Iiraan oo gudbisay jawaabtii Mareykanku sugayay oo ku saabsan wadahadallada lagu soo afjarayo dagaalka bilaha socda

Iiraan ayaa markaan diiradda saaraysa soo afjaridda dagaalka iyo xal ka gaarista arrinta marin-biyoodka Hormuz

Kooban

Tebin toos ah

  1. Duqeymo culus oo ay diyaaradaha israa’iil ku qaadeen deegaano ku yaala koonfurta Lubnaan

    Duqeyn

    Xigashada Sawirka, Jalaa MAREY / AFP via Getty Images

    Qoraalka sawirka, Duqeyn

    Wakaaladda Wararka Qaranka ee Lubnaan ayaa sheegtay in dhowr magaalo iyo tuulooyin ku yaalla koonfurta Lebanon ay maanta la kulmeen duqeymo kala duwan oo ay fulisay Israel.

    Wakaaladdu waxay sheegtay in duqeyn cirka ah ay bartilmaameedsatay tuulada Majdal Selm ee degmada Marjeyoun.

    Diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa sidoo kale laba jeer duqeeyay tuulada Srifa iyo aagga Al-Salib ee u dhexeeya tuulooyinka Aytit iyo Qana ee degmada Tyre.

    Sidoo kale, tuulada Deir Zahrani ayaa la sheegay in shan duqeyn lagu qaaday fiidnimadii Axadda.

    Tuulada Jarjouh ayaa sidoo kale lagu qaaday weerar cirka ah, wax ka yar laba saacadood kadib markii ciidanka Israa’iil ay digniin u direen dadka deegaanka inay ka baxaan, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Qaranka.

    Militariga Israel ayaa horay uga digay dadka deggan tuulooyinka Deir al-Zahrani, Jarjouh, iyo Sajd inay ka guuraan, iyagoo sheegay in Hezbollah ay jebisay heshiiskii xabbad-joojinta, isla markaana ay ku qasbanaan doonaan inay “si xooggan uga jawaabaan,” inkastoo ay sheegeen in aysan rabin inay waxyeelleeyaan dadka rayidka ah.

    Milatariga Israa’iil ayaa sidoo kale dadka ku amray inay ka fogaadaan tuulooyinka oo ay u guuraan dhul bannaan oo ugu yaraan 1,000 mitir u jira si loo yareeyo khatarta.

  2. Maraykanku oo qorsheynaya inuu Shiinaha kala hadlo arrinta Iran

    Donald Trump iyo Xi Jinping

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Donald Trump iyo Xi Jinping

    Mas’uul sare oo ka tirsan maamulka Mareykanka ayaa u sheegay Reuters in Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu qorsheynayo inuu arrinta Iran kala hadlo Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, inta lagu jiro booqashadiisa Beijing toddobaadka soo socda.

    Mas’uulku wuxuu sheegay in Trump uu ka codsan doono dhiggiisa Shiinaha inuu cadaadis saaro Iran.

    “Iyadoo aanan magac sheegin, waxaan filayaa in madaxweynuhu uu riixayo arrintan,” ayuu yiri mas’uulku, isagoo intaas ku daray in Trump uu horey si la mid ah ugu soo qaaday arrintan wadahadallo hore oo uu la yeeshay Xi Jinping.

  3. Trump: Waxaan kala hadlay jawaabta Iran Netanyahu

    Netanyahu iyo Trump

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Netanyahu iyo Trump

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa u sheegay warbaahinta Axios in uu kala hadlay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu jawaabta Iran.

    Trump wuxuu adkeeyay in maareynta wada-hadallada Iran ay tahay mas’uuliyad toos ah oo isaga saaran “oo aan cid kale lahayn.”

  4. Trump: Waxaan akhriyay jawaabta Iran, ma jecli, gabi ahaanba waa wax aan la aqbali karin

    Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in uu akhriyay jawaabta Iran balse uu u arkay “mid gabi ahaanba aan la aqbali karin.”

    Trump ayaa bartiisa Truth Social ku qoray: “Waxaan hadda akhriyay jawaabta waxa loogu yeero ‘wakiillada’ Iran. Ma jeclaysan — waa mid gebi ahaanba aan la aqbali karin!”

