Haweeney dhagool ahayd oo ay si xun u dileen rag aysan garaneyn oo ay la caweyneysay

Zahwa Salah Mukhtar oo wadata qamaar guduudan

Xigashada Sawirka, Metropolitan Police

Qoraalka sawirka, Zahwa Mukhtar waxay ahayd gabar wanaagsan, ayaa loo sheegay maxkamadda
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Haweeney dhagool ah ayaa lagu dilay "weerar ba'an" kadib markii ay caweys u raacday dad aysan aqoon, sida ay maxkamaddu sheegtay.

Zahwa Mukhtar, oo 27 jir ahayd, ayaa waxaa gaariga ka tuuray oo weeraray Duane Owusu Romford, mar ay marayeen bariga London, saacadihii hore ee 16kii August sanadkii hore, ayay tiri maxkamadda Old Bailey.

Mar ay fureysay dhegeysiga, ayay dacwad-ooge Henrietta Paget KC waxay sheegtay in kiiskan uu ku lug leeyahay "dil arxan darro ah oo loo geystay haweeney da' yar oo nugul".

Owusu, oo lagu naaneyso Nasty, kana soo jeeda Dagenham, ayaa dafiray inuu dilka geystay iyo xukunka.

"Kan wuxuu ahaa weerar arxan-darro ah," ayay Paget u sheegtay xeerbeegtida.

"Dhaqanka uu Mr Owusu soo bandhigay ee ku aaddanaa dhibbanihiisa wuxuu ahaa mid quursi ah, sida ficilladiisii ​​iyo hadalladiisii ​​dambe ay caddeeyeen."

'Cidna ma aysan aqoon'

Zahwa waxaa lagu tilmaamay inay ahayd haweeney "fariid ah, farxad badan, oo firfircoon," taas oo kaaliye maaliyadeed ka ahayd Tiyaatarka Young Vic ee ku yaalla degmada Waterloo. Maxkamadda waxaa loo sheegay inay ahayd qof si weyn u dhego-la' tan iyo markii uu ku dhacay xanuunka jadeecada iyadoo saddex jir ah, balse ay si wanaagsan ula qabsatay iyadoo adeegsanaysa akhrinta dhaqdhaqaaqa dibnaha iyo Luuqadda Dhego-la'aanta ee Britain.

Owusu, oo 36 jir ah, ayaa xaflad caweys ah kula joogay dad uu garanayay oo ka yimid Dagenham gudaha Hackney, ka hor intaysan Zahwa—oo keligeed dibadda u soo baxday—kooxdaas "si kedis ah" ula kulmin bannaanka baarka The Pubb ee Stoke Newington. Xubnaha xeerbeegtida ayaa loo sheegay in la siiyay xoogaa ka mid ah gaaska lagu qoslo oo ay kooxdu isticmaalaysay, markii ay baxayeenna ay gaari Mercedes ah la raacday.

Kooxda iyo Zahwa-ba waxay habeenkaas cabayeen khamri, iyagoo sidoo kale isticmaalayay daroogo. Paget ayaa tiri: "Waxaad maqli doontaan caddaymo muujinaya inay gaariga dhexdiisa ay ugu dhaqmeysay si aan deggenayn, iyadoo wiilasha la fara-cayaareysay gabdhahana la dagaallamaysay. Qofna ma garanayn, waxaana muuqata in hab-dhaqankeedu uu keenay xanaaq sii kordhay."

Maxkamadda ayaa maqashay in markii ay billowday inay muuqaal ku duubto taleefankeeda, uu eedaysanuhu ku amray darawalka inuu istaago. Paget waxay sheegtay in Owusu uu furay albaabka dambe, tuuray taleefankii Zahwa, ka dibna uu gaariga ka tuuray iyadoo mareysa waddada Chadwell Heath Lane. Waxay intaas ku dartay inuu markaas ka dib laaday oo feeray. Xeerbeegtida ayaa loo sheegay inuu soo gaaray dhaawac maskaxeed oo dhimasho keenay iyo jabka lafaha madaxa ah.

'Iska daa saaxiib'

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Halkii uu gabadha caawin lahaa, Owusu waxaa lagu eedeeyay inuu dadkii kale ugu qeyliyay inay dib ugu laabtaan gaariga.

Cod nin ayaa la sheegay in la maqlay isagoo leh: "Iska dhaaf saaxiib. Anigu waxba igama gelin iyada, ee aan iska soconno."

Cod dumar ah ayaa markaas ku qaylisay: "Qof ha caawiyo iyada. Kuma dhaafi karno sidan."

Gaarigii ayaa markale dhaqaaqay 04:36 xilliga BST ka hor inta aysan booliisku joojin wax yar ka dib.

Booliiska ayaa helay gasacadaha gaaska "nitrous oxide" oo ku jira qeybta dambe ee gaariga, xaddi yar oo xashiishad ah oo ku jiray jeebka Owusu iyo bac yar oo budo cad ah oo taallay salka gaariga, sida maxkamaddu maqashay.

Kooxda ayaa la hayay ku dhowaad 50 daqiiqo balse lama xirin, saraakiisha booliiskuna waxay u oggolaadeen inay iska baxaan.

Labo qof oo jidka marayay ayaa markaas soo sheegay haweenay jiifta meel hore oo waddada ah, waxaana Zahwa la helay iyadoo aan miyir lahayn abbaare 05:31.

Waxaa la xaqiijiyay inay dhimatay saacad ka dib, iyadoo u dhimatay dhaawac maskaxda ka soo gaaray.

Maxkamadayntu wali way socotaa.