Koox ka tirsan BBC ayaa booqatay warshad qarsoodi ah oo ku taalla Ukraine, taas oo soo saarta gantaallo masaafadoodu dheer tahay

Gantaal la farsameynayo

Xigashada Sawirka, Moose Campbell/BBC

Waxaa nagala xiray indhaha, waxaana nala geeyay goob qarsoodi ah oo Ukraine ay ku soo saarto mid ka mid ah hubkeeda ugu cusub.

Waxaa nalaga codsaday inaan daminno taleefannadeenna, sababo la xiriira sirta buuxda ee ku xeeran goobtan laga soo‑saaro gantaalka Ukrainian ee loo yaqaan "Flamingo Cruise."

Ukraine ahaan, qarinta soo‑saaridda hub noocan ah waa arrin lama huraan u ah marka laga eego bad-qabkeeda iyo ammaankeeda. Ilaa hadda, laba warshadood oo ay leedahay Firepoint, shirkadda soo‑saarta hubkan, ayaa la bartilmaameedsaday.

Gudaha warshadda aan booqannay, waxaa nalaga codsaday inaanan sawir ka qaadin faahfaahin kasta sida tiirar, daaqado, iyo saqafyo. Sidoo kale waxaa nalaga dalbaday inaanan muujin wejiyada shaqaalaha ka shaqeeya , halkaas oo gantaallada Flamingo ay maraan marxalado kala duwan oo wax‑soo‑saar ah.

Xitaa inta lagu jiro qaraxyada, Ukraine waxay xoojinaysaa warshadaha milatarigeeda, iyadoo Madaxweyne Volodymyr Zelensky uu sheegay in dalka uu hadda soo saaro in ka badan 50 boqolkiiba hubka uu ku isticmaalo jiidda hore, isla markaana ku dhawaad dhammaan keydkiisa hubka meelaha fog-fog wax ka dila lagu sameeyo gudaha dalka.

Gantaal

Xigashada Sawirka, Moose Campbell/BBC

Bilowgii dagaalka, Ukraine waxay inta badan ku tiirsanayd hubkii hore ee xilligii Soviet-ka. Taageerada milatari ee reer Galbeedka ayaa ka caawisay casriyeynta ciidamada, hase yeeshee hadda waxay ka hormartay inta badan dalalka adduunka horumarinta nidaamyada aan duuliyaha lahayn, sida robot-yada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones).

Hadda, gantaallada cruise‑ka ee gudaha lagu soo saaro ayaa gacan ka geysanaya xoojinta awoodda Ukraine ee weerarrada masaafada fog.

Irina Terek waa sarkaalka ugu sareeya ee farsamada (Chief Technical Officer) ee Firepoint, mid ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn ee Ukraine ee soo saara diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada, halkaas oo hal-ku-dhigga afka Laatiinka ah lagu qoray uu ka tarjumayo "Haddii aan anaga ahayn waa kumaa?"

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Terek, 33 jir, waxay baratay naqshadeynta dhismayaasha, hase yeeshee hadda waxay dooneysaa inay ka qaybqaadato burburinta mashiinka dagaalka Ruushka.

Waxay u muuqataa mid yar marka loo eego gantaalka weyn ee "Flamingo", kaas oo ay ii sheegtay in lagu rinjiyeeyay midab madow, ee aan ahayn casaan (sida tijaabooyinkii hore), iyadoo leh: "sababtoo ah wuxuu cunaayaa shidaalka Ruushka."

Marka ugu dambeysa ee la so saaro wuxuu u egyahay gantaalkii Jarmalka ee V1 ee Dagaalkii Labaad ee Adduunka. Waxay ka kooban tahay matoor jet oo aad u weyn oo lagu rakibay korka tuubo dhererkeedu la mid yahay baska caanka ah ee London.

Gantaalladan horey ayaa loogu isticmaalay dagaal, balse shirkaddu ma shaacin bartilmaameedyo gaar ah.

Gantaalka Flamingo waa hub masaafadiisu dheer tahay, kaas oo dalalka reer Galbeedka ay ka caga‑jiidayeen inay siiyaan Ukraine.

Gantaalkan ayaa la sheegaa inuu leeyahay masaafad gaareysa 3,000 kiiloomitir (1,900 mayl). Tani waxay la mid tahay masaafadda gantaalka Maraykanku sameeyo ee Tomahawk, oo ah hubka ugu horumarsan uguna qaalisan, kaas oo Madaxweyne Mareykanka Donald Trump uu diiday inuu siiyo Ukraine.

Hase yeeshee, weerarrada masaafada fog waa qayb aad muhiim u ah dagaalka, Ukraine‑na waxay si weyn ugu tiirsan tahay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee masaafada dheer.

Ukraine weli dhul ayuu ka haystaa Ruushka jiidda hore, oo dhererkeedu ka badan yahay kun kiiloomitir. Sidaa darteed, Ukraine waxay sii xoojineysaa dadaalkeeda ay ku beegsanayso dhaqaalaha milatari ee Ruushka, iyadoo isku dayaysa inay gaabiso horumarada Rushka.

Taliyaha guud ee ciidamada Ukraine, Janaraal Oleksandr Sersky, ayaa sheegay in weerarrada masaafada fog ee ay Ukraine fuliyeen ay sanadkan ka soo gaartay Ruushka khasaaro ka badan $21.5 bilyan.

Ruslan, oo ah sarkaal ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Ukraine, ayaa sheegay in istaraatiijiyaddu ay fudud tahay: "In la yareeyo awoodda milatari iyo kartida dhaqaale ee cadowga."