    Tani waxay imaanaysaa iyadoo mas’uul Iran ah uu u sheegay Al Jazeera in jawaabta Tehran ee soo jeedinta Washington ay tahay “mid togan oo dhab ah,” isla markaana ay keeni karto “hab degdeg ah oo wada-hadal ah” haddii Mareykanku diyaar u yahay.

  5. Dowladda Iraan oo si kulul uga hadashay hadal ka soo yeeray madaxa hay'adda atoomikada

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran ayaa ku eedeysay Rafael Grossi, agaasimaha guud ee hay'adda Qarama Midoobey u qaabilsan atomikada (IAEA), inuu arrinta siyaasadeynayo.

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, Esmail Baghaei, ayaa barta X ku qoray in shaqada hay’addu tahay “xaqiijinta iyo xaqiiqooyinka, ee aysan ahayn dirista farriimo siyaasadeed oo ku saabsan marinka Hormuz, gantaallada Iran, ama dhaqanka Tehran.”

    Sida uu sheegay Baghaei, “marka dhexdhexaadnimada xirfadeed loo adeegsado dano siyaasadeed ama hammi shaqsiyeed, sumcadda hay’adaha way dhaawacantaa, ugu dambeyntiina waxtarkooduna wuu luma.”

    Grossi ayaa toddobaadkii hore wareysi ku sheegay in heshiis kasta oo u dhexeeya Mareykanka iyo Iran uu u baahan yahay rabitaan siyaasadeed oo ka yimaada Tehran.

  6. iran oo shaacisay qodobada ugu muhiimsan ee ay doonayso wadaxaajoodka

    Wakaaladda wararka Tasnim News Agency ayaa soo xigatay ilo xog ogaal ah oo sheegay in faahfaahinta ay daabacday Wall Street Journal ee ku saabsan qoraalka Iran ee la soo jeediyay “aysan ka tarjumayn xaqiiqada dhinacyo muhiim ah,” iyadoo lagu adkeeyay in waxa laga sheegay arrinta nukliyeerka aysan “ sax ahayn.”

    Isha xogta ah ayaa intaas ku dartay in jawaabta Iran ee soo jeedinta Mareykanka ay xoogga saarayso:

    Sidoo kale, Tasnim News Agency ayaa ku soo koobtay in Tehran ay xaqiijinayso in qodobbada ugu muhiimsan ee jawaabteeda ay yihiin: in cunaqabateynta la qaado, dagaalka la soo afjaro, isla markaana Iran ay maamusho maamulka marinka Hormuz.

  7. Iran oo beenisay in Shidaal uu ku qubanayo meel u dhow jasiiradda Kharg

    Jasiirad

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Jasiirad

    Shirkadda dowladda Iran u qaabilsan terminaallada shidaalka ayaa Axaddii beenisay wararka sheegaya inuu jiro shidaal ku daatay meel u dhow jasiiradda Kharg, sida ay baahiyeen warbaahinta dowladda.

    Beeninta Iran ayaa timid kadib markii toddobaadkan la daabacay sawirro dayax-gacmeed muujinaya wasakh ballaaran oo shidaal ah oo ka muuqata galbeedka Kharg, oo ah xarunta ugu weyn ee Iran ka dhoofiso shidaalka ee Gacanka.

    Maamulaha guud ee shirkadda ayaa sheegay in baaritaanno la sameeyay aysan muujin wax caddeyn ah oo ku saabsan daadasho ka timid haamaha kaydka shidaalka, dhuumaha, xarumaha rarista, ama maraakiibta shidaalka qaada ee ka shaqeeya agagaarka jasiiradda.

  8. Trump: Iran waxa ay marin-habaabinaysay Maraykanka iyo caalamka

    Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa ku eedeeyay Iran inay “Maraykanka iyo dunida marin-habaabineysay” muddo 47 sano ah.

    Wuxuu ku qoray bartiisa Truth Social in Iran ay “dishay muwaadiniin Mareykan ah, cabburisay dibadbaxyo gudaha ah,” isla markaana uu sheegay in “42,000 dibadbaxayaal aan hubeysneyn la dilay,” isagoo ku daray in xaaladdaasi aysan sii socon karin.

