Toddobo qaab oo loogu noolaan karo nolosha ugu fiican

Haweeney qorraxda wajahaysa

Xigashada Sawirka, Getty Images

Emma Barnett oo ka tirsan BBC-da ayaa la hadashay labo haween ah oo wax ka qoray khibradda noloshooda.

Georgina Scull iyo Tanya Shadrick waxay soo mareen xaalado caafimaad oo ay geeri ugu dhawaadeen, waxayna sharraxayaan sida ay mar labaad farxad ugu heleen nolosha.

Labada qoraa ayaa ku taliyay in la raaco qodobbo suurtagelin kara in la gaaro nolol horumar leh.

1. Daacad ka noqo waxa aad rabto

Nolosheenna waxa ay ka kooban tahay qaybo badan, sida saaxiibbo, qoys iyo shaqo. Waxaa jira isbadallo aan rabno inaan samayno mararka qaar.

Georgina waxa ay ku talisay in aan muddo kaddibba dib u eegis ku samayno nolosheenna, aana meesha ka saarno waxyaabaha hor taagan farxaddeenna.

Inaan ku xirnaanno oo keliya dadka na farxad gelinaya.

Tanya waxay iyaduna dhankeeda sheegtay in ay caadi tahay in qofku uu ka qoomameeyo waxyaabaha qaar ama uu damco in uu khirad cusub raadiyo marka uu dareemayo in ay jiraan waxyaabo uusan ku qanacsanayn.

Waxay adkaysay muhiimadda ay leedahay inaan dhagaysanno waxa uu noo sheegayo qalbigeenna, sidoo kalena ku kalsoonaanno nafteenna annagoo dulqaad samaynayna.

2. Dib ha u dhigin waxa aad samayn rabto

Qof walba waxa uu leeyahay qorsheyaal ku aaddan mustaqbalka noloshiisa, balse mararka qaar haddii diiradda oo dhan la saaro mustaqbalka waxaa yaraan kara guulaha laga gaaro xaaladda markaas lagu jiro.

Georgina waxay ku talinaysaa in wax walba oo aad damacsan tahay aad islamarkaas ku dhaqaaqdo.

"Ku soco safarka aad rabto inaad aaddo, la kulan saaxiibka aad la haasaawi rabto, billow hiwaayado cusub. Ma jiro waqti si sax ah ugu habboon in waxyaabahaas la sameeyo. Ku raaxayso waqtiga aad markaas ku jirto," ayay tiri Georgina.

"Mar walba kuma qasbanid in aad yeelatid qorshyeaal cayiman oo noloshaada ku saabsan, balse safar walba waxa uu u qalmaa nolol. Diyaar u ahow khibrad cusub," ayay tiri Tanya.

3. Ha isku dayin inaad baddasho wax tagay

Qaar ka tirsan go'aannada aan qaadanno waxa ay ku saabsan yihiin in aan isku dayno sidii aan u beddeli lahayn wax aan kasoo gudubnay.

"Haddii aad kusoo kortay qoys ay haysteen dhibaatooyin dhaqaale, waxaa laga yaabaa inaad mudnaanta siiso sidii aad lacag ugu heli lahayd noloshaada.

"Ama haddii aad kusoo kortay qoys jacayl badan ku siiyay, waxaa suuragal ah inaad mar walba raadiso jacayl. Balse xasuusnow inaysan suurtagal ahayn inaad baddasho wixii lasoo dhaafay. Waxa keliya ee aan samayn karno inaan si buuxda u wajahno nolosha na hor taalla," ayay tiri Georgina.

4. Naftaada haku xaddidin waqti

Tanya waxay tiri,"Bulshadeenna waxay raadinayaan in ay xal deg deg ah u helaan dhibaatada haysata qof walba. Waxaan samaysannaa ujeeddooyin, sida inaan ku haminno in aan 10 kiilo oo miisaankeenna ah ku ridno hal bil gudaheed. Ama inaan qorshaysanno sidii aan 5 kiiloomitir ugu ordi lahayn lix isbuuc.

"Xaqiiqdii, waxyaabahaas waxaa ka xiiso badan sida aan yoolkeenna u gaarno marka aan qaadanno waqtigaas mid ka dheer."

5. Isku day waxyaabo cusub

"Way sahlan tahay in mararka qaar ay waddada kaasoo xiranto. Isku day inaad isbaddal samayso, sida goobta iyo waxyaabaha aad samayso. La kulan dad cusub. Haddii aadan sidan samayn, adduunka wuu kugu soo koobmayaa," ayay tiri Georgina.

Tanya waxay iyaduna tiri: "Sideed xiiso ugu yeeli kartaa nolosha? Tusaale ahaan, waxaad isku dayi kartaa inaad sheegto liiska 100 wax oo aad jeceshahay. Ku taagnow taas maalmo ama isbuucyo. Marka aad muddo sidaas ku socoto waxaad kala garanaysaa waxa aad ku farxayso iyo waxa ku xiiso gelinaya."

6. 'Aqoonso Jacaylka'

"Kama hadlayo jacaylka lamaaneyaasha. Aqoonso jacaylka aad u qabto saaxiibbadaa, qoyskaaga, naftaada iyo shaqadaada," ayay tiri Georgina.

"Mararka qaar waxaa laga yaabaa in aan aqoonsan wayno qiimaha uu leeyahay jacaylka, isagoo horteenna jooga. Balse waxaa xaqiiqo ah in mid ka mid ah qaababka ugu fiican ee aan nolosheenna farxad ku siin karno uu yahay aqoonsiga jacaylka."

7. Ha qancin dadka kale

"Isku day in aadan ku mashquulin tirada dadka ka hela waxyaabaha aad soo dhigto baraha bulshada, ama sida ay dadku uga hadlaan waxyaabaha dookhaag aah," ayay tiri Tanya.

"Isbeddelka ugu wayn ee aad ku samayn karto nolosha waa inaad aqbasho khibradda cusub. Ha ka qoomamayn wax aad kasoo gudubtay. Isku day inaad ku dhiirranaatid waxyaabaha aad qiimaynayso."