Waa kuma ninka QM uga dhex ololeynaya aqoonsiga Israa'iil ee Somaliland

Xigashada Sawirka, X
Danny Danon waa Safiirka Joogtada ah ee Israa'iil u fadhiya Qaramada Midoobay. Waxa uu dhashay 8-da May 1971, wuxuuna leeyahay waayo-aragnimo dheer oo dhinaca siyaasadda iyo diblomaasiyadda ah.
Danon hore ayuu u soo noqday xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Israa'iil (Knesset), Wasiir, iyo Safiir UN intii u dhaxaysay 2015–2020, ka hor inta aan mar kale dib loogu soo magacaabin xilkan.
Danny wuxuu noqday Israa'iiligii ugu horreeyay ee hoggaamiya guddi ka tirsan QM, kaddib markii 2016kii loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Lixaad (Arrimaha Sharciga). Sannadkii xigayna, wuxuu noqday Madaxweyne Ku-Xigeenka Golaha Guud intii lagu jiray fadhigii 72-aad QM (2017–2018).
Intii uu xilka hayay, Danny Danon wuxuu hormuud ka ahaa go'aanno iyo dadaallo badan oo wax ka beddelay mowqifka Israaiil ee Qaramada Midoobay. Sannadkii 2016, wuxuu hoggaamiyay shirkii caalami ee ugu horreeyay ee QM lagaga soo horjeeday dhaqdhaqaaqa Boycott, Divestment and Sanctions (BDS). Sidoo kale, Danon wuxuu bilaabay barnaamij uu ku hoggaaminayay safiirrada kale ee QM safarro dhowr ah oo ay ku tageen Poland iyo Israel.
Bilowgii Siyaasadiisa
Danny Danon ayaa soo noqday wakiilka Hay'adda Yuhuudda (Jewish Agency) halkaas oo noqotay bartii uu ka soo galay siyaadda, waxa ay ku yeelatay shaqadaasi noloshiisa raad weyn.
Bishii Juun 2006, Danon waxaa loo doortay Guddoomiyaha Ururka Caalamiga ah ee Likud, isagoo ka adkaaday Yuval Steinitz, xildhibaan ka tirsanaa Knesset. Wuxuu si gaar ah ugu xil saarnaa ka hortagga Yuhuud nacaybka.
Intii uu xilka hayay, Danon wuxuu si aad uga soo horjeeday qorshihii kala go'a ee Ra'iisul Wasaare Ariel Sharon, gaar ahaan aftidii loo qaaday ee ay sameeyan guddiga dhexe ee xisbiga Likud, taas uu Danon kaga adkaaday Sharon.
Waxii intaas ka dambeeyey waxa uu ahaa nin mowqif adag oo aan ka gamban danaha Israa'iil.
Fadlan halkan riix oo ku soo biir janalka WhatsApp ee BBC Somali si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey ee caalamka, iyo kuwa gobolka
Xilligii uu ahaa Wasiirka Difaaca Israa'iil
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Danon waxa uu kamid baarlamaankii 19aad ee Knesset, isaga oo sidoo kale noqday ku xigeenka wasiirka difaaca Israa'iil waqtigaas oo uu Intii uu xilka hayay, wuxuu diiradda saaray sidii loogu kordhin lahaa ciidanka difaaca Israa'iil (IDF) dadka Masiixiyiinta ah, iyo Yuhuudda Itoobiya, hagaajinta adeegga ee askarta kaydka ah, dejinta shuruudo loogu talagalay faa'iidooyinka dhaqaale ee ciidamada ammaanka, iyo dhimista tirada askarta ka baxeysa milatariga. Taas oo lagu sheego inuu waqtigaas ahaa ninkii isku taagay inu adkeeyo xiriirka Itoobiya iyo Israa'iil.
waa shaqsi aad uga soo hor jeesta heshiisyada nabadda ee lala galayo Falastiin, sanadkii 2013, Danon wuxuu ku adkeystay qaraar ahaa 'qof kasta oo taageersan heshiis nabadeed oo lala gaaro Falastiiniyiinta in uusan boos ku lahayn xisbiga Likud oo uu xubin ka yahay. Waxa uu ka soo horjeedaa xalka labada dal wuxuuna ku doodayaa in lagu fidiyo xukunka Israa'iil inta badan dhulka Daanta Galbeed (West Bank).
Sidoo kale, Danon Waxa uu caan ku yahay difaacidda mowqifka adag ee siyaasadda Israa'iil ee fagaarayaasha caalamiga ah, gaar ahaan Qaramada Midoobay, isaga oo si joogto ah uga hadla arrimaha amniga, sharciga caalamiga ah iyo danaha Israa'iil ee khilaafaadka caalamka.

Xigashada Sawirka, ABC News
Aqoonsiga Somaliland
Kadib markii Benjamin Natenyahu ku dhawaaqay aqoonsiga Somaliland, Danon ayaa dhowr qoraal oo uu barahiisa bulshada ku qoray ku sheegay in tallabadaan ay ahayd mid uu dalkiisa ku saxan yahay. "Israa'iil kama xishooneyso doodaha siyaasadeed", ayuu ku yiri Danny Danon qoraal uu daabacay fiidnimadii Sabtida, isaga oo ka hadlaya kulan degdeg ah oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay maanta oo Isniin ah, gelinka dambe, isugu imanayeen, ka dib markii ay Israa'iil aqoonsatay Somaliland
Danon ayaa sheegay in mowqifka dalkiisu uu ku saleysan yahay danaha istaraatiijiyadeed iyo aragti siyaasadeed oo Israa'iil ay ka leedahay gobolka Geeska Afrika. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Israa'iil ay rumeysan tahay xaqa ay bulshooyinka qaarkood u leeyihiin aayo-ka-tashigooda, isla markaana ay Somaliland u aragto meel leh xasillooni iyo maamul iskiis u taagan marka loo eego duruufaha gobolka.
Safiirku wuxuu sidoo kale sheegay in Israa''iil ay doonayso inay ballaariso xiriirrada ay la leedahay dalalka ku yaalla Afrika, gaar ahaan kuwa leh muhiimad istaraatiijiyadeed oo dhanka amniga, ganacsiga iyo marin-biyoodka ah, waxa uu intaas ku daray in tallaabo kasta oo Israa'iil ay qaaddo ay u aragto mid waafaqsan danaha amnigeeda qaranka iyo iskaashiga mustaqbalka fog.
Isagoo ka jawaabaya dhaliilaha ka yimid dalal kale, ambasadoorku wuxuu sheegay in Israa'iil ay ixtiraamayso aragtiyada beesha caalamka, balse ay aaminsan tahay in wada-hadal iyo xaqiiqooyinka dhulka ka jira lagu saleeyo go'aamada siyaasadeed, halkii laga raaci lahaa cadaadis dibadeed ama mowqifyo hore oo aan wax isbeddel ah ku imaan.
Jaamacadda Carabta ayaa dalbaday kulan deg deg ah oo ay iskugu yimaadan golaha ammaaanka qaramada midoobey, kaas oo looga hadlayo aqoonsiga, Danon ayaa sheegay inuu difaaci doono mowqifka iyo tallaabada uu dalkiisa qaaday.
Danon ayaa ah nin saameyn weyn ku leh gudaha QM iyo waddamada Israa'iil taageera.













