Muxuu yahay xiriirka ka dhaxeeya rabitaanka cuntada iyo Walbahaarka, sideese loo daweeyaa?

Walbahaarka ayaa lala xiriiriyaa baahideena cunto, iyada oo keenta doonin ama doonis la'aan cuntada

Xigashada Sawirka, Getty Images

Culayska walbahaarka ayaa burburin kara caafimaadkeena. Wuxuu sababi karaa madax xanuun, lalabo, hurdo la'aan, wuxuuna si weyn u carqaladeeyaa rabitaankeena cuntada. Marka aan dareeno walbahaar waxa dhici karta in aan u baahano shukulaato ama Pizza ama gabi ahaanba aynaan dareemin cunto.

Balse, ma dhabbaa in welwelku ama walbahaarku awood u leeyihiin inay rabitaanka cuntada kiciyaan ama damiyaan, maxaase la samayn karaa si taasi looga hortago?

Waa maxay welwel ama walbahaar?

Professor Rajita Sinha, oo ah aqoonyahan cilmi-nafsiga caafimaadka iyo agaasimaha Xarunta walbaharka ee Jaamacadda Yale, ayaa tiri "welwelku ama walbahaarku waa jawaabta jirka iyo maskaxda ee xaaladaha culus iyo kuwa kugu adkaada, waxaana marka aad ku jirto xilligaas laga yaabaa inaad dareento inaadan waxba ka qaban karin."

Dhacdooyinka deegaanka, welwelka maskaxda, iyo isbeddelada jirka sida gaajo daran ama harraad ayaa dhammaantood ah kiciyaha qayb yar oo maskaxda ka mid ah oo la yiraahdo hypothalamus, taasoo keenta in dareenka walbahaarka kor u kaco marka jirku bilaabo inuu ka falceliyo.

Sinha waxa ay sheegtay in nidaamkan uu ka shaqeeyo unug kasta oo jirka ah, isagoo kiciya hormoonnada sida adrenaline iyo cortisol si loo kordhiyo garaaca wadnaha iyo cadaadiska dhiigga.

Walbahaarka muddada gaaban ayaa faa'iido yeelan karaa, maxaa yeelay wuxuu ku dhiirrigeliyaa inaad ka baxsato khatarta. Laakiin muddo dheer, walbahaarka joogtada ah wuxuu noqon karaa mid waxyeello leh.

Dadku marka ay qabaan walbahaar joogto ah , oo ka dhalan kara xiisad joogto ah oo guurka ah, dhibaatooyin dhaqaale, ama shaqo - waxay la kulmi karaan niyad-jab, dhibaatooyin hurdo, iyo miisaanka oo kordha.

Sidee ayuu walbahaarku ula xiriiraa rabitaanka cuntada?

Saamaynta Walbahaarka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Walbahaarku wuxuu kordhin karaa gaajada ama gebi ahaanba waa ay damin karaan. "Waxaan weli xasuustaa dareenkan markii aan u diyaargaroobayay imtixaannada," ayay tiri Dr. Mitu Storoni, oo khabiir ku ah arrintan.

"Dabcan hadda waan ognahay in sababta ay mid ka mid ah u tahay xiriirka tooska ah ee u dhexeeya habka dheef-shiidka iyo maskaxda," ayay ku dartay. Walbahaarku wuxuu yareeyaa hawlgalka neerfaha (vagus), oo soconaya maskaxda ilaa caloosha.

Neerafahaasi ayaa kala gudbiya dareemaha u dhexeeya maskaxda iyo mindhicirka, iyaga oo maskaxda u sheegaya sida caloosha u buuxdo iyo baahiyaha tamarta ee jirka. Sidaasi darteed, Dr. Storoni ayaa sharaxaysa in marka neerfahan uusan si fiican u shaqayn, rabitaanka cuntada uu carqaladeymo.

"Dhinaca kale, sidoo kale waan ognahay in maskaxdeenu u baahan tahay sonkor marka aan ku jirno walbahaarka sare," ayay tiri.

Saamaynta Walbahaarka joogtada ah ee rabitaanka cuntada

Saamaynta walbahaarka joogtada ah waxa ay keeni kartaa lalabbo daran iyo rabitaanka sonkorta. Professor Sinha ayaa sheegtay in marka jirkaagu walbahaarku saameeyo, dhiiggaaga uu ka buuxsamayo sonkor, taasoo ka dhigaysa in hormoonka nidaamiya heerka gulukooska uusan si fiican u shaqayn muddo gaaban.