    Trump wuxuu sidoo kale dhaleeceeyay madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama, isagoo ku tilmaamay “mid daciif ah,” isla markaana sheegay in siyaasaddiisa ay Iran siisay fursad ay ku xoogaysato.

    Wuxuu ku andacooday in Iran ay heshay “faa’iidooyin dhaqaale oo aad u waaweyn” xilligii Obama, oo ay ku jiraan balaayiin doolar.

    Hadalladan ayaa imaanaya kadib markii ilo Iran ah ay sheegeen inay jawaab ka bixiyeen soo jeedin Mareykan ah kadib maalmo sugitaan ah, iyadoo Pakistan oo dhexdhexaadinaysay wadahadalka ay sheegtay inay fariinta u gudbisay Mareykanka.

  9. Masar oo cambaareysay beegsiga markab ganacsi oo maraayay dhul badeedka Qatar

    Khariirad
    Qoraalka sawirka, Khariirad

    Masar ayaa cambaareysay weerarka lagu qaaday markab ganacsi oo xamuul sida gudaha biyaha dhuleed ee Qatar, iyadoo sheegtay in beegsiga maraakiibta ganacsiga iyo kuwa rayidka ahi uu yahay xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo mabaa’diida xorriyadda isu socodka badda, isla markaana uu yahay xaalad halis ah oo khatar gelinaysa amniga marin-biyoodka iyo ganacsiga caalamiga ah.

    Sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar, dalka Masar wuxuu muujiyay garab istaag buuxa oo uu la leeyahay Qatar, wuxuuna taageeray dhammaan tallaabooyinka ay qaadeyso si loo ilaaliyo amnigeeda, madaxbannaanideeda, iyo badqabka isu socodka maraakiibta.

    Masar ayaa sidoo kale ku celisay digniinteeda ku saabsan cawaaqibta halista ah ee ka dhalan karta sii socoshada xiisadda gobolka.

    Wasaaradda Difaaca Qatar ayaa hore maanta u shaacisay in markab ganacsi oo xamuul sida oo ku sugnaa biyaha dhuleed ee Qatar, waqooyi-bari kaga beegan dekedda Mesaieed, kuna sii jeeday halkaas isagoo ka yimid Abu Dhabi, lagu weeraray diyaarad drone ah subaxnimadii maanta.

  10. Trump oo ka hadlay tallaabooyiin militari oo dheeraad ah oo laga qaado Iran

    Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in Mareykanku awood u leeyahay inuu tallaabo militari ka qaado Iran muddo laba toddobaad oo dheeraad ah, isla markaana uu duqeyn karo dhammaan bartilmaameedyada la qoondeeyay.

    Donald Trump, ayaa sheegay inuusan waligiis sheegin in dagaalka Iran uu dhammaaday, balse uu sheegay in Iran “ciidan ahaan laga adkaaday.”

    Mareykanka ayaa wali go'domin ku haya dekadaha dalka Iiraan taasi oo xiisadda uga sii daraysa.

  11. Macron: Faransiisku waxa uu hawlgal ka sameynayaa marin biyoodka Hormuz isaga oo kaashanaya Iran

    Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron

    Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa Axaddii sheegay in dalkiisu “marnaba” aanu doonayn inuu ciidamo badeed geeyo marinka Hormuz , balse uu raadinayo howlgal amni oo “iskaashi iyo isku-duwid” ay wada-jir ula sameeyaan Iran.

    Wuxuu hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Nairobi, kadib markii Iran ay uga digtay Faransiiska iyo Britain “jawaab degdeg ah oo adag” haddii ay ciidamo geeyaan marin-biyoodkan istiraatiijiga ah.

    Mowqifka Macron ayaa hore diiradda u saaray fulinta howlgal “si buuxda difaac ah” oo ku saleysan iskaashi iyo dejinta xiisadda Iran, halkii uu ka noqon lahaa ka qeybgal toos ah oo hawlgallo militari inta lagu jiro colaadaha.

    Ciidamada badda ee Faransiiska ee uu hoggaaminayo markabka dagaalka diyaaradaha qaada ee Charles de Gaulle ayaa ku sii jeeda Gacanka Beershiyaanka.