Wuxuu intaas ku daray in ciidamada howlgalada gaarka ah ee Ukraine ay fuliyeen boqolaal weerarro ah oo lagu qaaday warshadaha sifeynta shidaalka, warshadaha hubka, iyo bakhaarada rasaasta, kuwaas oo ku yaalla gudaha dhulka cadowga.

Irina Terek oo ka tirsan Firepoint ayaa sheegtay in gantaalka Flamingo uu madow yahay sababtoo ah “wuxuu ku shaqeeyaa shidaalka Ruushka.”

Xigashada Sawirka, Moose Campbell/BBC

Dabcan, Ruushku isaguna sidaas oo kale ayuu sameynayaa, balse si ka ballaaran, isagoo celcelis ahaan diraya ku dhowaad 200 diyaaradood oo ah nooca Shahed ah maalintii; jawaabta Ukraine‑na waxay noqotay ku dhowaad kala bar tiradaas.

Weerarrada Ruushka kuma koobna oo kaliya bartilmaameedyada milatari; gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee masaafada dheer ayaa sababay koronto la'aan baahsan oo ka dhacday dalka oo dhan, taas oo sii xumeysay dhibaatooyinka malaayiin rayid ah.

Ruslan ayaa sheegaya: "Waxaan jeclaan lahaa inaan diro tiro diyaarado aan duuliye lahayn ah sida Ruushka, balse annaguna si degdeg ah ayaan u ballaaranaynaa."

Terek, oo ka tirsan Firepoint, ayaa sharraxday in Ukraine aysan haysan kheyraad la mid ah kan Ruushka, "laakiin waxaan isku dayeynaa inaan ku dagaallanno caqli iyo xeelado."

Dennis Shtellarman, oo ah naqshadeeyaha guud iyo aasaasaha wada‑jir ee shirkadda, ayaa qiray in uusan jirin hub mucjiso ah, balse wuxuu sheegay in "qodobka go'aaminaya uu yahay rabitaankeenna guusha."

Firepoint ma jirin ka hor weerarkii ballaarnaa ee Ruushku ku qaaday Ukraine. Laakiin shirkaddan bilowga ah ayaa hadda soo saarta 200 diyaaradood oo aan duuliye lahayn maalintii. Diyaaradaha FP1 iyo FP2, oo qiyaastii le'eg diyaarad yar, ayaa fuliyay 60 boqolkiiba weerarrada masaafada fog ee lagu qaaday Ukraine.

Qiimaha hal diyaaradood wuxuu ku dhow yahay $50,000, taas oo saddex jeer ka jaban qiimaha diyaaradda Shahed ee Ruushka, halkaas oo Ruushku weli soo saaro qiyaastii 3,000 diyaaradood bishii.

Magaca “Flamingo” wuxuu u taagan yahay tixraac ku saabsan gantaalladii tijaabada ahaa, kuwaas oo lagu rinjiyeeyay midab casaan‑pink ah.

Xigashada Sawirka, Moose Campbell/BBC

Ukraine weli waxay u baahan tahay caawimaad dibadda, gaar ahaan dhinacyada sirdoonka, beegashada bartilmaameedyada, iyo maalgelinta, hase yeeshee waxay dadaal ugu jirtaa inay gaarto isku-filnaashiyo buuxda.

Terek ayaa sheegtay in ay si ula kac ah u gaareen go'aan ah in inta ugu badan ee suurtagal ah ka mid ah qaybaha hubkooda ay ka helaan gudaha Ukraine.

Waxay intaas ku dartay: "Waxaan ku dhegganahay mabda'a ah in cidna aysan saameyn karin hubka aan soo saarno," iyagoo ka fogaanaya isticmaalka qalab‑beddel ah oo ka yimaada laba dal oo gaar ah, Shiinaha iyo Maraykanka.

Ruslan, oo ka tirsan ciidamada howlgalada gaarka ah ee Ukraine, ayaa sheegay in ay si degdeg ah uga shaqeynayaan kordhinta wax‑soo‑saarka hubka ee gudaha dalka.

Xigashada Sawirka, Kevin McGregor/BBC

Markii la weydiiyay sababta aysan u jirin qaybo Maraykan ah, waxay tiri: "Waxaan ku jirnaa xaalad dareen ahaan isbeddelaysa oo naga dhexeysa Maraykanka, berri qof ayaa laga yaabaa inuu rabo inuu joojiyo bixintooda, markaasna ma awoodi doonno inaan isticmaalno hubkeenna aan anaga smaeynay annaga."

Ilaa dhammaadkii sanadkii hore, Madaxweyne Biden hoostiisa, Maraykanku wuxuu siiyay Ukraine taageero milatari ku dhow $70 bilyan – laakiin taageeradaas si degdeg ah ayaa loo joojiyay markii uu xilka qabtay Madaxweyne Trump, kaas oo bedelkiisa hirgeliyay hab u oggolaanaya ururka NATO ee Yurub inuu iibsado hub Maraykan ah.

Maraykanku imika ma aha taageeraha ugu weyn ee milatari ee Ukraine. Yurub waxay la tacaaleysaa sidii loo buuxin lahaa firaaqa uu Maraykanku ka tagay ama loo gaari lahaa heerkii hore ee taageerada.

Terek waxay rajeynaysaa in inta kale ee Yurub ay la socoto xaaladda oo ay ka barato casharrada. Waxay tiri, "Annagu waxaan nahay tusaale cad oo muujinaya baahida loo qabo in la isu diyaariyo dagaal."