Gulukoosku wuxuu ku sii jiraa dhiigga halkii laga isticmaali lahaa tamarta, taas oo keenta in heerka sonkorta dhiigga uu kaco.

Tani waxa ay dadka qaba walbahaarka joogtada ah khatar ugu tahay inay mustaqbalka yeeshaan dhiigga-sonkorta oo sareysa iyo iska caabbinta (insulin), taas oo keeni karta miisaanka oo kordha ama cudurrada sida sonkorowga.

Miisaanka oo kordha, dhanka kale, wuxuu ka dhigi karaa jirka mid u nugul isbeddelada rabitaanka cuntada. Guud ahaan, dadka dufanka jirka ku badan yahay waxa ay u nugul yihiin iska caabbinta insulin, taasoo macnaheedu yahay in marka ay niyad-jabsan yihiin, maskaxdoodu ay rabto sonkor badan.

Sidee looga hortagi karaa rabitaanka sonkorta ee ka dhalata walbahaarka?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Qorsheynta ka hortagga walbahaarka ka hor waa mid ka mid ah siyaabaha ugu wanaagsan ee looga fogaado cunista xad-dhaafka ah, sida ay ku talinayso Dr. Storoni. Xasuuso, hurdo wanaagsan waa muhiim.

"Waa muhiim in diiradda la saaro hurdo, maxaa yeelay hurdo ayaa dib u dhigaysa saddexda xubnood ee ka qayb qaata jawaabta walbahaarka. Taasi waa sababta aan kugula talinayo hurdo joogto ah," ayay tiri.

Hurdo wanaagsan waxa ay qayb ka mid ah maskaxdaada oo la yiraahdo (hypothalamus), iyo qanjirada (pituitary iyo adrenal), ay dib ugu celisaa dheelitirka si ay u joojiso soo saarista hormoonnada walbahaarka.

"Haddii aanu hurdo heli karin, jirkayagu wuxuu u baahan yahay sonkor badan maxaa yeelay wuxuu u baahan yahay tamar; hurdo la'aantu waxay ka dhigtaa maskaxda inay u baahan tahay tamar badan," ayay tiri Dr. Storoni.

Ciyaaraha jimicsiga ayaa sidoo kale ka caawin kara inaad ka gudubto xaalad walbahaarka oo aad ka helayso deggenaan iyo shaqada maskaxda oo hagaagta.

Haddii uu ku hayo walbahaar sare, waxaa lagugula talinayaa inaad diirada saarto waxyaabaha aasaasiga ah: sida hurdo, jimicsi, iyo cunto caafimaad leh.

in la isla cunteeyo ayaa yareeysa cudurada baahida cuntada ee ay sababaan walbahaarka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Cuntooyinka laga fogaado marka uu walbahaar jiro

Professor Sinha waxa ay sheegtay in mid ka mid ah siyaabaha ugu fudud ee looga fogaado cunista sonkorta xad-dhaafka ah marka la niyad-jabsan yahay ay tahay in laga fogaado cuntooyinka warshadaysan.

"Tani waa mid aad u macquul ah," ayay tiri, "sidaas darteed waxaan cuntooyinka warshadaysan ku haynaa meel aan si sahlan loo heli karin."

Qodob kale waa in la tixgeliyo cuntooyinka caafimaadka leh ee joogtada ah. Tani waxay naga caawin kartaa in maskaxda laga saaro rabitaanka cuntada sonkorta iyo cuntooyinka warshadaysan.

Waxaa muhiim ah in laga fogaado cuntooyinka (karbohaydraytyada) sare leh sida pizza iyo rootiga macaan ee kordhiya gulukooska dhiigga. Cuntooyinka borotiinka leh sida hilibka, digirta, kalluunka, iyo (karbohaydraytyada) caafimaadka leh sida kaabashka iyo (mushrooms) oo ah doorashooyin wanaagsan.

Qodob kale oo muhiim ah waa in la xaddido cabbitaanka khamriga. Dad badan ayaa isku dayo inay walbahaarka ay kaga bogsadaan khamriga, laakiin tani waa burbur. Professor Sinha ayaa sharaxday in tani ay kor u qaadi doonto uun walbahaarka.

Bulshada ayaa sidoo kale door weyn ka ciyaarta ilaalinta dheelitirka walbahaarka iyo cuntooyinka.

"Waxaan u maleynayaa inay tahay inaan ku noqono waxyaabaha aasaasiga ah si aan u bartilmaameedsano xiriirka ka dhexeeya walbahaarka iyo nafaqada. Taas oo ah saacadaha joogtada ah iyo wada cunista," ayay tiri.