Soomaaliya: Waddankii koowaad oo Shiinaha uu xiriir kala sameeyo Geeska Afrika

Xigashada Sawirka, Villa Somalia
- Author, Fardowsa Sh. Cabdiraxmaan
- Role, Weriye BBC
Xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha wuxuu si rasmi ah u bilowday sanadkii 1960-kii, waqtigaas oo ay Soomaaliya ahayd mid curdin ah oo isla sanadkaas xornimada ka qaadatay gumeystayaashii Talyaaniga iyo Ingiriiska.
Ka hor Soomaaliya iyo Shiinaha xiriirkoodu waxa uu ahaa mid ku dhisan ganacsi, kaas oo billowday bartamihii qarnigii 15aad, waxaana Soomaaliya barigaa yimid boqorkii ka talin jiray dalka Shiinaha.
Tan iyo markii labada dal xiriirkoodu uu noqday mid toos ah, Shiinahu waxa uu ka mid ahaa dalalkii ugu horreeyay ee aqoonsada madaxbannaanida Soomaaliya, taas oo Soomaaliya ka dhigtay waddankii koowaad ee bariga Afrika uu xiriir kala yeesho Shiinaha, waxa uuna saldhig adag u noqday saaxiibtinimada labada dal oo ku dhisan ixtiraam, iskaashi iyo taageero.
Intii lagu jiray dagaalkii qaboobaa, Shiinaha iyo Soomaaliya waxay wadaageen mowqifyo siyaasadeed oo ku saleysan madax-bannaani, midnimo qaran iyo ka hortagga gumaysiga. Taasi waxay sii xoojisay xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dhinac.
Markii ay meesha ka baxday dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii, waxaa go'ay saaxiibadii caalamka ay ku lahayd Soomaaliya oo uu shiinaha kow ka ahaa, waqtigaas oo uu xiriirkoodu noqday mid hooseeya, balse waxa uu dib usoo noolaaday sanadkii 2013-kii xilligaas oo ay Soomaaliya ka baxday waqtigii ku meel gaarka ahaa.
Fadlan halkan riix oo ku soo biir janalka WhatsApp ee BBC Somali si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey ee caalamka, iyo kuwa gobolka
Xiriirka Siyaasadeed
Dhinaca siyaasadda, Shiinaha wuxuu si joogto ah u taageeraa midnimada dhuleed iyo madaxbannaanida Soomaaliya. Dowladda Shiinaha waxay mar walba ku celcelisaa in arrimaha gudaha ee Soomaaliya ay tahay in ay xalliyaan Soomaalida dhexdooda, iyada oo aan faragelin shisheeye lagu samayn.
Si taas la mid ah Soomaaliya waxa ay dhawrtaa siyaasadda Shiinaha ee ah 'Shiine hal ah' taas oo uu shiinuhu ku ilaaliyo xuduudihiisa dhuleed iyo xiriirka uu caalamka ku leeyahay, taasina waxay Taiwan u diiday in ay aqoonsadaan waddamo badan oo ay Soomaaliya ku jirto. Falanqeeyaasha arrimaha xiriirrada caalamiga ah ayaa ku tilmaama in Shiinuhu uu Soomaaliya u arko dal siyaasad ahaan muhiim u ah, iyo halka ay Soomaaliya qaaradda kaga taalo ay ka dhigeysa mid uu ku ilaalin karo siyaasaddiisa ku wajahan gobolka.
'Waa mid kamid ah siyaasadihiisa caalamka inuu saaxiibadiisa ka dhaadhiciyo in Taiwan ay kamid tahay dalweynaha shiinaha, waana sababta uu Soomaaliya iyo qaaraddaba uu u ilaaliyo, waxaana ku tusaaleyn karnaa, Taiwan waxa ay dal ahaan u aqoonsan tahay Soomaaliland, taa awgeed si uu taageero uga helo dowladda Soomaaliya, taageero ayuu u muujinayaa" ayuu yiri Dr. Mahdi Muuse Xasan oo ah Falanqeeye arrimaha dimlomaasiyadda.

