"Aabbahay wuxuu tacaddiyo u geystay 130 carruur, waxaana xaqiiqada aan ogaaday ay ahayd mid naxdin leh."

Fiona Rugg waxay sheegtay in la wajahayo xaqiiqada ku saabsan falalka “naxdin leh” ee aabbahood ay ka caawisay bogsashada.

Gabadhii ninka loo arko inuu yahay midka ugu badan ee ku xadgudba dadka oo la xiriira Kaniisadda Ingiriiska ayaa sheegtay in ugu dambeyntii inay ogaato xaqiiqda tacadiyada uu kula kacay 130 carruur ay ahayd wax naxdin iyo argagax leh.

Fiona Rugg, 47 jir, waa gabadha ugu yar ee John Smyth, oo ahaa qareen iyo guddoomiyaha hay'ad samafal Masiixi ah, kaasoo dhintay ka hor inta aan loo soo taagin maxkamad oo uusan cadaaladda wajahin.

Dabayaaqadii Sanadihii 1970-meeyadii iyo horraantii 1980-meeyadii, Smyth wuxuu ku kacay tacaddiyo jireed iyo galmo oo ka dhan ahaa ku dhowaad 130 carruur iyo dhallinyaro.

Tan iyo markaas, Rugg, oo ah magaceeda guurka, si tartiib tartiib ah ayay ula qabsatay xaqiiqada naxdinta leh, laakiin badanaa waxay la tacaashay dareenka "ceeb ka dhalatay falkii aabaheed."

"Si macquul ah ayaan u fahmi karaa inaanan mas'uul ka ahayn, laakiin waxaan dareemayaa xumaan in aabbahay uu sidan ku sameyn karo qof, dabcan, weligiisna ma uusan ka shallaynin falkiisa," ayay tiri.

"Qayb weyn oo ka mid ah sheekada aabbahay iyo sida uu uga baxsaday falalkaas waxay ku dhisnaayeen qarin iyo khiyaano, balse waxaan rabaa inaan taas ka hortago oo aan arrimaha shaaca ka qaado."

Warbixinta la yiraahdo Makin, oo la daabacay 2024, ayaa lagu ogaaday sida kaniisaddu u maareysay eedaymaha ka dhanka ah Smyth ay ahayd wax qarin, iyadoo hal wadaad uu qirtay falka: "Waxaan u maleeyay inay dhaawac weyn u geysan doonto shaqada Ilaah haddii arrintan la shaaciyo."

Mar ay la hadashay BBC-da, Rugg waxay sheegtay in ogaanshaha xaqiiqada ku saabsan baaxadda tacaddiga "naxdinta leh" ee aabbahood uu ka caawiyey inay qalbi ahaan bogsasato.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Waan cafiyey, laakiin taas macnaheedu ma aha in xanuunka uu baaba'ayo ama uu sax yahay. Mar dambe si weyn uma saameeyo ama ceeb ma dareemayo, laakiin taas macnaheedu ma aha in naxdinta waxa uu sameeyey ay yaraatay," ayay tiri.

"Ma jirin wax calaamad ah oo ka turjumeysa inuu ka shallaayay. Waxaan ka raalli gelinayaa magaca aabbahay wixii uu ku sameeyey carruurtaan."

Digniin: Sheekadani waxa ay ka kooban tahay waxyaabo dhib badan iyo tixraacyo ku saabsan xadgudubka carruurta.

Rugg waxay xasuusataa carruurnimo cadaadis badan oo lagu hayay "daba-gal joogto ah" marka loo eego isbeddellada aan la saadaalin karin ee niyadda aabbahood.

"Waxaan u maleynayaa in dareenka ugu badan uu ahaa cabsi, muddo inteeda ugu badan xasuustayda," ayuu dib u milicsatay.

"Waxaan ka baqayay aabbahay, oo aad u degganayn. Wuxuu ahaa mid si fudud u xanaaqa, sidaas darteed waxaa jiray dareen jilicsanaan ama shucuur, iyadoo aan isweydiinayo niyadda aabbahay waxa ku jira. Waxaan dareemayay xumaan anigoo caruur ah sababtoo ah ma jeclayn aabbahay, mararka qaarna waan necbaa," ayay tiri.

Rugg waxay sheegtay in aabbahood uu ka baxsaday shaki sababtoo ah “dad badan baa jeclaa.”

Xigashada Sawirka, Passion Pictures

Rugg waxay sheegtay in aabbahood uu "si buuxda u iska indha tiray" intii ay carruurnimada ku jirtay, ilaa ay ka bilaabatay inay is waydiiso dabeecaddiisa "kacsanaanta."

"Waxa aan arkay waxay ahaayeen wax jahawareer ah," ayay tiri. "Wuxuu ahaa mid aad u argagax badan, aad u xanaaqsan oo naxariis daran, aad bay u adkeyd inaan ka hor tago. Waxaan doonayay inaan isaga ka fogaado intii suurtagal ah, laakiin waxaan arkay waxay ahaayeen dad isaga caabuda."