  12. Trump: Kaydka Iran ee uranium-ka la hodmiyay waa laga qaadi karaa "mar alla markaan rabno

    Trump

    Xigashada Sawirka, Yuri Gripas/Abaca/Bloomberg via Getty Images

    Qoraalka sawirka, Trump

    Wareysi uu siiyay weriyaha Mareykanka Sharyl Attkisson oo loogu talagalay barnaamijka “The National Desk,” Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa ku adkeystay in “Tehran ciidan ahaan laga adkaaday, kaydkeeda uranium-ka la hodmiyana laga dhigay wax lala bixi karaa markasta oo aan doonno.”

    Madaxweynaha Mareykanka ayaa yiri: “Waxaan gaari doonnaa heerkaas waqti uun, markasta oo aan rabno. Waan la socon doonna si aad ah ayaa loo ilaalinayaa, haddii qof u dhowaado meeshaas, waan ogaan doonnaa, waanan duqeyn doonnaa.”

    Trump wuxuu intaas ku daray: “Waxaan u maleynayaa inay jir ahaan suurtagal tahay. Taasi dhibaatadu ma aha haddii heshiis la gaari karo oo lagu dhameyn karo arrinta, maxaa loo sameyn waayay? Taasi waa habka ugu fiican.”

    Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in “howlgallada militari ee ka dhanka ah Iran aysan wali dhammaan.”

  13. Iran oo uga digtay Britain iyo Faransiiska inay ciidamo geeyaan marin biyoodka Hormuz

    Iran ayaa uga digtay Faransiiska iyo Britain in u dirista ciidamadooda marinka biyaha ee Hormuz ay la kulmi doonto jawaab degdeg ah oo ka timaadda Iran.

    Maalmihii la soo dhaafay, Faransiiska iyo Britain ayaa ku dhawaaqay inay u dirayaan maraakiibtooda dagaalka gaar ahaan kuwa wax burburiya marinka Hormuz.

    Labadan dal ee Yurub ayaa sheegay in ciidamadan loo dirayo si ay uga qeyb qaataan howlgal caalami ah oo lagu sugayo amniga maraakiibta iyo isu socodka badda ee Hormuz .

    Waxay sidoo kale sheegeen in howlgalkaasi bilaaban doono marka uu dhammaado dagaalka.

    Xiisadda la xiriirta amniga marin-biyoodkan ayaa sii kordhay toddobaadyadii la soo dhaafay kadib markii Iran ay xirtay Hormuz Strait.

    Tehran ayaa hore uga digtay in joogitaan kasta oo ciidan shisheeye ah oo ku dhow marin-biyoodkan loo tixgelin doono “fal cadownimo.”

  14. Netanyahu: Dagaalku ma dhammaan ilaa la burburiyo uranium-ka Iran ee hodanka ah

    Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu

    Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa qayb ka mid ah wareysi la qorsheeyay in si faahfaahsan loo baahiyo saacadaha soo socda ku sheegay in kaydka uranium-ka hodanka laga dhigay ee Iran ay tahay in la burburiyo si loo yiraahdo dagaalka u dhexeeya Maraykanka, Israa’iil iyo Iran wuu dhammaaday.

    “Dagaalkan weli ma dhammaan, sababtoo ah walxaha nukliyeerka ah, uranium-ka la beekhaamiyay, waa in laga saaraa Iran.

    Xaruumaha lagu sameeyo hodantinimada uranium-ka ee jira waa in la burburiyaa,” ayuu ku yiri wareysi uu siiyay barnaamijka “60 Minutes” ee CBS.

    Wuxuu sidoo kale yiri: “Iran wali waxay taageertaa xoogagga wakiillada ah waxayna soo saartaa gantaallada ballistic-ga ah. Intooda badan waa la burburiyay, laakiin wali shaqo ayaa harsan.”

    Markii la weydiiyay sida uranium-kan looga saari karo, Mr. Netanyahu wuxuu yiri: “sidii markii hore loo keenay, waa in meesha looga saaraa .”

