'Madasha samata-bixinta' oo BBC da u sheegtay mowqifkeedu ku aaddan heshiiskii Villa Somalia

AA Warsame

Xigashada Sawirka, Social Media

    • Author, Nimaan Osman
    • Role, BBC

Is-mari-waa xooggan oo muddo ka dhex aloosnaa mucaaradka iyo madaxda dawladda federaalka Soomaaliya ayaa heer-kulka siyaasadeed gaadhsiiyay figta ugu sarraysa.

Shirar dhowr ah oo laga yeeshay xal-u-helidda arrintan ayaa natiijo la'aan ku soo dhammaaday.

Ha se yeeshee, Isniintii toddobaadkan ayaa waxa soo dhacay warka sheegaya in dhinac ka mid ah madashii mucaaradku ay heshiis la qaateen madaxweynaha.

Siyaasiyiin afar ah oo shaaciyay in gebi ahaan ay isaga tageen golihii mucaaradka ayaa dawladda la gaadhay heshiis lagu sheegay in is-afagarad laga gaadhay is-jiidjiid muddo dheer taagnaa oo ku aaddanaa wax-ka-beddelkii lagu sameeyey dastuurka, arrimaha doorashooyinka iyo ammaanka dalka.

Haddaba, madasha samatabixinta ayaa markii ugu horraysay war ka soo saartay mowqifkooda ku aaddan heshiiska garab ka mid ahaa ay la qaateen madaxda dawladda.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo xubin ka ah madashaasi ayaa waraysi uu siiyay BBC-da waxa uu ku sheegay in xubnaha heshiiska qaatay ay ra'yigooda gooni u yihiin, bal se madasha inteeda kale aanay ku raacsanayn.

Dhinaca kale, waxa uu soo hadal qaaday in xubnaha heshiiska la qaatay dawladda Soomaliya ay madasha ku wargeliyeen in ay ka baxayaan iyaga oo sheegay duruufo uu diiday in uu wax faahfaahin ah ka baxiyo.

"Runtii, nimankaas odayaasha ah, fiidkii Isniinta ayay madasha u yimaaddeen oo ay keeneen iscasilaad. Waxa ay yitaahdeen, waxa aan rabnaa in aan madasha ka baxno. Markii horaba, madasahda waxa lagu soo galay si mutadawacnimo ah. Duruufaha ay sheegeen iyo sababta ay u baxayaan markii aan dhagaysannay waxaan garowsannay in laga aqbalo," ayaa uu yidhi.

Xildhibaanka ayaa ka gaabsaday in uu ka jawaabo in ay kala qaybsameen xubnihii hore ugu midaysnaa Madasahda Samatabixinta ee mucaaradka iyo in kale.

Maxay diiddan tahay Madasha Samatabixintu?

Dawaldda iyo Mucaaradka

Xigashada Sawirka, Villla Somalia

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Khilaaf ka dhashay wax-ka-beddel lagu sameeyay dastuurka sannadkii la soo dhaafay ayaa xuddun u noqday muran xooggan oo u dhaxeeyay dawladda iyo mucaaradka, dhowrkii bilood ee la soo dhaafayna waxa socday kulammo u dhaxeeya labada dhinac oo marar badan lagu kala kacay.

Mucaaradka ayaa dood geliyay hannaanka doorasahda qof iyo cod oo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu sheegay in dalka laga qabanayo.

Waraysiga uu siiyay BBC-da ayaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu kaga warramay in waxyaabaha la isku mari waayay kulammadii ay madaxda dawladda federaalka la qaateen aysan ahayn oo kaliya dastuurka.

"Madaxweynaha, waxa aan ku haysannay dastuurka beddelaadiisa keliya ma ahayn. Waxa se aan ku haysannay sida uu u wajahay midnida dalka iyo in gobollada dalka sida gobolka Gedo uu colaado ka hurinayay. Waxa ka sii horraysay Raaskaanbooni uu ciidan ku daabulay iyo in furimihii dagaalka shabaab uu soo faarujiyay. Waxa aan ku haysannay boobka dhulka iyo in dalkii uu ka dhigay dal hal xisbi ah oo afar maamul-goboleed iyo Laascaano uu jeebka gashaday oo uu sheegay in ay xisbigiisa ka tirsan yihiin, " ayaa uu yidhi Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Eedaymahaan uu ujeediyay madaxtooyada ayaan ahayn kuwa ay BBC du si madaxbanaan u xaqiijin karto. Sidoo kale Villa Somalia ayaan marnaba wax jawaab ah ka bixin.

