TOOS, Mexico oo daabushay kumanaan askari si ay uga hor tagaan rabshadaha ka socda Mexico

Nemesio Oseguera Cervantes oo ka ganacsan jiray maandooriyaha una dhashay dalka Mexico ayaa Axadii lagu dilay howlgal

Tebin toos ah

  1. Sahwa waa dhagool. Rag aysan aqoon ayay casho u raacday kadibna si xun ayay u dileen

    Haweeney dhagool ah ayaa lagu dilay "weerar ba'an" kadib markii ay caweys u raacday dad aysan aqoon, sida ay maxkamaddu sheegtay.

    Zahwa Mukhtar, oo 27 jir ahayd, ayaa waxaa gaariga ka tuuray oo weeraray Duane Owusu Romford, mar ay marayeen bariga London, saacadihii hore ee 16kii August sanadkii hore, ayay tiri maxkamadda Old Bailey.

    Mar ay fureysay dhegeysiga, ayay dacwad-ooge Henrietta Paget KC waxay sheegtay in kiiskan uu ku lug leeyahay "dil arxan darro ah oo loo geystay haweeney da' yar oo nugul".

    Owusu, oo lagu naaneyso Nasty, kana soo jeeda Dagenham, ayaa dafiray inuu dilka geystay iyo xukunka.

    "Kan wuxuu ahaa weerar arxan-darro ah," ayay Paget u sheegtay xeerbeegtida.

    Dhaqanka uu Mr Owusu soo bandhigay ee ku aaddanaa dhibbanihiisa wuxuu ahaa mid quursi ah, sida ficilladiisii ​​iyo hadalladiisii ​​dambe ay caddeeyeen."

    'Cidna ma aysan aqoon'

    Zahwa waxaa lagu tilmaamay inay ahayd haweeney "fariid ah, farxad badan, oo firfircoon," taas oo kaaliye maaliyadeed ka ahayd Tiyaatarka Young Vic ee ku yaalla degmada Waterloo. Maxkamadda waxaa loo sheegay inay ahayd qof si weyn u dhego-la' tan iyo markii uu ku dhacay xanuunka jadeecada iyadoo saddex jir ah, balse ay si wanaagsan ula qabsatay iyadoo adeegsanaysa akhrinta dhaqdhaqaaqa dibnaha iyo Luuqadda Dhego-la'aanta ee Britain.

  2. Kumanaan askari oo lagu daabulay Mexico si ay uga hor tagaan rabshadaha

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Wasiirka amniga ee dalka Mexico ayaa sheegay in kumanaan askari ay geeyeen qeybo kala duwan oo dalkaas ah, si ay u xoojiyaan amniga ka dib rabshado ka dhashay nin ka ganacsan jiray daroogada oo la dilay.

    Xoghayaha Difaaca, Ricardo Trevilla, ayaa sheegay in 2,500 oo askari oo dheeraad ah loo diray galbeedka Mexico Isniintii, iyadoo dowladdu ay sheegtay in qiyaastii 9,500 oo askari la daabulay guud ahaan tan iyo Axaddii.

    Ugu yaraan 20 gobol ayaa qalalaase ka dhacay tan iyo markii Nemesio Oseguera Cervantes - oo loo yaqaan "El Mencho" - uu ku dhintay xabsiga Axaddii, wax yar ka dib markii ay qabteen ciidamada gaarka ah ee Mexico ee gobolka Jalisco.

    Kooxda (CJNG) waa mid ka mid ah ururada dambiyada ee ugu cabsida badan Mexico, hoggaamiyahoodana wuxuu ahaa ninka loogu raadinta badan yahay dalkaas.

    "El Mencho," ahna 59 jir, wuxuu ahaa hogaamiyaha ugu sareeya ee Jalisco New Generation Cartel (CJNG), oo ah mid ka mid ah ururada dambiilayaasha ee ugu rabshadaha badan uguna baahsan Mexico, kaas oo ay dawladda Maraykanku u aqoonsatay urur argagixiso horraantii sannadkii hore.

    Oseguera Cervantes wuxuu ahaa mid ka mid ah hogaamiyayaasha ku caan baxay ka ganacsiga daroogada ee sida aadka ah loo doondoonayay ee nidaamka cadaalada ee Mexico iyo Maraykanka.