Xigashada Sawirka, Villa Somalia
Dib u cusbooneysiinta Heshiiska
Soomaliya waxa ay si toos ah uga qeyb-gashaa kulamada caalamiga ah ee uu Shiinuhu hor boodo sida shir madaxeedka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ee (FOCAC). Sanadkii 2024-kii ayey Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping iyo dhiggiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kulan ay yeesheen kadib ku dhawaaqay kor u qaadista xiriirka Shiinaha iyo Soomaaliya oo loo sameeyay iskaashi istiraatiiji ah.
Xi ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay tahay dalkii ugu horreeyay ee Bariga Afrika ah ee xiriir diblomaasiyadeed la yeesha Shiinaha, saaxiibtinimada Shiinaha iyo Soomaaliyana ay tahay mid soo martay marxalado kala duwan.
Waxa uu sheegay in Shiinaha uu doonayo in uu Soomaaliya kala shaqeeyo sidii loo ilaalin lahaa ujeedadii asalka ahayd ee xiriirkooda diblumaasiyadeed, isla markaana ay natiijo cusub ka gaari lahaayeen xiriirkooda laba geesoodka ah, taasoo faa'iido weyn u leh shacabka labada dal.

Xigashada Sawirka, Radio Mustaqbal
Dhaqaalaha iyo Ganacsiga
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Toban sano kadib bilaabashadii xiriirka labada dal, shiinaha waxa uu Soomaaliya ka fuliyey mashaariic kor u qaadaya Kaabayaashe dhaqaale, hormarinayana dhismayaash qeybo badan oo dalka kamid ah sida; dhismaha iyo dayactirka waddooyin, isbitaallo,(Isbitaalka Banaadir), dugsiyo, Xarumo dowladeed iyo kuwo kale, kuwaas oo muhiim u ah horumarka dalka.
Walow hadda aysan Soomaaliya qeyb ka ahayn wadamada uu Shiinuhu ka fulinayo mashaariic waaweyn sida mashruuciisa 'dhismaha wadooyinka ay tarreennada maraan iyo buundooyinka'.
Dhanka kale Xiriirka dhaqaale ee Shiinaha iyo Soomaaliya ayaa si tartiib tartiib ah u kobcay sanadihii u dambeeyay, kumana koobna taageerada uu dalka siin jiray, balse Shiinaha wuxuu ka mid yahay waddamada ay ganacsiga la leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada badeecadaha, qalabka elektaroonigga, dhismaha iyo qalabka warshadaha.
Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa si weyn uga faa'iideysta suuqyada Shiinaha, halka badeecooyin badan oo Shiinaha laga keeno laga helayo suuqyada Soomaaliya. Inkasta oo ganacsigu uusan weli gaarin heerkiisii ugu sarreeyay, haddana wuxuu leeyahay fursado ballaaran oo mustaqbalka ah. Sidoo kale shirkado Shiinaha laga leeyahay ayaa ka qayb qaata mashaariic dhismo oo gaar loo leeyahay, taas oo abuurtay shaqooyin iyo xirfado cusub oo ay helaan dhalinyarada Soomaaliyeed.
Ka sakoow fursadaha ganacsi iyo dhaqaale ee uu Shiinuhu ka helo Soomaaliya hadana wax isdhaafsigu maaha mid isku dheelitiran.
"Xiriirka ay Soomaaliya la leedahay waddamada hormaray mar kasta maaha mid dheelitiran, gaar ahaan Shiinaha oo kale dhanka dhaqaalaha maaha mid isku dhaw; sababta oo ah Soomaaliya waxa ay Shiinaha kasoo dhoofsatay in ka badan 1 bilyan oo doollar sanadkii 2024-ka, halka ay Soomaaliya shiinaha u dhoofisay wax ka yar 1.6milyan oo dollar, sidaa awgeed xiriirka dhaqaale ee Soomaaliya iyo Shiinaha maaha mid isku dhaw, umana eka mid isku soo dhawaan kara' ayuu yiri Dr. Mahdi Muuse.
Shiinaha oo ah quwad caalami ah, wuxuu Soomaaliya u arkaa dal istaraatiiji ah oo ku yaalla Geeska Afrika. Soomaaliya dhankeeda, waxay Shiinaha u aragtaa saaxiib horumarineed oo aan ku xirnayn shuruudo siyaasadeed oo adag.
"Dhanka kale, Soomaaliya waxa ay xiriiro kala duwan la sameeneysaa wadamo dhawr ah guud ahaan caalamka oo dhan sida Turkiga iyo wadamada qaar ee dhaca qaaradda Aasiya, kuwaas oo daneenaya iney iskaashi la sameeyaan dhanka istaraatiijyadda dhulka iyo dhaqaalaha, waxaana dowladda la gudboon inay isku jaangooso heshiisyada iyo xiriirrada ay la sameeneyso waddamada is qoonsan siyaasad ahaan" ayuu sii raaciyey.