Marka Smyth uu la ciyaarayo carruurta iyo dhallinyarada bannaanka qorraxda, iyadu waxay ka daawanaysay daaqadda, iyadoo la faray inay ka fogaato maadaama ay ahayd "carqalad loo baahnayn."

"Waxaan la kulanay John Smyth oo gebi ahaanba ka duwan kii uu u muujinayay dunida," ayuu sheegtay.

Taariikhda ninka tacadiga geystay

Rugg (midig) waxay sheegtay inay dareentay in adduunkeeda oo dhan iyo qoyskeedu ay “ku wareegaan” awoodda aabbahood

Xigashada Sawirka, Passion Pictures

Smyth wuxuu galay Winchester College sanadkii 1973 isagoo ka tirsan ururka Masiixiga ee iskuulka, wuxuuna bilaabay inuu ardayda ku xadgudbo isaga oo gurigiisa ku casuumi jiray qadada maalmaha Axadda.

Waxa uu dhibbanayaashiisa ku qasbay in ay dharka iska dhigaan oo ay u adkeystaan ​​garaacista gacan ka hadalka ah ee loogu geystay daar aan shanqar lahayn oo gurigiisa ku taalla, halkaas oo uu si naxariis daro ah ugu garaacayay ilaa uu dhiig ka daato.

Smyth, oo ahaa Masiixi xagjir ah, wuxuu tacaddiyada ku macneeyay sidii ciqaab iyo toobad keenid loogu sameynayo "dembiyada" sida kibirka ama siigada.

Baaritaan gudaha ah oo ay sameysay Iwerne Trust ayaa shaaca ka qaaday dhibaatadan sanadkii 1982. Waxaa lagu sheegay tacadiyadan ahaayeen "mid ballaaran, naxdin leh oo argagax leh," iyadoo faahfaahin laga bixiyay sida 8 carruur ah ay u soo mareen guud ahaan loogu dhiftay 14,000 oo karbaash.

Laakiin halkii ay la socodsiin lahaayeen hay'adaha, shakhsiyaad caan ka ah Masiixiyadda xagjirka ah ee Kaniisadda Ingiriiska ayaa ka caawiyay Smyth inuu si qarsoodi ah uga baxo UK, taasoo u saamaxday inuu ka maagto cadaaladda muddo tobanaan sano ah.

Markii qoyskiisu loo wareejiyay Zimbabwe sanadkii 1984, Rugg waxay sheegtay in aabbahood uu arrinta u soo bandhigay sidii "hawl sharaf leh" oo uu ku hurayo "xirfaddiisa cajiibka ah" si uu u noqdo wadaad.

Markii Smyth ay gabadhiisa ku soo laabatay UK iyada oo 18 jir ah , waxay bilawday inay ka fikiraan su'aalo badan oo ku saabsan aabbahood.

"Markii la ogaaday inaan ahay gabadhiisa, waxaan arkay in si hoose uu welwelka uga muuqdo wejiyada dadka," ayay tiri.

"Dadku ma aysan ka falcelin oo ma aysan dhaheyn 'waa nin wanaagsan!', dhab ahaantii waa ka soo horjeeday. Waxay ahayd aamusnaan naxdin leh. Waxay u muuqatay in xiriir yar oo kaliya uu la lahaa UK, taasoo iga yaabisay."

Waxay aabbahood kala hortimid wararkan habeenkii Ciida Kirismaska, aad ayuuna uga carooday, isagoo ku eedeeyay inay tahay "aan daacad ahayn" qoyska sababtoo ah geesinimada ay su'aasha u galisay sharaftiisa.

"Falcelintiisu waxay ahayd mid aad u xun ilaa aan xasuusto inaan u maleynayay, 'Hadda si dhab ah ayaan u ogahay.' Meesha qiiq ku aragto, dab ayaa yaalla," ayuu tiri.

Eedaymaha tacaddiga ee uu Smyth geystay waxaa markii ugu horreysay lagu shaaciyey baaritaan ay sameysay Channel 4 oo ah telefihsin ka howlgala Britain bishii Febraayo 2017.

Habeen ka mid ah, Rugg waxay shiday wararka waxayna ka aragtay wejiga aabbahood shaashadda, magaciisana oo si weyn u qoran iyadoo dambiyo naxdin leh lagu eedeynayo.

Rugg waxay sheegtay inay hadda ka hadli karto aabbahood "iyadoo aan lahayn xaasidnimo ama nacayb" isla markaana ugu dambeyn ay dareemayso nabad.

"Waaya-aragnimadayda, haddii aad ka hortimaado waxa aabbahaa sameeyey, waad bogsiin kartaa oo aad cafin kartaa," ayuu ku nuuxnuuxsatay.