  15. Israel ayaa saldhig kumeel gaar ah ku laheyd saxaraha Ciraaq bilowgii dagaalka Iran

    Labo sarkaal oo Ciraaq u dhashay ayaa maanta u xaqiijiyay wargeyska Wall Street Journal warka sheegaya in Israel ay ka sameysatay saldhig kumeel gaar ah garoon qadiimi ah oo ku yaal saxaraha Ciraaq horaantii dagaalka Iran.

    Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka AFP, horaantii dagaalka Mareykanka iyo Israel la galeen Iran, kaas oo bilowday bishii Feberaayo in ciidamada Ciraaq ay ogaadeen joogitaanka askarta Israel ee saxaaraha Najaf ee koonfur galbeed dalka iyagoo halkaas uu ka dhacay isku dhac keenay dhimashada hal askari oo Ciraaqi ah.

    Sarkaal Ciraaq u dhashay ayaa shegay in isku xir Mareykanka sameeyay ay keentay in “Israel ay saldhig ciidan ka dhigtaan garoon laga guuray ee saxaraha Najaf”.

    Israel hadda ma joogaan balse waxay kaga tageen qalab” ayuu sheegay sarkaalka

    Ma cadda mudada ay Israel joogeen halkaas iyo ujeedka qorshahooda.

    Wararka sheegaya in ciidamo shisheeye ay joogaan saxaraha Najaf ka hor dagaalka ayaa la qoray kaddib markii nin ari jire ah uu sheegay in uu arkay dhaqdhaqaaq militeri . Israel kama hadal codsiga AFP ee la xiriira joogistooda Ciraaq.

  16. Trump: “Anigu ma sheegin in dagaalka Iran lagula jiro uu dhammaaday”

    Madaxweyne Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa u sheegay telefishinka ABC, “Aniga ma oran dagaalki ka dhanka ahaa Iran wuu dhamaaday ee waxaan iri, waa la jabiyay”.

    Madaxweynaha Mareykanka waxa uu sheegay, “ma ogolaan karno in Iran ay haysato hubka nukliyeerka maxaa yeelay waa waalan yihiin. Uma ogolaaneyno in ay helaan nukliyeer sida Obama sameeyay”. Trump waxa uu sheegay in uusan joojin heshiiska nukliyeerka Iran.

    “Waa hore ayey heli lahaayeen hub nukliyeer ah oo ay u adeegsadaan Israel iyo Bariga Dhexe iyo meelo ka baxsan, xitaa waxay haysteen gantaalo sida aad aragtay gaari kara Yurub”.

    Trump waxaa la weydiiyay hadii ay run tahay in uu dhamaaday dagaalka ka dhanka ahaa Iran, waxa uu ku jawaabay, “Ma aanan oran taas. Waxaan iri way guuldareysteen, taasi ma ahan macnaheeda wuu dhamaaday. Labo toddobaad oo kale ayaan ku noqon karnaa dagaalka anagoo beegsaneyno bartilmaameedo. Waxaan haynaa goobo cayiman, 70 boqolkiiba waa duqeynay, waxaa jira bartilmaameedyo kale oo aan duqeyn karno”.

    Trump wuxuu sheegay in dib u dhiska dalka uu qaadanayo sanado badan. Dhawaan ayuu Trump ku hanjabay in uu dib u bilaabayo duqeynta hadii Iran aysan aqbalin qorshaha Mareykanka

  17. Dibadbax ka dhan ah Benjamin Netanyahu oo ka dhacay Tel Aviv

    dibadbax

    Xigashada Sawirka, Jack GUEZ / AFP via Getty Images

    Qoraalka sawirka, Dibadbax

    Qaar ka mid ah dadka deggan magaalada Tel Aviv ayaa sameeyay mudaharaadyo ay kaga soo horjeedaan dowladda Benjamin Netanyahu sababo la xiriira dagaalka Iran.

    Hoos ka daawo sawirada

    Dibadbax

    Xigashada Sawirka, Jack GUEZ / AFP via Getty Images

    Qoraalka sawirka, Dibadbax
    Dibadbax

    Xigashada Sawirka, Jack GUEZ / AFP via Getty Images

    Qoraalka sawirka, Dibadbax
    Dibadbax

    Xigashada Sawirka, Jack GUEZ / AFP via Getty Images

    Qoraalka sawirka, Dibadbax
  18. Madaxweynaha Soomaaliya oo su'aal geliyay sababta mucaaradku maanta ugu soo beegeen bannaanbaxa

    Madaxweyne Xasan

    Xigashada Sawirka, Telefishinka Qaranka

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo khudbad jeediyay ayaa ka hadlay bannaabaxyada ay mucaaradku abaabuleen ee maanta qorshuhu ahaa in Muqdisho ay ka dhacaan.

