli si dhab ah ayaan u doonayay inaan noqdo hooyo, Elon-na wuxuu ii soo bandhigay arrintaas waqtigaas, aniguna waan aqbalay," ayay tiri, iyadoo sharraxaysa in Musk sannadkii 2020 uu u soo bandhigay inuu ugu deeqo shahwo.

    "Wuxuu dadka ku xeeran dhammaantood ku dhiirrigelinayay xilligaas inay carruur dhalaan, wuxuuna ogaaday inaanan anigu lahayn carruur. Wuxuu ii soo bandhigay inuu deeq bixiyo," ayay Zilis tiri.

  18. Maxay ka wada hadleen Madaxweynaha Iiraan iyo Aayatulla Mojtaba Khamenei?

    Mojtaba

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Madaxweynaha Iiraan, Masoud Pezeshkian, ayaa Khamiistii shaaca ka qaaday in uu la kulmay hoggaamiyaha cusub ee sare, Mojtaba Khamenei.

    Pezeshkian ayaa kulanka ku tilmaamay “mid dheer oo qaatay ku dhowaad laba saac iyo badh, kana dhacay jawi wanaagsan,” sida ay baahisay wakaaladda rasmiga ah ee wararka Iiraan ee IRNA.

    Pezeshkian ayaa hadalladan sheegay intii uu kulan kula jiray ganacsato ka tirsan Wasaaradda Warshadaha, Macdanta iyo Ganacsiga, halkaas oo madaxweynaha dalku uu ku ammaanay habka fikirka ee hoggaamiyaha cusub iyo sida uu ula tacaalo arrimaha kala duwan.

    Pezeshkian ma uusan sheegin goorta uu kulankani dhacay, balse hadalkiisa ayaa leh muhiimad gaar ah maaddaama xogta ku saabsan hoggaamiyaha cusub tan iyo markii uu xilka qabtay ay si weyn qarsoodi u ahayd — gaar ahaan iyadoo ay jireen warar la isla dhexmarayay oo ku saabsan dhaawacyo culus oo soo gaaray, iyo su’aalo laga keenay cidda dhab ahaantii maamusha arrimaha dalka.

  19. CENTCOM: ''Iiraan ayaa weerarka bilowday''

    Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa sheegay in Iiraan ay weerartay maraakiibtooda dagaalka ee badda xilli ay marayeen marinka Hormuz kuna sii jeedeen Gacanka Cumaan, balse ciidammadoodu “ay ka hortageen weerarrada aan sababta lahayn ee Iiraan” islamarkaana ay uga jawaabeen is-difaac ahaan.

    CENTCOM ayaa bayaan ku yiri: “Ciidamada Iiraan waxay fuliyeen weerarro badan oo isugu jiray gantaallo, diyaarado aan duuliye lahayn iyo doomo yaryar, xilli ay maraakiibta USS Truxton (DDG 103), USS Rafael Peralta (DDG 115) iyo USS Mason (DDG 87) marayeen biyaha caalamiga ah.”

  20. Iiraan oo war ka soo saartay weerar la sheegay in Maraykanku uu ku qaaday maraakiibteeda

    Taliska Khatam al-Nabiyya oo mas’uul ka ah maareynta dagaalka ee Iiraan, ayaa soo saaray bayaan saacad kaddib markii ay soo baxeen warar ku saabsan weerarro iyo is-weydaarsi rasaas ah oo ka dhacay agagaarka marinka Hormuz, isagoo weerarrada ku tilmaamay “kuwo xadgudub ku ah xabbad-joojinta ah.”

    Bayaan-ka ayaa lagu yidhi: “Ciidammada gardarrada iyo burcadda ah ee Mareykanka ayaa jebiyay xabbad-joojinta iyagoo beegsaday markab shidaal oo Iranian ah oo ka soo dhaqaaqay biyaha xeebaha Iiraan ee gobolka Jask kuna sii jeeday marinka Hormuz, iyo sidoo kale markab kale oo galayay marinka Hormuz meel ku beegan dekedda Fujairah ee Imaaraadka Carabta.”

    Markab

    Xigashada Sawirka, Getty Images