Pakistan: Dhexdhexaadiyaha Iran iyo Maraykanka oo ka hadashay weerarkii Imaaraatka lagu qaaday

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ra'iisul wasaaraha Pakistan Shahbaz Sharif oo door dhexdhexaadin ah ka ciyaarayay wada hadalada Mareykanka iyo Iran ayaa si kulul u cambaareeyay gantaalada iyo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee lagu weeraray kaabayaasha rayidka ee Imaaraadka Carabta (UAE).
Imaaraatka Carabta ayaa 4-tii bishan ku dhawaaqay in ay duqeeyeen xarun shidaal oo Iran laga leeyahay oo ku taalla dekedda Fujairah.
Sida ay sheegeen saraakiishu, dab xooggan ayaa ka kacay xarunta weerarka kaddib.
Saddex muwaadin oo u dhashay dalka Hindiya ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen weerarka.
Fujairah, oo ah dekedda ugu weyn Imaaraadka Carabta iyo xarunta keydka saliidda, ayaa lagu bartilmaameedsaday weeraro xitaa ka hor inta aan lagu dhawaaqin xabbad joojinta horraantii Abriil.
Arintan ayaa timid kadib markii ay soo cusboonaatay xiisada ka taagan marinka Hormuz .
Wasaaradda Gaashaandhigga Imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqday in saddex gantaal oo laga soo riday Iran la qabtay, halka midka afraadna uu ku dhacay badda.
War Baraha bulshada la soo dhigay ayaa lagu sheegay in qaraxyada laga maqlay qaar ka mid ah gobolada dalka ay ka dhasheen gantaalo hawada lagu soo tuuray.
Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa shaacisay in sidoo kale la weeraray markab nooca shidaalka qaada ah oo marayey marin biyoodka Hormuz.
Imaaraatka Carabta ayaa ku tilmaamay weerarrada kuwo halis ah oo sii kordhaya. Telefishinka qaranka Iran oo soo xiganaya sarkaal ciidan oo aan magaciisa la shaacin ayaa sheegay in Iran aysan "wax qorsha ah ka lahayn inay beegsato Imaaraadka".
Sidee halkaan lagu soo gaaray
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in ciidamada badda ay bilaabi doonaan hagida maraakiibta ku xayiran marin biyoodka Hormuz iyagoo wata magaca "Hawlgalka Xoriyadda" laga bilaabo Isniintii May 4-teeda.
Madaxweyne Trump waxa uu sheegay in ay jiri doonto "jawaab adag" haddii hannaanka la farageliyo.
Iran ayaa 4-tii bishan ku dhawaaqday in ay bartilmaameedsatay markab militari oo Mareykan ah oo isku dayay in uu ka gudbo marin biyoodka.
Milateriga Mareykanka ayaa beeniyay weerarka, iyagoo markii dambe shaaciyay in markab milateri iyo labo booyad ay ka gudbeen marin biyoodka Hormuz.
Iran ayaa ku gacan seyrtay eedeymaha loo soo jeediyay waxayna ku tilmaantay "mid aan waxba ka jirin" waxayna ku dhawaaqday inay rasaas digniin ah ku ridday markab dagaal oo uu Mareykanka leeyahay.
Kadib Isniintii, Donald Trump wuxuu sheegay in Maraykanku "toogtay" toddobo doonyood oo ah kuwa dheereeya ee Iran oo ku jiray marin biyoodka. Iran waa ay diiday arrintaas.
Marinka Hormuz ayaa ah mid si weyn u xiran ka dib duqeymihii diyaaradaha Mareykanka iyo Israa'iil ee ka dhanka ahaa Iran bishii Febraayo, taasoo Tehran ay kaga jawaabtay xiritaanka marin biyoodkan muhiimka ah.
Marinka, kaas oo qiyaastii boqolkiiba 20 saliidda adduunka iyo gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah ay si xor ah u maraan, ayaa muhiim u ah sahayda tamarta adduunka.
Tan iyo markii uu billowday dagaalka Mareykanka iyo Iiraan bishii Febraayo, waxaa lagu qiyaasay in ku dhawaad 20,000 oo badmaax ah oo saaran ku dhawaad 2,000 oo markab ay ku xayiran yihiin gobolka.
Xabad joojin ayaa lagu dhawaaqay Mareykanka iyo Iran horaantii bishii April, iyadoo Iran ay joojisay weeraradii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalada ee ay ku qaadi jirtay wadamada Khaliijka. Si kastaba ha ahaatee, maraakiib aad u yar ayaa awooday inay maraan marin biyoodka tan iyo markaas. Mareykanka ayaa sidoo kale go'doomiyay dekedaha Iran.
Maxaa ka dhashay?
Fujairah waxay ku taallaa xeebta bari ee Imaaraadka Carabta, oo ka baxsan marin-biyoodka Hormuz.
Dhuumo ka soo bilowda goobaha saliidda ee Abu Dubi ilaa Fujairah, ayaa xaddi xaddidan oo saliid ceyriin ah oo booyadaha qaadi karaa kuwaa oo gayn kara suuqyada adduunka, in kasta oo biyaha si fiican loo xiray.
Horaantii Isniintii, Kuuriyada Koonfureed ayaa sidoo kale sheegtay in qarax uu qabsaday markab taagan xeebaha Imaaraadka Carabta.
Dalka Qatar oo ay jaarka yihiin ayaa cambaareeyay weerarka lagu qaaday markabka Adnoc, waxayna ku baaqday in si shuruud la'aan ah loo furo marinka Hormuz.
Dalka Cumaan, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda, laba qof ayaa ku dhaawacantay ka dib markii la beegsaday dhismo ay degan yihiin oo ku yaalla Bukha, oo ku taal xeebta gacanka Hormuz.