    Wuxuu su’aal geliyay sababta maanta loogu soo beegay mudaharaadyada maadama sida uu yiri deegaannada Koonfur Galbeed ay ka dhacayaan doorashooyinka isa-saaran ee golaha deegaanka iyo wakiillada mamaulkaas, iyo sidoo kale gogashii dowladdu fidisay oo iyana loo ballansanaa.

    “Bannaabaxa in maanta lagu soo aadiyo iyadoo dalka meel ka mid ah ay ka dhacayso doorasho aad iyo aad u ballaaran, su’aal ayay leedahay” ayuu yiri madaxweyne Xasan. “Wuxuu intaa raaciyay maxaa maanta loogu soo aadiyay oo ay doorasho ka socoto dalka”.

    Madaxweynaha dowladda federaalka ah ayaa ku tilmaamay bannaanbaxyada mucaaradka kuwa ujeedkoodu ahaa in lagu carqaladeeyo Soomaaliya oo aysan ahayn sida uu hadalka u dhigay kuwa niyad samaan loo soo abaabaulay.

    Dhanka kale wuxuu ammaanay hannaanka doorashada looga qabtay deegaannada Koonfur galbeed, isagoo muujiyay in ay wadadaasi tahay tan dalku u jihaystay.

  19. War deg deg ah, War cusub oo ka soo kordhay markab lagu weeraray maanta xeebaha Qadar

    Qadar

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Wasaaradda Difaaca Qadar ayaa xaqiijisay in markab ganacsi oo ka soo safrayay Imaaraadka Carabta kuna sii jeeday dekedda Mesaieed lagu weeraray diyaarad aan duuliye lahayn isagoo ku sugan biyaha Qadar.

    Sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca Qadar, weerarka drone-ka loo adeegsaday ayaa sababay dab yar oo kooban oo ka kacay markabka, balse ma jirin wax khasaare naf ah.

    Warka la soo saaray laguma xusin halka uu drone-ku ka yimid ama jihada uu ka soo dhaqaaqay.

    Warbixinta ayaa sheegtay in markii dabka la damiyay kadib, markabku uu sii watay safarkiisii uu ku wajahnaa dekedda Mesaieed ee Qadar.

    Qaar ka mid ah warbaahinta Iiraan ayaa sheegaya in markabkan xamuulka qaada uu leeyahay Maraykanka isla markaana uu watay calanka Maraykanka.

    Iiraan ayaa horey ugu hanjabtay inay bartilmaameedsan doonto maraakiibta Maraykanka.

  20. War deg deg ah, Faahfaahin ku saabsan jawaabta Iiraan gudbisay

    Iiraan

    Xigashada Sawirka, Wasaaradda Arrimaha dibadda Iiraan / AFP via Getty Images

    Wakaaladda Wararka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee IRNA, ayaa sheegtay in Iiraan ay dirtay jawaabteeda ku aaddan soo jeedin uu Maraykanku keenay oo lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka socday in ka badan laba bilood.

    Wakaaladda wararka ee Iiraan ee IRNA ayaa sheegtay in qorshaha la soo jeediyay, oo loo diray dhexdhexaadiyaha Pakistan, uu marxaladdan diiradda saari doono sidii loo joojin lahaa dagaalka.

    Ilo xog-ogaal ah oo ka kala socda labada dhinac ayaa wakaaladda Reuters u sheegay in dadaalladii ugu dambeeyay ee nabadeed ay ujeedkoodu yahay heshiis is-afgarad ku meel gaar ah oo lagu hakiyo dagaalka isla markaana loo oggolaado maraakiibta inay maraan Marinka Hormuz, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadlayaan heshiis ballaaran oo dhammaystiran, kaas oo ay tahay inuu wax ka qabto khilaafaadka adag sida barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan.