Gabar Soomaali ah iyo saaxiibkeed oo loo soo qabtay afduubkii Xafsa Luqmaan

Ku soo dhowaada tebinta tooska ah

Tebin toos ah

  1. Golaha guurtida Somaliland oo ansixiyay xeer cusub

    Golaha guurtida Somaliland

    Xigashada Sawirka, .

    Qoraalka sawirka, Golaha guurtida Somaliland

    Golaha guurtida ee jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa manta ansixiyay xeer ogolaanaya in la furo ururada siyaasadda.

    Xeerkan ayaa waxaa imika loo gudbin doonaa golaha wakiilada Somaaliland si ay uga doodaan.

    Somaliland ayaa waxa imika ka jira 3 xisbi siyaasadeed oo kali ah.

    Xeerkan ayaa waxa muddooyiinkii u dambeeyay u ololeynayay qaar ka mid ah siyaasiyiinta Somaliland si ay u furtaan xisbiyo cusub.

  2. Sudan oo aqbashay inay ICC ku wareejiso saraakiil loo haysto dambiyo ka dhacay Darfur

    Dacwad oogaha guud ee ICC, Fatou Bensouda (Bidix), ayaa la kulantay saraakiil Sudan u dhalatay

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Dacwad oogaha guud ee ICC, Fatou Bensouda (Bidix), ayaa la kulantay saraakiil Sudan u dhalatay

    Dowladda Sudaan ayaa sheegtay in ay maxkamadda caalamiga ah ee ICC ku wareejin doonto saraakiil hore oo loo haysto dambiyo dagaal oo ka dhacay gobolka Darfur ee galbeedka Sudan.

    Ilaa iyo hada, Sudan ma aysan magacaabin shaqsiyaadka lagu wareejinayo maxkamada dambiyada caalamiga ah ee ICC.

    Dowladda Sudan ayaa horey u balan qaaday inay soo dhiibi doonaan Madaxweynihii hore Cumar Al-Bashiir oo xukunka hayey intii ay socdeen isku dhacyada Darfur , balse wali taasi ma aysan dhicin.

    Ugu yaraan 300,000 oo qof ayaa lagu dilay iskahorimaadka u dhexeeya mucaaradka iyo ciidamada dowladda oo billowday 2003.

  3. Nooca Delta ee coronavirus oo ku faafaya Koofur Afrika

    Delta

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Dolwadda Koofur Afrika ayaa sheegtay in nooca Delta ee coronavirus uu ku faafayo dalkaas, oo ah kan ugu daran qaaradda Afrika ee uu xanuunku saameeyay.

    Jimcihii, dhowr kun oo taageerayaasha mucaaradka ah ayaa ku dibad baxay xafiisyada waaxda caafimaadka iyaga oo dalbanaya in la dar dar geliyo tallaalka.

    Waxay dalbanayaan in tallaalka Ruuska iyo kan Shiinaha la ansixiyo.

    Dowladda ayaa cambaareysay arrintaas, iyadoo sheegtay in dowladda aan lagu qasbi karin inay u liicdo cadaadis siyaasadeed.

  4. Sacuudiga oo xabsiga ka sii daayay haweeney u doodda xuquuqda aadanaha

    Nasima

    Xigashada Sawirka, BBC ARABIC

    Qoraalka sawirka, Nasima al-Sada

    Sacuudiga ayaa sii daayay haweeney caan ah oo ah qoraa iyo qof u dooda xuquuqda bulshada laguna magacaabo Nasima al-Sada, kaddib saddex sano oo ay xabsiga ku jirtay.

    Nasima al-Sada oo deggan gobolka Qatif ee Sacuudiga ayaa u doodda xuquuqda haweenka iyo Shiicada laga tirada badan yahay.

    Waxaa la xiray sanadkii 2018. Sanadkii la soo dhaafay ayaa lagu xukumay shan sano oo xabsi ah.

    Hay'adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa hore u dalbatay sii deynteeda.

    Nasima al-Sada waxaa lala xira Samar Badawi sababo la xiriira inay u ololeynayeen xuquuqda haweenka.

    Waxay dalbadeen in haweenka loo oggolaado inay gaari ku dhex kaxeeyaan Sacuudiga.

  5. Dagaalka u dhaxeeya Xuutiyiinta iyo ciidamada Yemen oo sii xoogeystay

    Yemen

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Waxaa jira warar sheegaya in in ka badan 100 dagaal yahanno ah lagu dilay dagaal u dhaxeeya ciidamada ammaanka Yemen iyo mucaaradka Xuutiyiinta ee ka dagaallamaya waqooyiga dalkaas.

    Ilo laga soo xigtay dowladda ayaa sheegay in ilaa 30 ciidamada ka tirsanaa lagu dilay dagaalka oo socday saddexdii maalmood ee la soo dhaafay.

    Dagaalka ayaa salka ku haya gacan ku heysta magaalada Macrib. Dowladda ayaa sheegtay in Xuutiyiinta laga dilay 80 qof.

    Macrib waa mid ka mid ah magaalooyinka Yemen ee shidaalka qaniga ku ah. Kumannaan qof oo ka barakacay qeybaha kale ee Yemen ayaa ku nool magaaladaas.

    Shaqaalaha hay'adaha gargaarka ayaa aaminsan in qabsashada Macrib ay horseedi karto musiibo bani'aadannimo oo hor leh.

  6. Tartanka kubadda cagta ee dhalinyarada Waqooyiga Ameerika oo bilowday

    Waxaa gobolka Minnesota ee waddanka Mareykanka ka bilaabmay tartanka koobka kubadda cagta ee dhalinyarada ee Waqooyiga Ameerika. Tartankan oo ay ka soo qeyb galeen 24 kooxood ayaa waxaa la qabanayay muddo 20 sanadood ah, waxaana uu qeyb ka yahay dabaaldegga toddobaadka xorriyada Soomaalida. Haddaba Cabdirisaaq Xasan Cali Boos oo ka mid ah qabanqaabiyayaasha tartankaasi ayaa u warramay Axmed Badar.

    Qoraalka Codka, Tartanka waxaa ka qeyb galay 24 kooxood
  7. Magaalo dhan oo looga qaxayo xayiraadda Covid-19

    Dhaka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Xayiraadda ayaa dhaqan galeysa maalinta berri ah

    Dad aad u badan ayaa buux dhaafiyay goobaha gawaarida laga raaco ee magaalada Dhaka ee dalka Bangladesh, si ay uga baxsadaan xayiraadda coronavirus ee lagu soo rogay magaalada.

    Xayiraaddan oo berri dhaqan geli doonta, ayaa waxay ku qasbeysaa qof walba oo ku nool Bangladesh inuusan ka bixin gurigiisa, ila xaalad deg deg ah maahee.

    Sidaas darteed, dadka ayaa ka qaxaya magaalada ciriirga ah iyaga oo doonaya inay aadaan tuulooyinkooda.

    Kiisaska Covid ee dalkaas ayaa aad u kordhay.

  8. Alshabaab oo weerar ka geystay deegaanka Wisil

    Mudug

    Xigashada Sawirka, AFP

    Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo saakay xoogag ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Wisil oo hoos taga degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

    Gaari waxyaabaha qarxa lagu soo raray ayaa bilowgii weerarka lagu qarxiyay xero ay leeyihiin ciidamada dawladda iyo kuwa Galmudug, waxaana xigay dagaal culus oo dhex maray kooxda weerarka qaadday iyo ciidamadii xerada fadhiyay.

    Khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa la soo weriyay.

    Warbaahinta Al-Shabaab ayaa sheegtay in dagaalka lagu dilay 34 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug.

    Illaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca dowladda oo ku saabsan dagaalka Wisil.

  9. Gabar Soomaali ah oo loo soo qabtay afduubkii Xafsa Luqmaan

    Xafsa Luqmaan

    Xigashada Sawirka, DCI Kenya

    Qoraalka sawirka, Xafsa Cabdi

    Baarayaasha Kenya ayaa soo xiray labo eedeysane oo lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen afduubkii iyo jirdilkii bishan horraanteeda loo geystay Xafsa Maxamed Luqmaan.

    Jackson Njogu, oo 24 jir ah iyo Xafsa Cabdi oo 21 sano jir ah, ayaa laga soo xiray hoteelka Crystal View Lodge oo ku yaalla deegaanka Kinangop.

    Booliiska ayaa sheegay in labadan qof oo xiriir jaceyl uu ka dhaxeeyay ay ka dambeeyeen afduubka Xafsa Maxamed oo laga kaxaystay dukaankeeda.

    Xafsa Luqmaan

    Xigashada Sawirka, DCI Kenya

    Qoraalka sawirka, Jackson Njogu

    “Kaddib markii ay falka dembiga ah geysteen, (Jackson iyo Xafsa Cabdi) waxay u baxsadeen Kinangop waxayna iibsadeen maqaaxi, halkaas oo ay ka howl geli jireen,” ayaa lagu yiri qoraal ay bata Twitter-ka soo dhigtay Waaxda Dembi-baarista Kenya.

    Xafsa Maxamed oo 23 jir ah, ayay bishan horraanteeda booliisku ka heleen qol mugdi ah oo ku yaalla xaafadda Matopeni.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

    Afduubayaasha ayaa lacag madax furasho ah oo gaareysa Sh5milyan ka dalbaday qoyskeeda.

    Si kastaba lama bixin lacagta madax furashada ah, eedeysanayaasha ayaana ka baxsaday goobta.

    Labada eedeysane ayaa lagu wadaa in berri la soo taago maxkamadda.

  10. Jarmalka: Dhammaan dadkii uu dilay Soomaaligii weerarka geystay waxay ahaayeen haween

    Jarmalka

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Shan haween iyo hal cunug ayaa sidoo kale lagu dhaawacay weerarka

    Saddexdii qof ee uu weerarka toorreyda ku dilay ninka Soomaaliga ah ee weerarka ka geystay magaalada Würzburg ee dalka Jarmalka waxay ahaayeen haween, sida ay booliisku sheegeen.

    Ninkan 24 sano jirka ah ayaa la sheegay in Jimcihii uu toorreyda ka soo qaatay jikada dhisme uu degganaa, isla markaana uu dhowr qof oo gudaha dhismahaas ku jirtay weeraray. Kaddibna dadkii dibadda ku sugnaa ayuu beegsaday.

    Shan haween iyo hal cunug ayaa sidoo kale lagu dhaawacay weerarkaas.

    Booliiska ayaa sheegay in laga yaabo in eedeysanaha uu qao xanuunno dhanka maskaxda ah isla markaana uu aaminsan yahay fekrado xagjirnimo ah.

    Shalay ayaa maxkamad la soo taagay isagoo lagu eedeeyay saddex dil, lix isku dya dil ah iyo dhaawac daran oo jirka ah oo uu dad u geystay.

  11. Maxaa looga hadlayaa shirka maanta ka furmaya Muqdisho?

    Waxa lagu wadaa inay maanta magaalalada Muqdisho kulan wadatashi ah uu uga furmo ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxda maamulka goboleedyada ee dalka. Madaxdu waxa ay ka arrinsadaan arrimihii ugu dambeeyay ee doorashooyinka. 27-kii bishii hore ayey aheyd markii isla magaalada Muqdisho ay ku saxiixeen heshiis ay arrimaha doorashada ka gaareen, iyagoo waqtigaas isla gartay in muddo 60 cisha ah lagu soo afjaro hannaanka doorashada arrintaas oo aanay fari ka qodnayn. Haddaba maxaa shirkaas looga wada-hadlayaa? Waxaan su'aashaas iyo kuwa kalaba waydiinnay Maxamed Ibraahim Mucalimuu, afhayeenka xukuumadda federaalka ee Soomaaliya, wuxuuna u warramay weriyaha BBC-da Cabdifataax Ibraahim Cagayare.

    Qoraalka Codka, Maxamed Ibraahim Macallimuu, afhayeenka xukuumadda Soomaaliya
  12. Puntland oo dil ku fulisay “tiradii ugu badneyd oo lagu xukumay inay Alshabaab ahaayeen”

    Alshabaab

    Xigashada Sawirka, AFP

    Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo, qeybta Puntland ayaa sheegaya in saakay xukun dil ah lagu fuliyay 18 nin oo ay hore maxkamad ugu xukuntay inay ka tirsanaayeen kooxda Alshabaab ah.

    Sidoo kale magaalooyinka Garowe iyo Qardho ayaa saakay lagu toogtay saddex kale oo la sheegay inay kooxda ka tirsanaayeen.

    Xukunkan oo ay ku ridday maxkamadda ciidamada ee Puntland, ayaa waxaa raggan lagu eedeeyay in sanadihii ugu dambeeyay ay Gaalkacyo ka geysan jireen dilalka shacabka iyo dad mas`uuliyiin ah.

    Tiradan 21-ka xubnood ee lagu xukumay inay Alshabaab ka tirsanaayeen ee saakay xukunka lagu fuliyay ayaa noqoneysa tii ugu badneyd ee hal mar xukunka lagu fuliyo, sida laga soo xigtay laamaha ammaanka Puntland.