Shiinaha oo cudud milateri ku soo bandhigay agagaarka Taiwan isagoo digniin u diraya 'ciidamada gooni u goosadka'

Xigashada Sawirka, Eastern Theater Command
Shiinaha ayaa dhoolatus milateri ku sameynaya agagaarka Taiwan isagoo u ekaysiinaya qabsashada iyo go'doominta goobaha muhiimka ah ee jasiiradda, taasoo digniin u ah "xoogaga gooni-goosadka ah".
Ciidamada badda, cirka iyo gantaalaha ayaa loo diray dhoolatuskan oo isugu jira dhoolatus toos ah,sida uu sheegay militariga Shiinaha.
Dabridkan oo loogu magac daray "Howlgalka Cadaaladda " (Justice Mission 2025), dhoolatuska ayaa dhacaya maalmo kadib markii Maraykanku uu ku dhawaaqay in uu Taiwan ka iibinayo mid ka mid ah xidhmooyinkiisa hub ee ugu waaweyn oo ku kacaya $11bn (£8.2bn). Talaabadan ayaa keentay diidmo xoogan oo ka timid Beijing oo iyaduna cunaqabatayn saartay shirkadaha difaaca ee Maraykanka.
Dadaallada Taiwan ee ah in ay sare u qaaddo difaaceeda sanadkan waxa ay sidoo kale ka caraysiisay xukuumadda Beijing oo iyaduna ku andacoonaysa in jasiiradda iskeed isu maamusho ay tahay dhulkeeda.
Xafiiska madaxtooyada Taiwan ayaa dhaleeceeyay dhoolatuska Shiinaha ee soo socda, wuxuuna ku tilmaamay mid caqabad ku ah xeerarka caalamiga ah.
Wasaaradda difaaca ee Taiwan ayaa sheegtay in subaxnimadii isniinta ay ka war heleen diyaarado iyo maraakiib laga leeyahay dalka Shiinaha oo ku hareeraysan Taiwan, waxaana ay diyaariyeen ciidamadooda iyo habka gantaalada si ay ula socdaan xaalada. Ciidamadeeda ayaa la galiyey "feejignaan sare" sidii ay u difaaci lahaayeen Taiwan ayna "u ilaalin lahaayeen dadkeenna" ayay tiri wasaaraddu.
Qoraal uu soo dhigay Weibo, Taliyaha qaybta Bari ee Milliteriga Shiinaha – oo mas'uul ka ah marin biyoodka Taiwan – ayaa ku tilmaamay dhoolatuska milateri inuu yahay "Gaashaanka caddaaladda".
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Beijing ayaa dhoolatuskan ku tilmaantay "ciqaab adag oo ka dhan ah xoogaga gooni-u-goosadka waxayna uga digtay "xoogaga dibadda" "in Taiwan loo isticmaalo in lagu xakameeyo Shiinaha".
Sidoo kale Beijing ayaa ku eedaysay madaxweynaha Taiwan Lai Ching-te inuu raadinayo "madaxbanaanida Taiwan".
Saadaasha ayaa tilmaamaysa in badi dadka reer Taiwan ay rabaan " xaalada hadda ", taasoo la macno ah inaysan doonayn inay la midoobaan Shiinaha, ama inay si rasmi ah ugu dhawaaqaan madaxbannaani.
Tan iyo 2022-kii Beijing waxay xoojisay dhoolatuska milatari ee marin biyoodka Taiwan, sida caadiga ah iyada oo ka jawaabeysa waxa ay u aragto hanjabaado sida booqashadii hore ee aqlka wakiilada Mareykanka Nancy Pelosi ee Taiwan 2022 iyo caleema saarkii Lai ee 2024.

Xigashada Sawirka, CCTV
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Taiwan ayaa dhinaceeda samaysay dhoolatus ciidan oo u gaar ah, si ay dadkeeda ugu diyaariso weerar. Layliga Han Kuang ee sanadkan, oo socday in ka badan 10 maalmood, ayaa ahaa kii ugu weynaa uguna dheeraa.
Tan iyo markii uu xafiiska la wareegay, Lai waxa uu wacad ku maray in uu kor u qaadi doono kharashka difaaca oo uu kor u qaadi doono awoodda difaaca jasiiradda iyada oo ay sii kordhayso xiisadda Beijing.
Bishii Oktoobar, madaxweynaha Taiwan wuxuu ku dhawaaqay dhismaha nidaamka difaaca hawada ee u eg qubbadda birta ah, si looga ilaaliyo "khatarta cadowga" - inkastoo uusan si cad carabka ugu dhufan Shiinaha.
Dhinaca kale, Xidhiidhka Shiinaha iyo Japan ayaa hoos u dhacay sannado ka dib markii hoggaamiyaha Japan Sanae Takaichi uu bishii hore soo jeediyay in ciidamada Japan ee is-difaacaya ay soo geli karaan haddii Shiinaha uu weeraro Taiwan. Horaantii bishaan, Japan ayaa ayaa diiday ka dib markii diyaaradaha dagaalka Shiinaha ay raadaarada ku xireen diyaaradaha Japan halka Beijing ay ku eedeysay Tokyo inay ku " xadgudubtay" ciidamadeeda intii lagu jiray dhoolatuska tababarka.













