Dhegeyso: Madasha Samata bixinta oo ka hadashay shirka ka furmaya Kismaayo
Dhegeyso: Madasha Samata bixinta oo ka hadashay shirka ka furmaya Kismaayo
Siyaasiyiinta mucaaradka ee madasha samatabixinta iyo qaar ka tirsan madaxda maamul goboleedyada ayaa maanta lagu wadaa in kulan uu uga furmo magaalo-xeebeedka Kismaayo, halkaasoo sida ay sheegeen ay kaga arrinsan doonaan wax ay ku tilmaameen dhibatooyin dalka ka jira.
Kulanka ayaa ku soo aadaya ayadoo dawladda federaalka ee Soomaaliya ay qorshaynayso inay qabato doorasho qof iyo cod ah oo ah noqonaysa tii ugu horreysay ee muddo ka badan 50 sano ka dhacda dalka.
Waxyaabaha ay saluugsan yihiin siyaasiyiintaas waxaa ka mid ah nidaamka doorashooyinka ee dalka iyo muddo xileedka xukuumadda hadda jirta. Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo ka mid ah siyaasiyiinta halkaa ku shiraya ayaa Nimcaan cismaan uga warramay ajendaha kulankooda.


