Ma tahay xilligii loo baahnaa gogosha uu ku baaqay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud?

Xigashada Sawirka, SNTV, SOCIAL
Madaxweynaha dowladda Federalka Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo jeedinayey hadal uu uga gol-laa hambalya ciidul Fidriga ayaa khudbadiisa ku soo qaaday xaaladda dalka iyo dagaalka ay dowladdu kula jirto ururka al-shabaab.
Madaxweynaha ayaa xusay in la joogo waqtigii qofkasta oo Soomaali ah ay diiwaan u gali lahayd kaalintuu ka qaato dagaalka ka dhana kooxda ee ka socda dalka.
Ka sokow howlgaladaas, madaxweynaha ayaa sheegay qorshe ay muddooyinkii dembe u jeedinayeen siyaasiyiinta mucaaradka ah.
Maalmo ka hor ayey ahayd markii xildhibaan Cabdirixmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka dowladda uu ugu baaqay madaxweyne Xasan Sheekh in loo midoobo ilaalinta dowladnimada iyo dagaalka ka dhanka al-shabaab.
Sidaas oo kale Sheekh Shariif Sheekh Axmed , madaxweynihii hore ee dalka ayaa ugu baaqay madaxweynaha in tallada dhulka uu dhigo lagana wadahadlo arrimaha siyaasadeed ee dalka.
'' Hoggaamiyaasha siyaasaddeed waxaan ugu mahadceliyanaa garashadooda wanaagsan ee inaan khawaariijta isku haysanin afkaar siyaasaddeed iyo sidaan baa dalka u roon iyo sidaan uma roona ee aan isku haysano jiritaanka dowlad Soomaaliyeed oo xor ah oo dimuqradi ah inay dalka ka hanaqaado waa midaa midaan isku haysano,"ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Wuxuu intaa ku daray inay soo dhaweynayaan arrintaas, isagoo xusay inay dowladdiisu gogol u fidinayso siyaasiyiinta iyo hoggaamiyaasha bulshada si aragtiyahooda iyo dadaalkoodu uu qeyb uga noqdo dagaalka iyo dhisimaha dowladnimo casri ah oo ku dhisan dimuqradiyad iyo nidaam federaal ah.
Hadalka madaxweynaha ayaa imanaya iyadoo madaxdii horey u soo mamaulay dalka qaarkood oo marar kala duwan hadlayey ay ku dhaliileen madaxweyne Xasan iyo xukuumada inay isku koobtay waxkasta oo mudnaa in talo laga galiyo.
Gogosha ma tahay gogol waqtigeedii uu fidiyey madaxweynuhu?

Mursal Maxamuud Saney, oo ah agaasimaha machadka daraasaadka ee Heritage ayaa BBC-da u sheegay in gogasha uu madaxweynuhu ku baaqay ay tahay ''Fursad u baahan in laga faa'iideeysto"
Wuxuu intaa ku daray in hadda madaxweynuhu garowsaday inuu ka dhabeeyo hal-ku dhigiiisa ahaa Soomali Heshiis ah.
''Waxaa loo fasiri karaa haddaan u jeedada ka abbaarno in Madaxwynuhu fahmay inuusan kaligiis ku filneyn taladda dalka, ha noqoto dagaalka lagula jiro nimanka nabad-diidka ah , waxay ka dhigan tahay wax weyn waa talo mar hore loo baahnaa," ayuu yiri Saney.
Mursal, wuxuu sheegay in tani abuuri karto fursad Soomaalidu ku mideyn karto talladeeda balse waxkasta ay ku xiran tahay in siyaasadda laga heshiiyo.
''Wixii ka soo haray isaga kurisgiisa waa inuu dhulka soo dhigo oo dhaho Soomaalida waa tanaa taladii dhulkay iga taallaa ee an heshiino. Kow waxaa ah an ka heshiino siyaasada iyo awood qaybsiga," ayuu BBC u sheegay Mursal Saney.
Maxaa la gudboon madaxweynaha, maamulada iyo Mucaaradka?

Xigashada Sawirka, SOCIAL
Agaasimaha Machadka daraasaadka ee Heritage ayaa xusay inuu qabo in dhinacyadu muujiyaan tanaasul iyo in si dhaba looga wadahadlo arrimaha dalka.
''Madaxweynaha waxaa la gudboon inuu ka dhabeeyo gogosha oo aysan noqon af-gobaadsi oo miiska soo fariisto isagoo wax shuruuda ku xirin, qolyaha ka soo horjeeda dowladda waxaa loo kala qaadayaa labo, dowlad goboleedyada oo saamiley siyaasadeed dhaba oo meesha ay joogaan ka arrimiya iyana waa inay miiska soo fariistaan shuruud la'aan," ayuu yiri Mursal.
Wuxu intaa raaciyey in Bulshada rayidkuna qaataan doorka dhexdhexaadnimada oo u dhaxeeya cida is haysata oo dhimriya oo markay kala fogaadana isku soo dhaweeya.

Xigashada Sawirka, Abdiweli
Dr. Cabdiweli Maxamuud Gurey, oo falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa la qaba Saney, in madaxweyne Xasan Sheekh markan uu qiimeeyey in xaaladda dalku u baahan tahay midnimo iyo in la gaaro heshiis siyaasadeed si hore loogu socdo.
Gurey, wuxuu sidoo kale sheegay in loo baahan yahay tanaasul iyo wadahadal dhab ah.
''Waxaa u furan mucaaradka iyo maamulada in la isuga soo dhawaado waxa jira awgood, Soomaaliya dagaal uguma badiso, kaliya anigu waxaan arkaa in tallada dhulka la dhigo oo madaxweynuhu yiraahdo shirka meesha lagu qabanayo idinku meeleeya si loogu arko in waxa uu ku baaqay ay dhab ka tahay," ayuu BBC-da u sheegay Cabdweli Maxamuud Gurey oo horrey musharax madaxweyne ugu soo noqday Puntland.
Soo dhaweynta gogosha madaxweynaha ee qaar ka mid ah mucaaradka
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Siyaasiyiinta mucaaradka ee kala ah; Xasan Cali Khayre, Raysal wasaarihii Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, madaxweynihii hore Soomaaliya iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si wadajir ah u soo dhaweeyey gogosha wadatashi ee uu xalay ku baaqay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo ku tilmaamay "tillaab dhanka wanaagsan loo qaaday."
Qoraal ay si wadajir ah u soo saareen, ayey ugu horreyn waxay ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyeen munaasabadda Ciidul Fidriga.
Siyaasiyiintan ayaa tibaaxay inay soo dhaweynayaan gogosha wadatashiga, iyagoo xusay in "halista Argagaxisada iyo duufaanta is-beddelka siyaasadeed ee dunida ka socota waxay nagu waajibinayaan isku tanaasul, xisaabtan caqli ku dhisan iyo waaqicinnimo, si loo badbaadiyo jiritaanka qarannimadeena."
Balse, waxay intaasi raaciyeen in "si ay gogoshu u noqoto mid wax ku ool ah, natiijo mira dhal ahna u yeelato, looguna midoobo difaaca dalka iyo dagaalka argagixisada lagula jiro, waxaan dhowraynaa in faahfaahin dheeri ah laga helo, ajandaha, waqtiga iyo ka soo qaybgalayaasha aan looga maarmin ka mira dhalinta gogosha."
Dhanka kale waxaa gogosha soo dhaweeyay madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam.













