Maxay noqon kartaa faa'iidada Somaliland ugu jirta aqoonsiga Israa'iil

Xigashada Sawirka, Getty Images
Jimcihii ay bisha Disembar 26ka ahayd ayaa lagu baraarugay ictiraafkii ugu horreeyey ee Somalland ay ka heshay dal awood iyo miisaan kuleh fagaarayaasha caalamka.
Waxaa baraha bulshada ka soo muuqday ra'iisul wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu, oo saxiixaya sharci uu dalkiisu ku aqoonsanayo Somaliland. Waxaa kale oo isla xilligaas Khadka ku jiray madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo dhoollo-caddaynaya.
Wixii intaas ka dambeeyey waxaa iska soo daba dhacayey diidmada iyo aqoonsigaas, mana jirin dal taageero u muujiyey, marka laga reebo Taiwan oo iyada qudheeda sheegata in ay ka go'day Shiinaha, sidaa darteed Israa'iil waxay noqonaysaa dalkii ugu horreeyey ee dal madax banaan u aqoonsada Somaliland.
Somaliland iyo Israa'iil si furan oo toos ah uma aysan soo bandhigin waxa uu midba kan kale ka doonayo ee xiriirkan iyo aqoonsigan uu ku helayo. Dadka wax indha indheeya waxay aad isha ugu hayaan laba qodob oo Israa'iil dan u ah. Midi waa in ay saldhig ku yeelato badda cas si ay isaga ilaaliso khaatarta kaga imaanaysa Xuutiyiinta. Qodobka labaad oo ah mid aysan Somaliland ilaa hadda ogolaan ah, hase yeeshee jaamacadda carabtu ay sheegtay inuu ku jiro qorshaha Israa'iil ayaa ah in ay hesho dhul la dejiyo falastiiniyiinta ka dib marka la soo musaafuriyo.
Dhanka Somaliland kama aysan hadlin waxa danta u ah ee ay ku helayaan heshiiskan marka laga reebo in ay Israa'iil aqoonsatay.
Dadka wax indha indheeya siyaabo kala duwan ayey u taxliiliyeen.
Guuleed Dafac waa Sharci yaqaan ka shaqeeya arrimaha xuquuqda aadanaha, siyaasadaha Somaliland-na si weyn ula socda. Wuxuu qabaa in talaabadan ay Somaliland u furi doonto albaab cusub oo dalal kale ay ku aqoonsan doonaan.
"Tan ugu horreysa waxay tahay inuu u qaadayo rajada shacabka Somaliland ay ku qabaan in qaddiyaddii gooni isu taaggau ay sii soconayso maadaama muddo dheer la raadinayey. Dhinaca kalena wuxuu keeni karaa in dalal badani ku daydaan, waayo waxaa mar walba Somaliland caqabad ku ahaa in dal walba uusan isagu noqono dalka 1aad. Wuxuu kaloo keeni karaa in Somaliland ay Israa'iil iskaashi kala yeelato wax ka qabashada abaaraha iyo isbeddelka cimilada" ayuu yiri garyaqaan Guuleed Dafaac.
Wuxuu intaa ku daray in ay Somaliland u suurto gali doonto inay ka faa'iidaystaan galaangalka ay Israa'iil ku leedahay Maraykanka oo ay iyaguna saamayn ku yeeshaan Washington.
Dhinaca arrinka ku saabsan Falastiiniyiinta ee mar la soo hadal qaaday in Somaliland la doonayo in la dejiyo ayuu si taxadar leh uga jawaabay.
"Somaliland waxay sheegtay in aysan arrinkaas kala hadlin Israa'iil, xukuumadduna waxay tiri xiriirka innaga dhaxeeya ma khuseeyo qadiyadda Falastiin" ayuu sii raaciyey.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Isla arrintaas waxaa aragti dhanna la mid ah tan Guuleed, dhanna ka yara duwan qaba Cumar Yuusuf Cabdulle oo cilmiga siyaasadda ka dhiga jaamacadda SIMAD ee Muqdisho.
"Somaliland waxaa muhiim u ahaa inay hesho aqoonsi iyo madaxbanaani, haddeerna waxaa muuqata in ay iyaga iyo Israa'iil is aqoonsadeen. Dhinac marka laga eego Somaliland waxay aaminsanayd in horumarkoodu ku xiran yahay aqoonsi. Dhankaas marka laga eego hadda ka dib dadku waxay filayaan in ay aqoonsi helaan oo horumar gaaraan, laakin ma aaminsani in aqoonsigan uu wax weyn u soo kordhin doono" ayuu yiri.
Dhanka aqoonsigan muhiimadda uu u leeyahay Somaliland ayuu ku raacay Guuleed dafac, isagoo sheegay in dadka reer Somaliland ay aaminsan yihiin in aqoonsigan uu irridda u furi doono in dalal kale ay ku dhiirradaan inay dalal kale aqoonsadaan iyo maalgashi inay helaan.
Laakinse mustaqbalka dhow in hardan diblomaasiyadeed uu dhici doono ayuu carrabku ku dhiftay Cumar Yuusuf Cabdulle.
"Lixda bilood ee soo socota isjiid-jiid diblomaasiyadeed ayaa dhici doona, iimana muuqato inay Israa'iil saldhigan doonto geeska Afrika, marka laga reebo xubno ka socda ciidanka iyo sirdoonka Israa'iil, taasna faa'iidada ugu jiri karta Somaliland waa inay xoojiso sirdoonkeeda iyo wada shaqaynta dhanka arrimaha dibadda.
Ilaa hadda waxaa diidmo kala horyimid aqoonsiga Israa'iil ee Somaliland dalal ku dhow 30 iyo ugu yaraan shan urur goboleed.