Waxa uu intaasi raaciyay in hannaanka loo maray dastuurka aanay sharciga waafaqsanayn, iyaguna ay dalbanayaan in loo laabto dastuurkii 2012-kii, doorashooyinka dhacayana lagu saleeyo dastuurkaasi.

Cabdiraxmaan ayaa geesta kale waxa uu duray waxayaabaha lagu heshiiyay isaga oo sheegay in la isla af gartay keliya afar qodob oo ka mid ah afartii cutub ee uu khilaafku ka taagnaa.

Waxa uu yidhi: "Waxa uu madaxweynuhu sheegayo in uu ka tanaasulay waa afar qodob oo ka mid ah afar cutub. Waxay u muuqataa madaxweynuhu in aanu weli diyaar ahayn. Madaxweynuhu waxa uu toshay shaati doorasho oo u gaar ah iyo muddo-kordhin."

Qodobbada lagu heshiiyay shalay

Kulan ka dhacay Villa Soomaaliya

Xigashada Sawirka, Villa Somalia

Qoraalka sawirka, Kulan ka dhacay Villa Soomaaliya

War-saxaafadeed ka soo baxay heshiis lagu gaadhay Villa Soonaaliya ayaa lagu sheegay in dhinacyadu iyaga oo tixgalinaya muhiimiyadda midnimada qaran, xasilloonida siyaasadeed iyo dowlad wanaaga loo dhan yahay, isla markaana mudnaanta la siinayo geedi socodka dowlad dhiska Soomaaliyeed.

Siyaasiyiinta lagu xusay magacyadooda warsaxaafadeedka waxaa ka mid ah Raysal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirishiid Cali Sharmaarke, guddomiyaashii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, Maxamed Mursal Sheekh Cabdirixmaan iyo wasiir hore Daahir Maxamuud Geelle.

"Maanta, qayb ka mid ah madashii samatabixinta iyo dawladda federaalka ayaa wadahadalladii soo gabagabeeyay. Waxaana la isla gartay in qodobbada qaar dib-u-eegis lagu sameeyo. Waxaan rajaynaynaa in bulshada Soomaaliyeed iyo siyaasiyiintuba ay nala qaadan doonaan, " ayuu yidhi madaxweynaha Soomaaliya.

BBC-da oo weyddiisay Cabdiraxmaan Cabdishakuur in madashu ay u dhutin doonto xubnaha ka aragtida duwan ee heshiiska la qaatay dawladda ayaa waxa uu ku adkaystay in aanay arrintaasi dhibaato ku noqon doonin hawlaha mucaaradka.

Maalinimadii shalay ayaa afar xubnood oo ka tirsanaa madashaan waxa ay is afgarad la gaadheen Villa Soomaaliya. Is afgaradka ayaa ku salaysanaa mabaadii'da lagu qorayo dastuurka ee ku aaddan nidaamka doorashada Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in waxyaabaha ay ku dhalliilayaan Dawladda Federaalka aanay keliya ahayn arrimaha doorasahda, balse ay diiddan yihiin qaabka ay dawladdu u maamushay xiisadda Gedo, la macaamilka maamul-goboleedyada, ku-takrifalka hantida dadweynaha iyo dagaalka al-Shabaab iyo arrimo kale.

Mar la weyddiiyay waxa ay ku diiddan yihiin nidaamka doorasho ee madaxweynuhu soo bandhigay ayaa Cabdirxmaan Cabdishakuur waxa ku tilmaamay in wakhtiga hadhsan iyo hannaanka doorasho ee madaxweynuhu rabo aanay xilligan macquul ahayn.

Dhinaca kale waxa uu sheegay in ay qaybaha hadhsan ee madashaasi ay weli ku taagan yihiin mowqifkoodii hore islamarkaan aya sii wadayaan mucaaraadada ay kala soo horjeedaan dawladda.